November 29, 2011
Faallo: Sirdoonka Beelaha Dhexe, Oo Si Lama Filaan ah Uga Hor Yimid, Isla Markaana Bahdilay Ergadii Ururka Tolka, ee Boorama Ku Sugnayd.
Sirdoonka beelaha dhexe ee Somaliland, ayaa si lama filaana uga hor yimid dhaqa-dhaqaaqa labadii wiil ee Ururka Tol Leadership Council u dirteen magaalaga Boorama, isla markaana ku amray inay si degdeg ah uga baxaan Somaliland. Arintan oo aan hore loo filayn maadaama ururka lagu tuhunsanaa inuu taageero ka haysto madaxwene kuxigeenka Somaliland, C/raxmaan Saylici iyo qaybo ka mid ah madax dhaqameedka Awdal, ayaa fajac iyo yaab ku noqotay cid kasta oo danaynaysay inay ergada ururka Tolku guul ka gaadhaan hawlihii ay u yimaadeen Boorama.
Bahdilaada loo geystay Cali Xaamud iyo Cabdiwaaxid Qalinle, ayaa sida la sheegay waxa ka mid ah; baadhitaan xad dhaaf ah, cago juglayn, aflagaadooyin aan ku haboonayn niman dhalin yar ah, xayiraad lagu soo rogay dhaq dhaqaaqooda iyo amar lagu siiyay inay sida ugu dhakhsaha badan dalka uga baxaan, taasoo keentay inay tuke baalcad ka noqdaan magaalada Hargeysa, iyada oo dadkii markii hore dabo yaacayay maanta ka dhuumanayaan, telephonekana laga qaban laayahay.
Qado shraf loogu sameeyay guri ku yaal magaalada Hargeysa, oo uu leeyahay xildhibaan Nuur Rayaale (G/guurtida), ayaa markii la ogaaday ergadii Tolka in lagu haysto xarunta sirdoonka Hargeysa, wasiiradii iyo agaasimayaashii lagu marti qaaday ka soo daahiri waayeen, ka dibna la siiyay masaakiinta Hargeysa.
Su’aalaha maanta ilaa shalay ay siyaasiinta iyo shacabka Boorama isweydiinayaan, ayaa waxa ka mida; waar xagee nimanka laga daaray? Iyo xagay colaada intan leeki ka socotaa?
Wararka la isla dhexmarayo Boorama, ayaa badiba sheegaya in siyaasiinta iyo waxgaradka beelaha dhexe sas ka qaadeen ujeedada shirka ururka Tolku ku qabanayaan Boorama ka dib markii ay heleen macluumaad dheeraad ah oo sida la sheegay ka yimid dhinaca Jabuuti iyo qurbajooga beelaha dhexe, kuwaas oo intuba farta ku fiigeen hogaamiyaha ururka Tolka Prof. Axmed Ismaaciil Samatar, oo taageera qadiyada Somali Weyn, sidaa darteedna aanay aamini karayn ururkan.
Hadaba, bal aan wax yar ka taabano wararka ilaa shalay soo baxaya ee iftiiminaya shakiga iyo walaaca sirdoonka iyo siyaasiinta beelaha dhexe kaga qaadeen, kagana dayriyeen ujeedada dhabta ah ee ergada Tolku Boorama u yimaadeen. Waxaanay siyaasiinta reer Awdal ee la socotay arimahani sheegeen in waxyaabaha didiyay waxgardka Reer Hargeysa yihiin kuwo aanu Cabdiraxmaan Saylici waxba ka qaban karayn, inkasta oo uu ahaa ninka ay isku halaynayeen Tolku.
Ugu horayn waxa labada will loo diiday inay tegaan Jaamicadda Camuud, halkaas oo ay codsadeen inay ardayda jaamicadda kula kulmaan, iyaga oo sida la sheegay rabay inay ardayda kala haldaan dhibaatada ay qabyaaladu keento iyo sidii ay uga feejignaan lahaayeen. Hase yeeshee maamulka gobolka Awdal oo tixraacaya amar ka yimid xukuumada Hargeysa, ayaa ka hor joogsaday inay tegaan jaamicada, waxana loo sheegay in aanay fasax u haysan inay ka hadlaan meel fagaaro ah ama dad badani iskugu yimaado.
Maalintii ku xigtay, ayaa waxa labadii wiil lagu amray inay si degdeg ah u soo galaan magaaalada Hargeysa, iskana xaadiriyaan xarunta dhexe ee sirdoonka Somaliland, halkaas oo sida la sheegay lagula yeeshay waraysi dheer oo saacado badan qaatay, iyaga oo midba qol gooniya lagu xereeyay. Wararka la xidhiidha waraysigan ay sirdoonka Hargeysa la yeesheen wiilasha Tolka ka socday, ayaa sheegay inay hadalo isdhaaf ah ku kala hadleen, madaama oo aanay isku meel joogin, taasoo sii xoojisay saskii ay sirdoonka Hargeysa ka qaadeen ujeedad socdaalkooda.
Markii ay sirdoonka Hargeysa ka dhamaysteen labada wiil, ayaa waxa loo geeyay wasiirka arimaha gudaha ee xukuumada Siilaanyo, Maxamed Nuur Caraalle (Duur), kaas oo hadidaad, quudhsi iyo hadalo jees jees u dudubiyay ergadii Tolka, kuna wargeliyay inaan noocoodan oo kale looga baahnay inay Somaliland yimaadaan, “hadana waa inaad ka baxadaan oo halkii aad ka timaadeen ku noqotaan” ayuu ku yidhi wasiirku. Waxaanu sida la sheegay uga digay inay mar dambe wadanka ku soo laaban wadanka
Wararkan, ayaa waxa kale sheegeen in Cabdiwaaxid Qalinle dhakhso uga baxayo Hargeysa, laakiinse Abiib Xaamud dhawr casho sii joogi doono dalka, isaga oo walaalkii Cali Nus uu damaanad qaaday in aanu hawlo siyaasadeed geli doonin.
Si kastaba ha ahaatee, waxa la odhan kara labadii wiil ee ururka Tolku dirteen jin waalan ayaa ka hoos kacay, waxaana halkaa ku dhamaatay rajo kasta oo Prof. Samatar iyo saaxiibadii ka qabeen inay meel ka cidhiidhsadaan siyaasadaha khariban ee jirta gobolada Awdal/Salel.
Siciid Axmed Aadan - Boorama
