November 25, 2011

Faallo: Maxaa Sabobay In Waftigii Xukuumada Somaliland ee Boorama Yimid, Waxba Uga Socon Waayeen Ajendayaashii Socdaalkooda?

Boorama (Harowo) - Sida la ogyahay waxa magaalada Hargeysa dib ugu laabtay wafdi ka kooban xubnaha reer Awdal kaga jira xukuumadda Axmed Siilaanyo, kuwaasoo muddo toddobaad ku dhaw Boorama ugu sugaan arrimo siyaasadeed iyo kuwa dhaqan, afartii bilood ee ugu dambaysayna saamayn ku yeeshay deggenaanshaha Gobolka iyo arrimaha beelaha.

Wafdigan oo uu hogaaminayey mid ka mid ah labada Profaysar ee reer Awdal kaga jira golaha wasiirada xukuumada Siilaanyo, Ismaaciil Muumin Aare, ayaa socdaalkooda Boorama kusoo beegmay wakhti G/Awdal ka taagan tahay kala qaybsanaan siyaasadeed iyo kuwa dhaqan oo dhex yaalla dadweynaha gobolka, isla markaana saamayn xoog leh ku yeeshay nolosha ijtimaaciga ah.

Waftigii xukuumada oo sidii aan hore u sheegnay todobaad joogay Boorama buuq iyo sawaxan badanna kiciyay, ayaa arbacadii aamusnaan kaga baxay magaalada Boorama, iyaga oo aan tegein wax guul ah kala hoyan, waxaanay noqdeen iyada oon haba yaraate wax horumar ah laga gaadhay arrimhii murugsanaa ee kelifay socdaalkooda Boorama, arimahaas oo ahaa inay xal u helaan dibna gobolka ugu soo dabbaalaan sidii lagu yaqaannay labaatan sano ku dhawaad.

Haddaba, su’aalaha la isweydiin karo ayaa noqon karaya, maxaa sabab u ahaa horumar la’aanta arrimaha siyaasadda, midnimada beelaha, arrimaha dhaqanka iyo guud ahaanba mugdiga saarmay socdaalka madaxda reer Awdal.

Haddaan isku dayno inaan su’aalaha qaar ka jawaabi karo, ayaan soo qaadan karaa dhawr arrimood oo muhiim ahaa in marka hore wax la iska weydiiyo, kuwaasoo noqon karaya, xubnaha wafdigu isku aragti ma ka ahaayeen waxyaalaha ay u socdaan, haku guulaystaan ama haku guuldaraysteene? Misaan intee le’eg ayey lahaayeen xubnaha wafdigu? Ma la isweydiiyey miisaanka masuulyiinta qaarkood ku leeyihiin beelaha ay kasoo jeedaan? Masuulyiinta dawladda ee Boorama timi ma ahaayeen kuwa dhammaan dadweynaha gobolku u joogsan karo? Mise waa kuwa marka la arko laga didayo?

Jawaabaha su’aalahaasi iyo kuwa kaleba waxay muujinayaan sababaha keenay in xaaladda gobolka Awdal anay waxba iskama beddelin, socdaalkii waftiguna wuxuu marka la soo gaabiyo ku dhamaaday guuldaro!

Hadiise aan faaloyin dheeraad ah ka bixino waxyaabaha fashiliyay ujeedooyinkii ay Boorama u yimaadeen, waxan ka bilaabi karnaa marka horeba sida la iskusoo daray masuulyiin an wax weji ah ku lahayn qaybo ka mid ah bulshada, isla martkaana ku caanbaxay kala qaybinta dhinaca siyaasadda iyo qabyaaladda ee hadhaysay gobolka Awdal, kuwaasoo uu horseed ka ahaa kooxda uu hoggaaminayey xoghaya G/guurtida C/laahi Dheere.

Xoghayaha golaha guurtida, cabdilaahi Dheere, ayaa dad badani aamainsanyihiin inuu masuul ka ahaa baaqashada hogaamiye dhaqameedyadii miisaanka ku lahaa gobolka Awdal, uga baaqdeen kulanada loo baahnaa inay la yeeshaan wafdiga, kuwaasoo aaminsan in Cabdilaahi Dheere yahay ninka aabaha u ah kala qaybsanaata siyaasadeed ee gobolka Awdal iyo xagga dhaqankaba, isagoo bilo ka hor warbaahinta ka aflagaadeeyey hogaamiye dhaqameed booqasho ku imanayey gobolka.

