October 31, 2011

Raashinkii Gargaarka Ahaa Ee Ugaaska Samaroon U Waday Dadka Abaaruhu Ku habsadeen Oo Galabta Lughaya Gaadhay iyo Gudi Uu Ugaasku Hawshaa U Xilsaaray Oo Maamulaysa.

Baabuur Waraad ah oo raashin mucaawino ah u siday degaamada hoosyimaada degmada Lughaya oo kasoo kicitimay magaalada Jabuuti isla markaana Ugaasku ugu talo galay dadka abaaruhu saameeyeen ee jiida degmada Lughaya ayaa galabta gaadhay magaaladaasi.

Baabuurkan Oo sida raashin isugu jira 200 kiish oo bariis ah, 100 kiish oo daqiiq ah, 70 caag oo saliid ah iyo Caano cost wuxu hordhac u yahay mucaawinooyinka iyo mashaariicda horumarineed Ee Ugaaska beesha Samaroon Ugaas Cabdirashiid Ugaas Rooble Ugaas Doodi uu ugu talo galay inuu wax ugu qabto dadkiisa iyo dalkiisa.

Deeqdan waxa maamulkeeda gacanta ku haya gudi uu ugaasku u xilsaaray qeybinteeda oo ku sugan Lughaya, Ugaaskii iyo waftigiisii uu horkacayayna waxay saacadaha soo socda kusoo fool-leeyihiin caasimada gobolka Awdal Ee Borama kadib markii uu usoo gabo-gaboobay safarkii uu ugu kicitimay degaamada xeebta halkaas oo uu ugu kuurgalayay xaaladaha nololeed Ee ka jira degaamada xeebta iyo nawaaxigooda.

Ugaaska iyo waftigiisa oo maanta qado sharaf iyo Cashaba ku lahaa magaalada Boon waxay beri tegi donaan magaalada Borama halkaas oo soo dhaweyntooda si wayn loogu diyaargaroobay.

Login