November 27, 2011

Hambalyo Qaali ah oo Ku Socoto Mustafa Cabdi - Safiirkii Hore (Germany) ee Somaliland

Geesi ma qarsoomo lamana qaldi karo, garaadkiisa wanaagsana marnaba hoos umma dhaco. Qalbigiisuna marnaba ma dacifoobo. Dhiigiisuna marnaba ma khafiifo. Waxa taa ka markhaati ah geesiga firfircoon ee u dhashay Awdal ee xilkii dib ugu tuurey dowlad goboleedka Somaliland ee ku saleysan qabyaalada kali taliska ah.

Sharaf bay ii tahay inaan hambalyo qaali ah oon lasoo koobi karin u gudbiyo geesiga Mustafe Cabdi ee u damqadey dadkiisa iyo dalkiisa diideyna garaad xumida xukunka Siiraanyo iyo kali taliska mujrimiinta SNM. Mudane Mustafe oo ahaan jirey safiirka u fadhiya Jarmalka (Germany) dowlad goboleedka SNM-ta ee la magacbaxdey Somaliland oo si sharafi ku dheehantahay u diidey maamul xumida, qabyaalada iyo musuqmaasuqa Siiraanyo dowladiisa ayaa noqotey sharaf iyo magac usoo biirtey dowlad goboleedka Awdal State iyo maskax miisaaman oo usoo noqotey reer Awdal.

Hadalkii quruxda badnaa ee tayada xambaarsanaana aad buu ugu mahadsanyahay walaalkeen Mustafe waxaanan ku boorinayaa dadka reer Awdal iney dhago u yeeshaan geesiga Mustafe ereyadiisii oo ay meel walba ka taagaan calankeena quruxda badan leh ee Awdal State islamarkaana ogaadaan ineyna xagal daacin ilaa xaqooda ay helayaan.

Waxaan islamarkaa ku boorinayaa shaqaalaha Siiraanyo ee kasoo jeeda Awdal/Salal iyo Gabiley ee uu Siiraanyo ugu magac darey wasiiro iyo ku xigeeno ee ka shaqeeya burburinta iyo isku dirka dadkooda iney ku cibaaro qaataan oo ay ku deydaan horseedka geesiga ah ee Mustafe oo ay iska dhiibaan dibna uga noqdaan xilka uu Siiraanyo u dhiibey ee ku aadan baurburka gadabuursi.

Iskusoo wada xoori;

Walaal Mustafow iga gudoon hambalyo qaali ah waa mid meel dheer kaga dhacdey dadkaaga qalbigooda geesinimada aad yeeshey taariikhdana baal dahab ah ayaad kaga qorantay. Ilaaha qaadiriina ha baraarujiyo daba dhilifyada calooshooda u shaqeysta ee uu Siiraanyo ugu adeegsado buruburka Gadabuursi  oo sidaad yeeshay ha garansiiyo oo dib ha ugu tuuraan Siiraanyo xilka uu u dhiibey. Reer awdalow ogaada ilaa xaqiina aad heshaan yaan la xagal daacin…. Taageerana awdal State idinkaa iska lehe.

Suleyman Cabdi Dugsiye

Login