November 27, 2011
Faallo: Doorashada Dalka Waa Loo Wada Tashanayaaye Innana ma Tashannaa.
Shacabkii reer Somaliland waxa ay leeyihiin, ‘Bal eega dawlad dawlad ayaa la inna moodaa, oo weliba dawlad horumartaa la inna moodaa….waa taa xisbiyadii albaabbada loo ballaqay, ee loo wada xaytay in ninkii amma gabadhii wax isla haysaaba ay xisbi furato. Dadkii wada mashquul oo magacyo badani durba suuqii soo gal, siyaasiyiin hor-lihi isku caleema saare madaxweyne iyo Madaxweyne ku xigeen’.
Iyada oo ay sidaa tahay ayaad mooddaa in durba xisbiyada cusub iyo musharraxiintoodii ay dib loo guranayaan, oo reerihii hoose iyo ninba taag iyo tamar waxa uu isla hayo reerkiisii kula noqonayo. Odayadii reeruhuna inta ay dawakheen oo qaarkood ay kala guri la’ yihiin codsiyada uga imanaya nin doorka qooqan, ayey misna ku guda jiraan sidii ay u midayn lahaayeen amma inta ay wada faxasaan uu xisbi walliba xulafo uga raadsan lahaayaa gobollada aan ku jirin damca in ay xisbiyo furtaan ah. Haddii ay midayn lahaayeenna waxa la la’ yahay ciddii tanaasul keeni lahayd iyo xisbigii calankiisa laab laaban lahaa. Is xulafaysigiina waxa uu u baahan yahay in aad hesho dad aad aammi kartid.
Waxase jira gobollada amma beelaha aan iyagu xisbiba furan, oo doonaya in ay si kale ku soo baxaan, waxana ay illaa iyo immiga katabuunka ka daawanayaan ciyaaraha xisbiyada, iyaga oo sugaya kuwa ku guulaysan doona final-ka….ninkii is hubayse is caddee, oo meel sii calaamadsay. Inkasta oo dillaaliinta iyo suuq jooggu ay wararka beenta ah iyo reer hebel ayaa badan oo wax soo saari kara ay meelahaa isla dhex marayaan. Waxase dhammaatay wakhtigii la is huursanaa ee aan la is aqoon.
Sidoo kale waxa dadka siyaasadda Somaliland u kuurgalaa ay sheegayaan in qaabkii hore ee doorashooyinka laga guuray, isla markaana aanay dhici doonin habkii qabiil ee la isku xod xodan jiray amma doorashooyinka lacagaha loogu ururin jiray. Sheekaduna ay u biyo rogatay yaa wax haysta amm aqoon iyo dadnimo leh oo ummadda iska iibin kara. Laakiin weli mabda’ ma jiro.
Sida haddaba shaxdu immiga u socoto waxa sida dhaqanku yahay weli loo fekerayaa beel beel, haddana waxa jira xulafaysi hoose oo aan immiga aad u muuqan. Inkasta oo tafaraaruqa iyo tarkanka beelaha hoose ay sii xoogaysanayaan. Misna dhinaca kale waxa aan ka arkaynaa ururro ku awro kacsanaya….bari baan soo u soo dagaallannay dalkan iyo dadkan ee halla na doorto. Laakiin dadka xog ogaalka ahi waxa ay tibaaxayaan in aanay wakhtiyada doorasha aanay taasi aad u shaqaynayn. Halganka ay dalka u soo galeen ee ay sheegayaanna uu ahaa mid ku waajib ah, laakiin aanu ahayn mid ay mag-dhaw iyo abaal gud maamul ku raadiyaan.
Hoggaaminta toosan ee dalkanina ay dadku u siman yihiin. Gaar ahaan dadka aqoonta maamul iyo xirfadeed leh. Taasina waxa aad mooddaa baahideedu in ay baryahan dambe soo if baxday, oo lagu waayo arkay khaladdaadkii ay dawladda jirta amma kuwii ka horreeyey ay galeen. Ee ahayd in ay maamulka u dhiibaan dad aan hore maamul u soo marin amma aan aqoonba lahayn.
Haddii aan hoos ugu daadegno xisbiyada immiga jira iyo mustaqbalkooda, iyo xisbiyada soo socda kuwa la filayo in ay soo baxaan ayaa waxa dadka falaqeeya siyaasadda xisbiyada Somaliland ay sheegayaan in saddexdii xisbi ee hore ay laba iska tegayaan….kuwa soo socda ee qaar immiga bannaanka isa soo dhigeenna ay noqon doonaan kuwa hoggaanka dalka u tartama.
Bal akhristow ila fiiri halka ay xisbiyada jiraa marayaan iyo ka aad is leedahay waa hadhayaa amma aad is leedahay waa soo baxayaa:
KULMIYE: Waa xisbiga talada haya, waxa hoggaamiya Muse Bixi oo u dhashay Hargeysa Galbeed, isla markaana ay ka go’an tahay in uu damiciisa siyaasadeed ka dhabeeyo, waxa jiiddiisa kula tartamaya Ismail-yare oo ay isku hayb yihiin. Dhinaca kalena beelihii bariga ee xisbiga soo saaray waxa ay furteen xisbiyo kale….gaar ahaan beelaha Habar jeclo. Goobihii galbeedka ee Kulmiye codka laga siiyeyna waxa immiga ku qooqan xisbiyada cusub, oo kharash iyo ballan qaadyo wata.
UDUB: Waxa weli lagu dhici la’ yahay in ay hoggaankii tartanka u geli lahaa bannaanka keenaan, guddoomiyihii xisbiga oo Daahir Rayaale ahina waxa uu weli wareegayaa dibadda. Lamana garanayo cidda loo dhiib doono hoggaanka, waxase loo badinayaa Waran Cadde, oo ah hawsar doorashada ka soo hoyn kara guul, waxana uu ka dhashay beel weyn oo haddii ay is daba taagto xulafana la yeelato beelaha galbeedka cardaaduqaha ka dhigi karta xisbi kasta oo isa soo mutuxa. Waxase gobollada Hargeysa iyo Burco kula tartamaya rag kale oo ay isku hayb yihiin, oo uu ka mid yahay DR Gabboose oo la hadal hayo in uu xisbi furanayo iyo Cabdillaahi Cirraha baarlamka oo mashaqo kale ku furan tahay.
UCID: Waa xisbi dagaal lala galay, oo muddaba ka dhammaan la’aa maxkamadaha, waxa weli hoggaamiya Faysal Cali Waraabe, waxana ka baxay hawl wadeenno muddakar ah, waxase uu u xiib siibtay hannaan beeleed oo guushiisa soo dhaweyn kara. Dhinaca taageerada waxa laga yaabaa in uu xisbigaasi xulafo ka helo gobollada Galbeedka. Dhaqaale ahaanna waxa immiga la isku raacsan yahay in uu jiibkiisu aad u qoyan yahay.
La soco qaybta dambe oo xasaasi ah.
