October 29, 2011

Habar Cafaan Waa Ayo? Habar Cafaan Waa Gadabuursi ee Ma aha Gabigood Samaroon.

Furitaankii shirka beelaha Habar cafaan, ayaa waxaa ka hadlay cuqaal iyo odayo dhaqameedyo, kuwaas oo ka hadlaayey shirkan u jeedadiisa uu xambaarsan yahay iyo waxa ka dambeeya.

“Anagoo ah bahda saxaafadda mysomaliland waxaa na weydiiyey dad badan oo TV ga ka daawaday shir beeleedkan taas oo ay is weydiinayeen halka ay beeshani gasho iyo odayga habarcafaan halka uu tafiir ahaan ka soo jeedo.

Hadaan dib ugu noqdo oday ka mid odayaddii hadlayey ayaa yidhi waxaan nahay tafiirtii CISMAAN BINU CAFAAN taasina dad badan oo beeshaas habarcafaan ka soo jeeda ayey ka cadhaysiisay oo runtii qarxi gaadhay, waayo odaygaasi waxa ay ujeedadiisu ahayd isaga ayuun bay u gaar ahayd, waxaanu ka soo jeedaa odaygaasi reeraha sida weyn uu gadabuursigu u ciseeyo ee la yidhaa ciise Samaroon.

Habar Cafaan waa ayo? Habarcafaan waa Gadabuursi ee ma aha gabigood samaroon. Ayaa samaroon ah ayaanse ahayn? Waxaa samaroon ah:

1-  Habaryeesif oo ah yusuf samaroon -curadkii samaroon
2-  Ciise samaroon
3-  Tafiirtii subeer samaroon oo ah lix dab kalana ah
A-  Xasansacad
B-  Faroole
C-  Makayl
D-  Dhegaweyne
E-  Reerxaamud
F-  Muusafiin

Intaasi waa samaroon tafiirtiisii waxa ku xiga inta gadabuursiga ah waxaa weeyi.

1- Gobe siciid oo ay walaalo yihiin samaroon waana ninkii koriyey samaroon waa curadkii siciid.

2-  Jibraac- jibriir siciid

3-  Cali Ganuun

4-  Xeebjire

iskugeyn waa laba iyo toban dab ama 12 beelood oo la baxay Habarcafaan si ay isku gaashaanbuuraystaan oo ay magta iskula bixiyaan, halka ay inta gadabuursi soo hadhay ay yihiin laba nin oo isku aabbo iyo hooyo ah oo kala ah maxadcase makadoor Samaroon iyo makaahiil makadoor samaroon oo tafiirtoodu aad uga badan tahay beelaha walaalahood ee habarcafaan oo ah beello yar yar oo aan degaan lagu tilmaamana lahayn waxay iska dhex degan yihiin walaalahooda Maxadcase iyo makaahiil oo iyagu sheegta gabilay ilaa harawo iyo lowyacade ilaa bulaxaar.

Markaa waxaan leenahay odaygii ku sheegay tafiirta samaroon inay ka soo jeedo cismaan binu cafaan adeer taariikhdeena ha qaldin ee sax.

wa bilaahi towfiiq

By Asma Maxamed Axmed

Login