October 29, 2011
Faallo: Sul. Samater Iyo Dhawal Ma Kula Tahay Inay Mucaradka ay Ugaaska Ku Yihiini ay Tahay Mid Iyaga Ka Soo Go’day, Mise Waa Mid Gacan Shisheeye Ku Jirto, oo ay Lacag Ku Qateen?
Tan iyo intii uu ugaas beelaha samaroon ugaas cabdirashiid ugaas rooble ugaas doodi uu soo gaadhay dalka itoobiya gaar ahan casimada addis ababa iyada oo halkaas si diiran oo heer qaran ah loogu soo dhaweeyay, ila markii uu yimiday magalada jig jiga halkasoo oo iyadna loogu soo dhaweeyay si qiiraysan oo aan hore loogu arag dalka itoobiya gaar ahan ismamulka somalida. Ugaasku waxa uu malmo nasasho ku hakaday magalada jigjiga iyada oo intaas uu halka joogay kulamo iyo fadhiyo goos goos ah la yeelananayy saladinta iyo madadaxda dalka itoobiya.
Hadaba, waxaa la so gadhay wakhtigii uu ugaasku iman laha ama u soo booqan gobolada ama deganada somalia halkas oo ay ku suganyhiin bulsho badan oo qoomiyada samaroon ah,,, iyada oo ilaa wakhtigaa an la arag wax khilaaf ah ama hadal ah oo beelaha samaroon ee deganada somalia sida awdal salal iyo gebilay.
Iyadoo ay si wanagsan u sugayaan soo dhawayntiisa iyo ducadiisa oo la raagsaday, ayaa markaliya waxa lagu war helay in labada suldaan ee dhawal iyo samater in ay ka soo horjeedan ugaskooda ugaas cabdirashiid ugaas rooble,,waxay taasi amakaag ku noqotay bulshadii ay u ahayen suldanada ama horjoogaha ilaa ay bilabeen inay soo ururyaan dhalinyaro iyo odayaal Reer baadiya ah iyagoo isticmaalaya lacag dhaliyarada iyo odayada iska bahan ka dhadhicinaya in uu ugaasku yahay mid reeri wato sidaa dartedna la rabo in la wiiqo sharaftay iyagu laftoodu ku lahayen umada,,, rerka ugaasku ka yahay samaroonka.
Waxaa hadaba khilaafkaasi uu dhaliyay in ilaa dhalinyartii walalaha aha ee schoolda, jamacada,mmeelaha sportska ah isugu imanayey la gesho cuqdad ama xumaan aad u adag ila ay gaadhay in dhalinyardii ay laftoodu isugu jawaban mediaha iyago qabanaya shirar jara,id waa sida ay ka barteen macalimiintooda suldan dhawal iyo samater ,,,,faaida kabooda ay bulsha ku soo kordhiyeen taas aya ka kaw ahaa.
Waxa intaa dabadeed magalada borama yimiday ugaas cabdirashiid ugaas rooble halkaas oo si diiran loogu soo dhaweeeyay oo an hore qof bini aadama loogu so dhawayn,, saacado markuu joogay ugaasku waxa magaalada borama is xidhay roob halkasoo lagu qabowsaday roobkii malintaa ,, waxana halkas bulshadii Reer borama isugu hambalyaynayeen ducada ugaaska iyo roobka malintaa da’ay.
Dadweynaha rer Borama intii sida khaldan wax loogu sheegay waxa ay bilabeen inta ka toobad keenan oo ay ugaaska ka soo ducaystaan ,,,,ilaa inyar oo iyagu ka mid ah nimanka qandaraaska ka soo qaatay cadowga qoomiyada samaroon .
