October 29, 2011
Booqashadii Ugaaska ee Magaalada Qadiimiga ah ee Saylac, Waxay Soo Noolaysay Taariikhdii Reer Awdal
Waxa ugaaska Gadadbuursi iyo wafdigii u hoggaminyey ay safar ku kala bixiyeen dhammaan dhulweynaha Awdal iyo Salal ee dhinaca Galbeedka iyo xeebaha, iyaga oo maalintii Arbacadii ee bisha Oktobar ahayd 26ka, sannadkan 2011 socodkooda ka bilaabay magaalada Qulujeed iyo Boon, ka dibna u sii dhaafay illaa iyo dhinicii xeebta iyaga oo xalay fiidkii ku hoyday magaalada QADIIMKA AH EE SAYLAC.
Ugaaska oo ay weheliyaan Salaadiin iyo oday dhaqameedyo miisaan weyn ku leh beelaha Samarroon ayaa watay gaadiid aad u tiro badan oo ay saarraayeen, shacab luxdan, oo qiiraysan. Waxana ay si farxad leh ku sii mareen magalooyinka u dhexeeya Borama iyo Saylac oo ay ka mid yihiin Qulunjeed, Boon, Abdilqadir iyo meelo kale.
Safarka Ugaaska iyo wafdigiisa ayey maagaladan qadiimka ee saylac ay u leedahay ahmiyad gaar ah ,,waayo waa xaruntiii iyo caasimaddii ummadda Somaliyeed intii an gumaysigu burburin.Waa saldhigii Geesiyadeenna Sida Ahmed Guray ilaa Ugaas Nour iwm.Waxa ku duugan taariikhdeenii oo dhan waana hoygii Xaddaaraddeenna iyo ilbaxnimadeenna.U
gaaska Gadabuursi iyo Magalada qadiimka ah ee saylac waxa ay wadagaan taariikh isku mid oo bulshadan u ahayd Iftiin iyo Ilays intii ka horaysey qarnigii 19aad ka hor wakhtigii mustacmarkii Reer Yurub.
Burburkii Saylac iyo burburkii Boqortooyada Gadabuursi isku mar ayey wada dheceen iyaga oo ka soo badbaaday qarniyaal badan oo ay horseed u ahaayeen bulshada ku dhaqaan gobolka dhinaca xaddaaradda iyo hoggaankaba.
Wafdiga Ugaaska oo xalay soo cago dhigtay Magalada QADIIMKA AH EE SAYLAC waxay noqonaysa, Safarkii ugu horreeyey ee muddo ku siman Hal qarni uu Ugaaska Samarroon ku yimaaddo Saylac.Ugaaskii ugu dambeeyey ee Saylac ka talinayeey waxa uu ahaa Ugaas Nour qarnigii 19 aad, ka hor intii aan dhulkeenna gumaystiihii ingiriisku kala goyn, ee aanu Saylac burburin.
Mustacmarkii Reer yurub ma doonayn dad xadaarad ,ilbaxnimo iyo hoggaan ADAG leh .Waxase uu doonayey dad uu isagu indhaha u furo ka dibna RICIYAD KA DHIGTO. Hase yeeshee Reer Awdal ma ay noqon kuwaas.waxana ay gumaystaha kala hortegeen wax aanu filayn.
Ugaas Nour oo wakhtigaa gumaystuhu yimid talada hayey ayaa lagu tilmaamay inuu ahaa nin adag oo Frenchiga neceb ama gumaystaha, oo aan haba yaratee u oggolaan fursad ay ku soo dhex galaan. Major R.G.Edwards oo ka hadlaya Ugaas Nour safarkiisii wuxu qoray: (The Visit of Gadabuursi Country By R.G.Edwards 1903).ayaa yidhi sidan:
We had been warned that he (Ugaz Nour) did not love the Feringi (white man), and therefore thought it better to send a messenger ahead to interview His Majesty and return with a confidential report on the situation, for we did not consider our small armament lighted for us to visit his country.(Gadabuursi Country).
Heshiisyadii ku qornaa Saanta ee ka dhacay Saylac ee ay kala saxeedeen Ugaaska oo ay weheliyaan odayaashii talada la wadaagay iyo ingiriisku ee loo yaqaannay Anglo-Gadabuursi Treaty of 1884. Waxa ay ahaayeen kuwo weli xasuus ku leh ummaddan inkasta oo mustacmarkii uu jabayey qodobbadii Heshiiskaas ugu muhiimsanaa oo ahaa inaan dhulkooda, la qabsan, la Rahmin, la googoyn . cidna aan la siinnin. Ingiriiskuna ku ekaado Sifo ILAALIN oo kaliya (Protectorate clause) dhulka Gadabuursiga(Gadabuursi Counrty).
Soo Celinta hoggaanka ugaaska Gadabuursi oo lagu guulaystay waxa ay iyaduna soo noolayn kartaa Xaddaaraddii burburtay ee magaalada Qadiimka ah ee Saylac, halkaasi oo ay Taariihdeennu ku duugantahay.Waxa kale oo Ugaaska iyo wafdigiisu ay soo mari doonaan dekadda Lughaya halkaasi oo uu dhagax dhigi doono Ugaasku dekadda cusub oo lagu jiro in laga dhiso Lughaya. Waxan ugaaska iyo wafdigiisa u rajaynayaa Safar kheyr qaba oo taariikhda gala, isla markana ummaddiisana u horseeda nabad, horumar iyo barwaqo.
GUUL IYO GOBANIMO AMIIIIIIIIIIIIIIN,,,AMIIIN
