October 31, 2011
Faallo: Jawigii Ugaaska Beealaha Samaroon Kaga Ambo Baxay Boorama, Turunturooyinkii Loo Dhigay Iyo Guulaha Dhaxal Galka ah ee Ka Soo Hooyday Safararkiisii Xeebaha Awdal/Salel.
Boorama (Harowo) - Mar kasta oo umad ama qawmiyadi go’aansato inay danahooda u maraan safar dheer, waxa hubaal ah inay safarkaasi kala kulmaan caqabado kaga yimaaddaa umadda ay metelaan, kuwa kasoo horjeeda danaha qawmiyaddaasi, loogana gacan haadiyo meelo kale iyo duruufo kaga yimaadda dhinaca ilaahay oo baajin kara safarkaasi.
Sidooa kale marka qawmiyad kala qaybsan, cadaawad beeleed iyo mid siyaasadeedna lagu kala faquuqo, ayaa waxa soo baxa kooxo isku bahaysta dagaallo wejiyo kala duwan leh oo loo adeegsado safakaasi carqaladayntiisa.
Haddaba, waxan ognahay in muddo laba bilood ka badan uu Ugaaska beelaha Gedebuursi Ugaas C/rashiid Ugaas Rooble Ugaas Doodi ku sugnaa Boorama, isagoo ku talo gashanaa inuu soo mara dhulkii awoowayaashii kasoo unkeen hogaamiyenimada beeleed ee uu maanta u hayo beelaha Gedebuursi, hase yeeshee safarkiisaasi dhinaca xeebaha gobolka iyo xitaa imaatinkiisa magaalada Boorama, ayaa waxa la hor dhigayey caqabado badan, loona adeegsaday nooc kastoo oo ka mid ah dagaalada qabyaaladeed iyo kuwa siyaasadeedba.
Waxayna caqabadahaasi keeneen in qaar ka mid ah horjoogayaasha beelaha Gedebuursi kiciyeen dabaylo siyaasaqdeed iyo kuwa qabyaaladeed oo shaki gelin karayey abtirsiintooda. Waxa kale oo ay siyaasiinta iyo madax dhaqameedyada iyo waxgaeadka ka soo horjeeda imaatinta Ugaasku adeegsanayeen awooda dhaqaale ama milatari ee beelaha jaarka la ah Gedabuusiga, sida Ciisaha iyo Isaaqa, kuwaas oo marwalba ku guubaabunayeen inuu Ugaasku lidi ku yahay danahooda gaar ah.
Waxa hubaal ah, ugu dambayntiina cadaatay in mucaaradka Ugaaska Beelaha Samaroon aanay lahayn awood ama tamar ay ku hor istaagaan dhaqdhaqaaqa Ugaaska, laakiinse ay isku halaynayeen xukuumadaha Somaliland iyo Jabuuti, kuwaas oo ay islahaayeen way idinka caabiyi karaan taageerayaasha Ugaaska, hase yeeshee markii ay labada xukuumadood arkeen quwadda iyo mowjadaha ka dambeeya taageerada Ugaaska Beelaha Samaroon, way ka muquurteen inay si toos ah uga hor yimaadaan safarka Ugaaska, waxayna ka door bideen in beelaha Samaroon ee Ugaas diidku shaqaadaa iyagu qabtaan. Nasiib darose waxay noqotay Ugaas diidkii oo noqday “Itaal Baranbaro”, taasi oo marka la fasiro noqonaysa dad liita oon waxba iskla celin karin.
Carqaladaha la hordhigay safarka Ugaaska, ayaa qaarkood kasoo baxayeen qaybo ka mid ah hogaanka Soomaaliland, halka kuwa kalena oo ka mid ah beelweynta Gedabuursi afar bilood kudhawaad ku qaylinayeen joojinta Ugaaska, markii Boorama soo gaadhayna isku dayeen sidii ay u baajin lahaayeen safarkiisa xeebaha.
Si kastaba ha ahaatee, waxa la gaadhay maalin maalmaha ka mid ah oo beelaha taageera Ugaasku Go’aansadeen in la gaadhay wakhtigii Ugaaska laga saari lahaa guriga uu ka deggenyahay Boorama, lugahana kusoo kala bixin lahaa dhulkii Ilaahay dhigay qawmiyadda uu hoggaanka u yahay. Maalintaasi waxay guud ahaanba gilgishay intii jeclayd safarka Ugaaska, intii necbayd iyo intii ku qarsoonayd ceeryaamada la saaray safarkaasi.
26 - kii Octoobar, ayaa qaybo ka mid ah hoggaamiye dhaqameedyada goolku goosteen inay lugaha kala baxaan dhooqada Boorama taal, taladana waxa la wareegay raggii horseedka ka ahaa go’aanka safarka Ugaaska ee uu ugu horreeyey suldaanka J/yoonis suldaan Abubakar Cilmi Wabar iyo suldaanka beesha Nuur Yoonis suldaan Saleebaan, isla markaana ay ku raaceen beelaha kale, ayaa ahaa go’aan kala dareeriyey cid kastoo necbayd safarkaasi iyo cid kastoo jeclayd.
