October 29, 2011

Booqashadii Ugaaska ee Magaalada Qadiimiga ah ee Saylac, Waxay Soo Noolaysay Taariikhdii Reer Awdal

Waxa ugaaska Gadadbuursi iyo wafdigii u hoggaminyey ay safar ku kala bixiyeen dhammaan dhulweynaha Awdal iyo  Salal ee dhinaca Galbeedka iyo xeebaha, iyaga oo maalintii Arbacadii ee bisha Oktobar ahayd 26ka, sannadkan 2011 socodkooda ka bilaabay magaalada   Qulujeed iyo Boon, ka dibna u sii dhaafay illaa iyo dhinicii xeebta iyaga oo xalay fiidkii ku hoyday magaalada QADIIMKA AH EE SAYLAC.

Ugaaska oo ay weheliyaan Salaadiin iyo oday dhaqameedyo miisaan weyn ku leh beelaha Samarroon ayaa watay gaadiid aad u tiro badan oo ay saarraayeen, shacab luxdan, oo qiiraysan. Waxana ay si farxad leh ku sii mareen magalooyinka u dhexeeya Borama iyo Saylac oo ay ka mid yihiin Qulunjeed, Boon, Abdilqadir iyo meelo kale.

Safarka Ugaaska iyo wafdigiisa ayey maagaladan qadiimka ee saylac ay u leedahay ahmiyad gaar ah ,,waayo waa xaruntiii iyo caasimaddii ummadda Somaliyeed intii an gumaysigu burburin.Waa saldhigii Geesiyadeenna Sida Ahmed Guray ilaa Ugaas Nour iwm.Waxa ku duugan taariikhdeenii oo dhan waana hoygii Xaddaaraddeenna iyo ilbaxnimadeenna.U

gaaska Gadabuursi  iyo Magalada qadiimka ah ee  saylac  waxa ay wadagaan taariikh isku mid oo  bulshadan u ahayd Iftiin iyo Ilays intii ka horaysey qarnigii 19aad ka hor wakhtigii mustacmarkii Reer Yurub.

Burburkii Saylac iyo burburkii Boqortooyada Gadabuursi isku mar ayey wada dheceen iyaga oo ka soo badbaaday qarniyaal badan oo ay horseed u ahaayeen bulshada ku dhaqaan gobolka dhinaca   xaddaaradda  iyo hoggaankaba.

Wafdiga Ugaaska oo xalay soo  cago dhigtay  Magalada QADIIMKA AH EE SAYLAC waxay noqonaysa, Safarkii ugu horreeyey ee muddo ku siman Hal qarni uu Ugaaska Samarroon ku yimaaddo Saylac.Ugaaskii ugu dambeeyey ee Saylac ka talinayeey  waxa uu ahaa  Ugaas Nour  qarnigii 19 aad, ka hor intii aan dhulkeenna  gumaystiihii ingiriisku kala goyn, ee aanu Saylac burburin.

Mustacmarkii Reer yurub ma doonayn dad xadaarad ,ilbaxnimo iyo hoggaan ADAG  leh .Waxase uu doonayey dad uu isagu indhaha  u furo  ka dibna RICIYAD KA DHIGTO. Hase yeeshee Reer Awdal ma ay noqon kuwaas.waxana ay gumaystaha kala hortegeen wax aanu filayn.

Ugaas Nour oo wakhtigaa gumaystuhu yimid talada hayey ayaa lagu tilmaamay inuu ahaa nin adag oo Frenchiga neceb ama  gumaystaha, oo aan haba yaratee u oggolaan fursad ay ku soo dhex galaan. Major R.G.Edwards oo ka hadlaya Ugaas Nour  safarkiisii wuxu qoray: (The Visit of Gadabuursi Country By R.G.Edwards 1903).ayaa yidhi sidan:

We had been warned that he (Ugaz Nour)  did not love the Feringi (white man), and therefore thought it better to send a messenger ahead to interview His Majesty and return with a confidential report on the situation, for we did not consider our small armament lighted for us to visit his  country.(Gadabuursi Country).

Heshiisyadii ku qornaa Saanta ee ka dhacay Saylac  ee ay kala saxeedeen Ugaaska oo ay weheliyaan odayaashii talada la wadaagay iyo ingiriisku ee loo  yaqaannay Anglo-Gadabuursi Treaty of 1884. Waxa ay ahaayeen kuwo weli xasuus ku leh ummaddan inkasta oo mustacmarkii uu jabayey qodobbadii Heshiiskaas ugu muhiimsanaa  oo ahaa inaan dhulkooda, la qabsan, la Rahmin, la googoyn . cidna aan la siinnin. Ingiriiskuna ku ekaado Sifo ILAALIN  oo kaliya (Protectorate clause) dhulka Gadabuursiga(Gadabuursi Counrty).

Soo Celinta hoggaanka ugaaska  Gadabuursi oo lagu guulaystay waxa ay iyaduna soo noolayn kartaa Xaddaaraddii  burburtay ee magaalada Qadiimka ah  ee Saylac, halkaasi oo ay Taariihdeennu ku duugantahay.Waxa kale oo Ugaaska iyo wafdigiisu ay soo mari doonaan dekadda Lughaya halkaasi oo uu  dhagax dhigi doono Ugaasku dekadda  cusub oo lagu jiro in laga dhiso Lughaya. Waxan ugaaska iyo wafdigiisa u rajaynayaa Safar kheyr qaba oo taariikhda gala, isla markana ummaddiisana u horseeda nabad, horumar iyo barwaqo.

GUUL IYO GOBANIMO AMIIIIIIIIIIIIIIN,,,AMIIIN

Mohamed Dhiirane

Login