November 29, 2011

Faallo: Maaqnaanshii Axmed Siilaanyo, Somaliland Miyay U Darsatay, Mise Way Raysatay

Boorama (Harowo) - Madaxweynaha Soomaaliland axmed maxamefd siilaanyo ayaa manta dalka kusoo laabtay kaddib markii uu fasax kaga maqnaa muddo bilkudhawaad in ka badan. Imaatinkiisa caasimadda hargeysa ee shalay ayaa laga yaabaa dad badani inay ku farxeen, halka laga yaabo inay kuwa kalena ka naxeen, hadday tahay masuulyiin, ganacsato iyo shicibka laftiisaba.

Shalay ayaa sidoo kale waxa meesha ka baxay rag kursiga dalka u sareeya kusii amar ku taaglaynayey, halka kuwa kalena ay sugayeen imaatinka madaxweynaha.

Haddaba, haddii nin weyni reer ka safro, wax dhaca arrimo badan oo saamayn ku yeesha qoysaskii uu ka tegey, ubadkii, haweenkii iyo raggii xoolaha reerka sii hayey, sidaasoo kale ayaa laga yaaba inuu madaxweynuhu dareemo in reerkii uu ka tegey anu ahayn sidii hore ama kasii wanaagsanyahayba, asalkana wayba yartahay in reer duqiisii maqanyahay horumar sameeyo, barwaaqo dheerad ahna sii gaadho inta uu maqanyahay, sidaa darteedna waxay cid kastaa ka marag kacaysaa in reer soomaaliland ee uu bisha ka maqnaa uu dirqi kusoo gaadhay, dadkii uu ka tegey bil ku dhawaad ka horna ay saameeyeen arrimo siyaasadeed, kuwa amni, kuwa qabyaaladeed iyo kuwa musuqmaasuqba.

Haddaan dib ugu noqqonno waxyaalaha dhacay ee malaha an loo sheegin madaxweynaha, ayaa waxa ka mid ah amniga oo meelaha qaar khalkhalay, beelo kala tegey, siyaasado muruqgsan oo qarandumisnimo ah iyo kuwa la xidhiidha arrimaha dalalka deriska ah. wax yar ka dib markii madaxweynuhu dalka ka baxay waxa dagaallo beeleed ka dhaceen gobolka sanaag, waxana halkaa u gurmaday wasiirka daakhiliga oo nabadgelyadii soo celliyey wax yar ka hor intii anu iman madaxweynuhu.

Sidoo kale, ayaa waxa sii xumaaday xidhiidhka soomaaliland iyoi dalka deriska ah ee Itoobiya, halkaasoo ciidmada Itoobiya hawlgallo badan ka fushadeen laga bilaabo balligubadle soohdiinteeda, ilaa magaalo cad oo ku taal soohdinta g/awdal iyo Itoobiya, iyadoo dhinaca kalena lasoo dhaweystay dalka kale ee deriska ah ee Jabuuti, kaasoo shirkado laga leeyahay xitaa sii madhiyeen ciiddii iyo carradii taallay dooxyada biyaha leh ee Bariisle ilaa Ceelgaal ee G/selel, dawladdaasoo hal ambalaas iyo hal ceel ugu yaboohday dalka oo weliba taliyaha milatariga ee dalkaasi soo raacay.sido kale ayaa weliba Ismaaciil Cumar geelle farta ugu yeedhay kala badh wasiiradii soomaaliland, xildhibeenadii iyo masuulyiin kaleba, balse masuulyiintaasi iyo wasiiradaasi ahaayeen beelaha dhexe oo keliya iyo nin reer jabuuti oo ka tirsan dawladda Axmed Siilaanyo, ilaa imikana lama oga wax ismaaiil cumar geelle ugu
yeedhay raggaasi.

Intii madaxweynuhu maqnaa ayaa sidooa kale waxa dhacay in debedda lagaga dhawaaqay maamulgoboleedka awdal state, kaasoo ilaa maanta taageeradiisa dad loo xidhxidhay, waxa sii kala tegey dadkii ugu midnimada badnaa soomaaliland ee gobolka awdal ,kuwaasoo intii madaxweynuhu maqnaa dabka an kala qaadan, labadii wasiir ee intii madaxweynuhu joogay kala celiyey, oo kala ah wasiirka daakhiliga Duur iyo wasiirka duulistuna ilaalinayeen arrimo kale oo ka darraa kuwa reer Awdal.

Sidoo kale, ayaa gobolkan awdal ay kusoo kordheen arrimo kale oo khuseeya dhinaca siyaasadda, lana hadalhayo in ergooyin ka socda Cabdi ismaaciil samatar ,ahna guddoomiyaha ururkla siyaasiga ee Hiilqaran dalka ku suganyihiin .Intii madaxweynuhu maqnaa ayaa sidoo kale ay dhaceen arrimo maamul oo wiiqay karaamada dawladda, iyadoo uu baxsaday agaasimihii guud ee wasaaradda diinta iyo awqaaftu, iyadoo dhinaca kalena dalka laga furay ururro siyaasadeed oo tiro beelay,taasoo guurtidii ku kala celin lahayd sharciga dalkuna ay laashay diiwaangelintii lagu kala baxayey, iyagoo malaha ku talogalay inay magaha u kala qaadaan marka ururada siyaasaddu fawdo geliyaan dalka.arrimahaasi iyo kuwa badan oo qarsoon ayaa dalka ka dhacay, kuna sii biiray kuwii hore uu u ogaa madaweynuhu intii anu dalka ka tegin .

Si kastaba ha ahaatee madaxweynaha daka ayaa la odhan karaa waa loo darsaday, waxana uu yimi dalka oo khatar ugu jira arrimaha qaraannimada, nabadgelyada siyaasadda, amniga, dhaqaalaha iyo maamulka, lana ogaaday in haddii uu bil kale kasii maqnaan lahaa la hadala hayn lahaa waxa ka duwan dawladnimada maanta iyadoo maqnaanshihiisa lagu ogaaday itaalka iyo itaaldarada masuulyiintii uu dalka kagasii tegey.

Maxamed Cumar - Hyena

Boorama, Somaliland

Login