November 28, 2011
Faallo: Maxaad Kala Socotaa Lacagta Walaan ee Urur Siyaasadeedka Tolku Hurgufayo, Dadkana Ku Walcinayaan?
“Mar hadaan muftaaxii midigtaa ku haysto - Madhxin maayo xoolaha inta uu ka maqanyee - Meeshii aan doonaba, wa inaan mushaaxaa - Wa inaan Mushaaxaa….”
Labada wiil ee ururka siyaasadeedka Tol leadership Council Boorama u direen, ayaa sida ka muuqata xoolo aanay lahayn hurgufaya, iyaga oo dadka qaar ugu sheekeeyay inay magaalada lacag xad dhaaf ah ku rushayn doonaan.
Dooraato markii ay salaadiinta beelaha Makaahiil la kulmayn, waxa keliya ee ay ka hadlayn wuxuu ahaa lacagta ay sidaan faro badnideeda, waxayna salaadiinta si dadban iyo toos ahba ugugu baaqeen hadii ay aqbalaan codsigooda in suldaan waliba “Miida Gadhka Dari Doono”, hase yeeshee Suldaan Saleebaan, ayaa si jees jees ah ugu jawaabay, waxaanu labada wiil xusuusiyay in wadanka abaaro ba’ni ka jiraan, sidaa darteedna wixii ay lacag wadan dadka abaaruhu baro kiciyeen ugu deeqaan. Lamase filayo inay waanadaa labada cago baruur qaataan.
Hadaba, waxa iswediin mudan xagay ka timid lacagtan badan ee ay ururka Tolku la qadhqadhayaan, dadkana ku weyrixinayaan?
Sida aan ka helnay ilo wareedyo ku dhawdhaw ururka Tolka, isla markaanna ka mid ah dadka weli taageera, waxay noo sheegeen in lacagta xoogeedu Jabuuti ka timid, waxna laga ururiyay xubnaha ururka intii aanu qabyaalada cad ee uu hada ku socdo u xubsiiban.
Wararkan, ayaa waxa kale oo ay intaa ku dareen in lacagayow aan cadakooda la sheegin ururka Tolku ka dhaceen qaadhaanada ay ururiyaan haweenka reer Awdal ee Waqooyiga America, iyaga oo adeegsanaya xubno ka mid ururada haweenka reer Awdal ee ku nool magaalooyinka waaweyn ee America iyo Canada, kuwaas oo u jenjeedha qadiyadaha dahsoon ee ururka.
Sidoo kale, ayaa waxay ururku balan qaadyo lacageed ka haystaan madaxweyne ku-xigeenka Somaliland Cabdoraxmaan Saylici iyo Sirdoonka Beelaha Dhexe.
Ururka Tolka oo 30 xubnood ka koobnaa intii aanay Makaahiilku ka baxin, ayaa xubintii walba laga qaaday US $15,oo, taasoo marka la isku daro gaadhaysa lacag dhan US $45.000. Gudoomiyaha Tolka, Prof Axmed Ismaaciil Samatar, ayaa isna sida la sheegay jeebkiisa kaga daray US $5,000. Marka la isku daro lacagaha laga ururiyay xubnaha ururka Tolka, ayaa wadarteedu tahahay US $50,000.
Wararka la xidhiidha hantida ururka Tolka, ayaa waxay kale sheegeen in lacag lagu qiyaasay US $70,0000 dhawaan ugu timid dalka Jabuuti, taaso la filayay inay ugu deeqeen Sirdoonka dawlada Jabuuti. oo dano gaar ah ka leh xeebaha galbeedka Awdal/Salel.
Si kastaba ha ahaate urur siyaasadeedka Tolka, ayaa waxay dhaceen iyo waxa meel kale uga yimidba maanta kiishada ugu jirtaa lacag kor u dhaafatay US $150,000. Waana qayb ka mid ah lacagtaa ta ay labada wiil ee Boorama loo diray hurgufayaan, dadkana ku walcimayaan, qaarna ay hungriga kaga soo ridayaan.
Kaaga darane, ururka Tolku ilaa hada malaha khasnaji la isla ogyahay oo u xilsaaran kaydka lacagata ururka, isla markaana xubnaha ururka iyo cidii taageertaaba kala xisaabtami karaan hadii ay sifo sharci ah u baxday iyo hadii kale!
Waxa kale oo aan ilaa hada cadayn waxa laga yeelayo lacagtii laga qaaday xubnaha Makaahiil ee ururka Tolka ka baxay oo dhan US $15,000, hadii loo celin waanaya dibteeda leh.
La soco qaybaha dambe ee xogaha ururka Tolka
Siciid Axmed Aadan, Boorama