Waxa arroornimadii safarkaasi lagu dhawaaqay dhacay khilaaf hadheeyey madax dhaqameedyada iyo salaadiinta iyo siyaasiyiinta beelaha Gedebuursi, kanasoo jeeday beelaha uu kasoo jeedo Ugaasku ee Makaahiil, waxa ku xigay shirqoollo ay maalin ka ahor sii maleegeen qabaa’ilkii kasoo horjeeday Ugaaska oo maalin ka hor u shiray sidii safarka Ugaska looga reebi lahaa siyaasiyiinta beelaha Maxamed Case iyo H/cafaan in muddo ahna Ugaaska Garab fadhiyey.
Waxa shirkaasi lagu sheegay in hadii guul la gaadhana la wada sheegto, hadday guuldarro dhacdana cid keliya dusha laga saaro, haddiise an wax ka taataabsado sida lagu baxay iyo guulaha laga gaadhay safarkaasi, waxad ogaanaysaa in go’aanka shacbiga anay cidi joojin karin.
Wafdiga Ugaaska, ayaa Boorama kaga baxay, kuna gaadhay Boon wax an ka badnay 26 gaadhi, ka dib markii habeenkii ka horreysay dadkii gaadiidka lahaa loo sheegay in dhibaato gaadhi doonto gaadiidkooda hadday Ugaaska raacaan. Waxa isqabsaday muranna dhex maray siyaasiyiintii iyo salaadiintii Makaahiil ee qaarna ku talinayey in la joojiyo safarka, qaar kalena ay ka go’nayd in la baxo.
Waxa isqabsaday maamulkii dawladda ee gobolka iyo qaban qaabiyayaasha safarka Ugaaska, Waxa jiray dacaayado kasoo baxayey ragga weligoodba ka qaylinayey Ugaaska, waxa isqabqabsaday guddigii loo saaray safarka Ugaaska, waxa safarka ka hadhay ama laga reebay siyaasiyiintii iyo waxgaradkii beelaha kale kala socday Ugaaska.
Waxa Hargeysa tegey Janaraal Maxamed Xudhuun, oo aad loogu hanweynaa, mudana ag fadhiyay Ugaaska, waxa dhuuntay suldaan Abshir, waxa hadhay oo cabsi daraadeed u baaqday siyaasiyiintii Beelaha Makaahiil ugu miisaanka badnayd, waxayna arrimahaasi keeneen in ergedii makaahiil iyo samarroonka kale ee Boorama ka baxday ee Boon a gaadhay tiradoodu ka badnaan weydo ilaa kontomeeyo xubnood, oo ay ugu badnayeen ergooyinka J/yoonis oo dhawr iyo labaatan ahaa, halka beesha reer Nuurna anay markaa ka badnayn 1o xubnood, beelaha kale ee Gedebuursi ee Boorama wafdiga ka raacayna anay ka badnayn dhawr iyo labaatan, sidaana lagu tegey Boon.
Waxa dhacday wixiise ka dambeeyey safarka Boon Ugaasku ku gaadhay, ayaa jawiga iyo taageerada safarka Ugaaska wax badani iska beddeleen, xoogna looga daba tegey dad iyo gaadiidba, Saad iyo sahayba, ilaa markii ay Saylac gaadheen tiradoodu kor u dhaaftay 150.
Hadaba, waxa isweydiin mudan siyaasiintii iyo madax dhaqameeyadii doonayay inay baajiyaan safarka Ugaaska, gaar ahaan kuwa beelaha Makaahiil, maanta maxay dadka u sheegayaan hadii socdaalkii Ugaasku guul ku dhamaaday? Wixii laga baqayay ee safarka Ugaaska loo baajinayay muxuu ahaa? Hadii uu Ugaaku tegay xeebaha dhulkiisa bal maxaa khasaaro ah ee uu keenay, marka laga reebo niyad jabka ku dhacay cadowga gedabuursi.
Jawaabta su’aalaha oo dhami waa lawada garanayaa maanta, wayoo safakii Ugaasku dhamaad ayuu ku dhawyahay, faa’iido iyo wanaag mooyaane wax dhib ah ma keenin safarka Ugaasku.
Maanta waxay cadow iyo sadiiqba qiraan in safarka Ugaasju uu ku dhamaaday guul iyo gobanimo, waxkasta oo laga dayrinayayna uu been noqday. Ugaasku isaga oo sharaftiisii iyo habaddiisii aan gadan ayuu booqday dadkiisii iyo dhulkiisii, waana lagu soo dhaweeyay meel kasta oo uu tegay, taasina waa guul u soo hoyatay qofkasta oo jecel sharafta iyo madax banaanida reer Awdal/Salel.
Ugu dambayn waxa cadaatay baajinta safarka Ugaasku aanay ahayn wax Habar Samaroon u dan ah, laakiinse dadka ku talinayay ahaayeen ku u adeegaya gacan shisheeye, shisheeyahaasi oo ka soo horjeeda horumarka iyo midnimada beelaha Gegabuursi.
Maxamed Cumar - Hyena
Boorama, Somaliland
