October 31, 2011

Safarka Ugaaska ee Xeebtu Waa Taariikh Midnimo oo mudan in la Wada Ilaaliyo

Socdaalka Ugaaska Qoomiyadda Gadabuursi ee xeebta saylac ilaa Lughaya waa  taariikh soo noqotay oo mudan in hareeraha laga joogo si loo ilaaliyo, looguna rido wadadii  qaddarinta laheyd ee hoggaankeedu ku socon jiray.

Waxa habboon in dhegaha laga furaysto wax kasta oo kala dhantaalaya sharafta midnimadu leedahay, qolo iyo shakhsi toona aan lagu xadgudin karaamadooda; isla markaana la isku tixgaliyo hadalka iyo fikirka ku cad wax-dhisid, Isku garaabid iyo isku tanaasul intaba.

Marka laga talinayo danta guud waa in laga fogaadaa wax kasta oo turxaani ka muuqan karto, maxaa yeelay turxaani waxbay dumisaa ee wax ma dhisto; sidaa awgeed waxan madaxda dhaqanka, odayaasha, aqoonyahanka iyo bulshada ay arrintani khusayso u soo jeedinayaa inay caqli iyo cilmi adeegsadaan kana fogaadaan ficiltanka shakhsiga ah ama qabyaaladeedba ee lagu wiiqayo midnimada shacbiga walaalaha ah.

Murti carabi ah ayaa tidhaa “مصائب قوم عند قوم فوائد” oo macnaheedu yahay “Balaayo qoom ku habsatay ayaa qoom kale faa’iido u ah”; sidaa awgeed waxa habboon inaydaan isku furin albaab dhibi idiinka imanayso – tusaale waxa reer awdalow idiink fillan guddiga loo bixiyey “Shaqaaqada Ceelbardaale” ee lagu soo noolaynayo “Siyaasaddii Ceelbardaaleynta” kuna qorneyd labada website ee kala ah Lughaya & Hadhwanaag; taas oo la yidhi waxa magcaabay Madaxweynaha Somaliland hase yeeshee u muuqata wax rag balaayo raadis ahi ay maleegeen iyadoo loola jeedo in lagu abuuro colaad sokeeye oo dib u qaraxda oo lagu ilaawo horumarka ay keeni karaan midnimada iyo hoggaankii taariikhiga ahaa ee reer Awdal.

Eraygan “Reer Awdal” waa bulshoweyn isugu tagta qoomiyadda Gadabuursi oo qolooyin hoos yimaadaan; samaroonka oo ka mid ahina wuxu ka kooban yahay sagaal qabiil (sideed ilma samaroon ah iyo adeerkood) ee maaha saddexdan ardaa ee lagu soo ururiyey mudadii uu inqilaabka milatariga ahi Soomaaliya ka talinayey(1969 – 1991).

Hadaba, ballantii iyo heshiiska 20/10/2011 ay madaxda dhaqanku gaadheen ma jabin ee halkii uunbuu yaalaa; hadalada guddoomiyaha Gobolka ka soo yeedhayna wax meesha leegba maaha, qaarkoodna waaba gaf uu ula badheedhay salaadiinta; waxanan u soo jeedinayaa inuu raaligelin ka bixiyo, salaadiintana xaal mariyo.

Sidaa darteed; madaxda dhaqanka ee is khilaafsan waxan u soo jeedinayaa inay ka waantoobaan fikirka aasaya taariikhda ay idiin qirsan yihiin darisyadiina mandaqadda geeska afrika dawlad iyo shacaba, una midoobaan siday bulshada ay madax-dhaqameedka u yihiin u gaarsiin lahaayeen midnimo ay ku hantaan horumar dhaqan dhaqaale; waaya-aragnimona ha idiinku filnaato 100ka sano eed ka madhneydeen hoggaan aad ku midaysan tihiin.

Shaki kuma jiro in jiilka da’yarta ah ee isdaba joogaa ay u harraadan yihiin midnimo ay aayahooda ugu tashadaan, una baahan yihiin hoggaan midaysan oo ay dhaqan suuban ka dhaxlaan; sidaa awgeed waxa aqoonyahanka khibradda leh  iyagana looga baahan yahay inay dadaalkooda wax-barashada iyo barbaarinta ku kordhiyaan wacyigelinta bulshada ee arrimaha  dhaqanka iyo kala-danbayntu saameynta ay ku leeyihiin nolosha guud iyo ta gaarba.

Wa billahi Atawfiiq!  Midnimadu ha guulaysato.

Mohamed Abdullah Haji Obsiyeh

Riyadh – Saudi Arabia

Login