October 31, 2011

Ugaaska Gadabuursi iyo Suldaan Suleyman Ceelbardaalayntu Joojin Mayso.

Waxan arkayey maanta guddi Hargaysa laga magacaabay  oo dhaqdhaqaajinaya ceelberdaalayntii,,wax nagu cusub maaha oo wa iska caado in Hargaysa markii dhibi ka jirtaba la bilaabo Ceel Berdaalaynta.

Laakiin waxa igu cusub in wiilka basaaska ka ahaan jiray Jabouti ee la baxay Yuusuf Warsame oo dhulkiisii iyo beerihiisii ay haystaan J/Abokor inu durba damaashaad bilabo isagoo aad ugu faraxsan ceelberdaalaynta iyo gudigan cusub ee maanta Hargaysa lagaga dhawaaqay.

waxa uu afka ku taagayaa Beelweynta R/Nuur ,,libaaxa rag ka soo dhex baxay ee Suldaan Suleyman iyo Ugaaska Gadabuursi. Runtii isagu tamari waa ta halkaa dhigtay ee dhulkisii J/Abokor haysto, laakiin malaha waxa uu jeclaan laha  in Ilahay R/Nuur sidiisa ka dhigo, yaa huu.

R/Nuur dhulkiisii wuu haystaa xoog iyo xeeladna cid kaga qaadi kartaa ma jiro, Guddiga Hargaysa ee aad u damaashaadayso ee aad leedahay waa EEBO KU MAQAN R/NUUR iyo SULDAAN SULEYMAN iyo UGAASKA.

Waa EY dharaar ciyey adiga ayey kula weyn yihiin, xagayaga qudhaanjo noogama duwana. Waa taad ogayd Suldaan Suleyman wiixii uu ka yiri kuwii hore ee go’anada ka soo saaray kalabaydh.  Ma warqad iyo Guddiyo  ayaa  dhul lagu qataa?? .Dhulkan Yuusuf  basaasow dhiig baa loo huray waana loo huri doona intuu nin Reer nuur ahi noolyahay.

Ugaaska Gadabuursina ilaahay mooyane cid horjoog sankartaa ma jirto ,,Samada iyo Carshiga ayaa laga aqabalay.Gadabuursina Ethopia ilaa xeeb wuu is raacsanyahay in yar oo xanuunsanaysa sidaada moyaane,waakaa Ugaaskii xeeb ilaa iyo saylac iyo lughaya ku tamashlaynaya ee itaal iyo awood lagu hakiyo loo waayey inkastoo GEED DHEER IYO MID GAABAN aad u fuusheen idinka iyo cadawga aad u adeegaysaan. CEELBERDAALAYNA ku soo dara,, waxba ha iskula hadhina idinka iyo kuwa aad udabadhilifaysaan.

Colonel Farah Ruuge

Login