October 29, 2011

Suldaan Samatar iyo Suldaan Dhawal Hadii aad Marti ku Ahaydeen Saylac, Ugaas Cabdirashiid Ayaa Cadeeyay Inaad Leedihiin Saylac.

Wakhtigu waa mawjad is laba rogaysa, taariikhiba taariikh ayay eryanaysaa, maalinba maalin ayay dhaxlaysaa, waxa aan aad iyo aad ugu farxay  uguna riyaaqay illaahay ha karaameeyo danbigiisana ha dhaafee uguaas cabdirashiid ugaas rooble ugaas doodi ugaska guud ee beelaha gadabuursi markii aan arkay isaga oo dhex tamashlaynaya si isku kalsonaan ka muuqatana u dhex jibaaxaya xaafadaha iyo goobihii taariikhiga ahaa ee magaalada qadiimiga ah ee saylac.

Salylac waa magaalo uu ku abtirsado ugaas cabdirashid ugaad rooble ugas doodi taariikh gaar ah iyo xasuus gaar ahna u leh ugaaska maadaama ay awoowyaashii ahayeen ragii looga danbayn jiray maamulka saylac, wax uuna gutay ugaasku waajib saarnaa maadaaba maagaalada saylac ahayd mid ka mid ah magaalooyinka beel waynta gadabursi.

Waxa magaalada ku soo dhaweeyey boqolaal ka tirsan beesha ugaaska oo degan saylac farxadna la lilmeeyeen markii ay arkeen ugaaskoodii oo u soo laabtay si geesinimo lehna ugala hadlay fagaaraha saylac qudbadna uga jeediyay.

Mid ka mid ah duqayda samaroon ee dagan magaalada saylac mudo ka badan 90 sano ayaa yidhi’ waxa aan ka yaabay markii uu magaalada saylac lagu caleemo saarayay ugaaska beesha ciise ugas mustafe ayaaa lagu soo marti qaaday suldaan dhawal iyo suldaan samatar, dee waaba yaabe ma dad ayaa gurigooda lagu soo marti qaadaa ragaasi hadii ay lexejeclo ka hayso beesha gadabuursi adeer maalintasi may yimadeen saylac manay yeeleen inay gurigooda marti ku noqdaa maalhan danbana waxa ay telefishinada la soo fadhiistaan naxli iyo xumaan adeer tolku haysku tago talaabana halaga qaado ragaasi.

Odayga oo ay ka muuqato riyaaq iyo taariikhdiisii oo soo noqotay ayaa yidhi ; adeer waan u ducaynayaa ugaas cabdirashiid ugas rooble waxana aan ilahay uga baryayaa inuu noqdo mid raaca taariikhdiii awoowyaashi , ilahayna ha ka dhigo kii mideeya umada uu ugaaska u yahay.

Ugaar cabdi rashiid waxaa ka goan inuu maro dhamaan dhulkii ay ku abtirsan jireen beesha uu ugaska u yaha, tanina waxa ay dhiri galin wayn siisay dhamaan shacabka gadabuursi meel kasta oo ay aduunka ka jogaan. Ugaas cabdi rashiid waa ugaas ku caan ah nabad iyo mid nimo,jecelna inuu ku soo celiyo beesha maqaamkii ay hore ugu lahaan jirtay africa.

Ugu danbayntii dhalinyarada saylac ee beelwaynta gadabuursi ayaa waxa ay fariin cad u dirayaan suldaan samatar iyo suldaan dhawal, marka aan nuxurka hadalkooda soo koobo ayaa ah; adeerayaal saylac waad noogu timaadeen, waxa aanad noogu timadeen iniga oo ah marti aan qiimo wayn lahayn wakhtigii ugaaska ciisaha lagu caleemo saarayay saylac,hadii aad ka dagaalami waydeen canbaarayna waydeen caleemo saarkaasi dhulkiina ka dhacay, aanad ka mid ahaydeen suldaanadii soommaliyeed ee goobtaasi joogay,maxaad u taageri waydeen ugaas cabdi rashiid o cadeeyay inaay saylac tahay dhulkeenii ;adeerayaal xaqiiqada raxaaca oo u midooba cadowgiina.

Mukhtaar Guuleed

Email: daljir01@hotmail.com

Login