C/laahi Dheere, ayaa sidoo kale lagu bartay abaabulkii uu ka galay shirbeeleedka Xeego ee beeshiisu kasoo saartay go’aanada shakiga xambaarsanaa ee laga hor yimid Ugaaska Beelaha Samaroon iyo qdobkii ahaa inay Habar Cafaan mudo sadex sanadood ah ka maqnaato arimaha Gedabuursiga.

Abaabulka xoghayaha golaha guurtida, isla markaana ah ninka ugu dhawdhaw madaxweyne kuxigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Saylici, uu ka galay shirbeeleedkii Xeego, ayaa sidoo kale loo qaatay inuu leeyahay dano siyaasadeed oo uu ku doonayo inuu beesha iska dhiso si uu ugu loolamo mansabka madaxweyne kuxigeenka doorashooyinka soo socda, hase yeeshee jidkii uu arrintaasi u maray waxay ahayd mid uu iskaga eryey shacbi badan oo taageeri lahaa, waxayna natiijadii shirka Xeego noqotay mid dadka sii kala fogaysa.

C/laahi Dheere, ayaa sidoo kale la ogyahay sidii uu beeshiisa uga didiyey martiqaad madaxweyne kuxigeenku sheegay inuu u fidiyey Ugaaska beelaha Samaroon, taasoo sii fogeysay tuhunada xumaanta reebay ee anu weli Cabdilaahi dadka ka sheki bixin!

Dhinaca kale, hadii aan soo qaadano wasiirka dib udejinta C/risaaq Cali Cismaan, kana soo jeeda beelaha Jibriil Yoonis, ayaa isna ka muquurtay kulammo badan, ka dib markii uu keeni kari waayey madax dhaqameedkii J/Yoonis, gaar ahaanna suldaanka guud ee beesha Sul. Abiibakar Cilmi Wabar, isagoo wasiirku waayey wax uu la hortego beeshiisa oo la jaan qaadi kara danaha beeshu ka leedahay xukuumadda Axmed Siilaanyo, maadaama uu keligii xil aan sidaa u buurnayn oo beesha ku qanacdo hayana, beesha ku khasbi kari waayey inay dhegeystaan waxyaabaha uu ka doonayo.

Wasiirka Hawlaha Guud, Prof Ismaaciil Muumin Aare, ayaa isna culays badani kaga yimi qaybo ka mid ah beeshiisa oo iyagu haatan loo dhiibay hoggaanka debedaha kakaga dhawaaqeen Awdalstate, qaar kalena Boorama ugu xidhanyihiin, sidaa darteedna ku guul daraystay inuu hanto taageerada Beesha Nuur Yoonis iyo ta Makaahiilkaba.

Wasiir kuxigeenka waxbarashada Cali Xaanmud Jibriil, oo hada loo yaqaan Cali Nus,  ayaa iyada oo ay haatanna beesha Maxaad Case ee uu ka soo jeedo xukunka Somaliland ka agdhawdahay, ayaa inkasta oo uu dedaal badan muujiyay, haddana iska difaaci kari waayey eedo dhinaca maamulka wasaaraddisa ah iyo kuwa beeshiisa ahba ay u haystaan beelaha madaxweynihii hore, sidaa darteedna wax kasta oo uu beelahaasi u sheegay soo fadhiisin waayeen hogaamiye dhaqameedyadii miisaanka lahaa ee lagala xaali lahaa xaaladda gobolka.

Sidaana waxa kusoo gebogeboobay socdaalkii wafdigaasi, iyadoo laga yaabo in arrimaha ay u yimaaddeen xalkooda kuwa ka darani soo baxaan maalmaha, bilaha ama soo socda, lana sheegeyo in dabaylo kale gobolka keenaan arrimo ku saabsan Hiilqaran, Awdalstate iyo urur TOL la yidhaaba, kuwaasoo laga yaabo inaan ka sheekeeyno wakhtiyo kale.

Maxamed Cumar - Hyena

Boorama, Somaliland

Login