Hadaba waxa markiiba ay bilabeen kooxdaa ugaas diidka ah ee iibsada sharaftay lahayeen inay weeraran guryahaya gudidii u qaabilsanayd soo dhawaynta iyo abaabulka ugaaska beelaha samaroon ugaas cabdirashiid ugaas rooble iyagoo wata dhlinyaro gidaar jiif ah kuna hubaysan dhagax iyo ulal, halka ay marna isu dayeen inay la soo baxaan calanka awdal state halkas oo ilahay idanki ku fashilmeen oo xabsiga loo taxabad waxa islamarkiiba telafan soo diray md weyne ku xigeenka xukuumda sland c/raxman saylici oo amray in la sii daayo meleshiyada ku kacday falkas ,, ka dibna waa halkas ka soo galay saylici oo noqday masuulka ugu horeeyay ee dawlada ee ugaas diid ku sufoobay.
Xaaladu iyada oo halkas marayso waxa uu ugaasku ku baaqay in uu umadiisa inta qaldan iyo inta la qaldayba u dajiyo waxna u sheego waaniyo una duceeyo,,inta soo ajiibtay uu u duceeyay intii ducada diidayna waa inta jahwareersan maanta, ee tolkood ka dhexbaxay oo meel ay joogsadan la, magaladay ku noolayeen ee borama, iyadaoo hawshu ugaasku ay marayso halkas qorshaha labadna yahay in ugasku u halkaas ka siiwado hawshii lo igmaday ama ahayd waajibkiisa una amba baxo si uu u soo indho indheeyo xalada ay ku suganyihiin dadkiisa ku sugan galbeedka ama xebaha gobolka salel.
Xukumada Siiranyo oo uu horkacayo ku xigeenkiisa saylici ay soo gadheen magalada borama, waxayna shegeen inay u socdaan heshiis belaha samaroon dhexdooda ah iyada kulankii kobaad heshiska ay ka muquurtay wasiiradii u dhashay gobolka awdal iyo salalba iyo madaxweynihi ku xigeenki laftisa hawsha waday, waxana hawshi isugu biyo shubatay inay xukuumadu lafteedu wado khilaafkas markastana ay maleegayso sidi loo mujo xabin laha umada samaroon, una hor joogsan lahayeen inay yeshan hogaan guud oo mideeya umada samaroon.
Ugaasku wuxuu go,aan ku gadhay in uu umadiisa xeebaha ee inta badan dhibatadu haysto haday noqoto dhulboob , haday noqoto in loo isticmaalo awood dawladeed aw la so tashado ,, dekadii lughayana uu soo indho indheeyo, waxa hadaa su,aashu tahay suldan dhawal iyo samater maxa keenay inay mucarad ku noqdaan ugaaskooda ugaas cabdirashid ugaas rooble?
Maxa sababay inay shacbi cafimaad qabay ay ku abuuran xumaan iyo xanuun ha u badnadaan dhalinyarada da,da yar? Waxa la ogyahay in labada suldaan ay galeen fal dambiyeed aad u weyn ama khalad umada samaroon ,, o ay ugu horayso dhalinyarad ay keenaan madasha markasta uu khilafka lagu xalinayo ama duqayda iyo saladiintu ku arinsanayso taas waa ta maanta sasabtay colada cabudhsan ee borama dhextaala goor ay qarxi doonto aan la garanyn.
Waxa kaloo cad in maanta ay jirto dagaal qabow oo ah dhinaca dhaqalaha ,, dhulka , iyo maskaxda ,,shirqoola kale oo lo maleegayo umada jahwareertay ee samaroon taasna waxa loo helay shookaan loo adeegsado hadba halkii la doono loo weecsado waana labada suldaan ee samater iyo dhawalm imikana waxa loo adeegsanaya in dhulka samaroon ee wiilka yar ee ciise ee teenagerka ah ama baluqaba gadhin la keenay loo diiday kii laha ee isagu u dhashay dhulkaas, wa cajib iyo ayan daro waxan qoralkaygi ku soo kobaya sul samater iyo dhawalow khaladkan ku tagantihiin ka waantoobaya hana iibsanina sharftiina iyo dadkiina.
Xero Geel News Media
Email: www.xerogeel.com
xerogeel@yahoo.com
