October 28, 2011
Ilaalada Waftiga Ugaaska Beelaha Samaroon, oo Ka Adkaatay Maleeshiyo Beeleed Ka Soo Jeeda Beesha Bahabar Celi ee Saylici Ka Dhashay, oo Jid Gooyo U Dhigatay Meel Ku Dhow Boon.
Boorama (Harowo) - Wararka ka imanaya degaanka Boon, ayaa sheegeya in maleesiyo beeleed kasoo jeedda beesha madaxweyne ku-xigeenka Soomaaliland lagaga adkaaday jidgooyo ay u dhigteen kolonyada u hogaaminyey Ugaaska Beelaha Samaroon, oo kusii jeedday degaanada xeebaha, gaar ahaanna Degmada Saylac.
Sida wararku sheegeyaan ku dhawaad toddoba nin oo hubaysan, kana tirsan beesha Bahabar Celi, ayaa saaka waaberigii kolonyada Ugaaska jidka u galeen beerta Cige Jani oo waxoogaa uun magaalada Boon woqooyiga ka xigta.
Sida warku sheegeyaan maleeshiyo beeleedka, ayaa rasaas ku soo riday dhinaca kolonyadii baabuurta ahaa ee waftiga Ugaaska, hase yeeshee ilaada gaarka ah ee Ugaaska la socotay ayaa markiiba huwiyey tacshiirad xoog leh, isla markaana baacsaday kooxdaasi oo ay mid ka mid ah kusoo qabteen isaga iyo qorigiisaba. Kooxdii dablayda ahaa, ayaa sida la sheegay grrdo tiin ah hoosta ka gashay. Markii jid gooyadii laga adkaaday, ayaa wafdiga ugaaskuna socdaalkiisii dhinaca Saylac sii watay.
Dhawaan ayuu Suldaan sanbuurag, oo ka soo jeeda beesha Bahabar Celi, ku baaqay “waa la yaqaan cidda marka ay qadhaadhaato tiinka hoos gasha”, hase yeeshee waxa maanta cadaatay in rag hubaysan oo beeshiisa ka soo jeeda Tiin ku dhuunteen si aanay u leefin tacshiirada Ilaalada Ugaasku.
“Tacshiirad markay na saareen, markii Ina Faarax tow yidhi, Qaadhaan Diidna taayir hoos galay, ee rag kala tegay waan u taagnaa” Gabadh Iidoor ayaa waa hore tidhi
Inkastoo anay dhicin wax dhimasho ahi, hase yeeshee dhacdadan ayaa noqonaysa tii ugu horreysay ee maamulka Soomaaliland ku leeyahay magaalada Boon ku jebiyaan heshiiskii dawladdu ka gaadhay socdaalka Ugaaska, isla markaana xukuumaddu kaga baxday heshiiskaasi nabadgelyo ee dhawaanta lagu gaadhay Boorama.
Maayarka Boon, oo ay ahayd inuu nabadgelyada Ugaaska iyo degaankaasiba ilaaliyo, ayaa la sheegeyaa inuusan wax tallaabo ah ka qaadion arrimahaasi, kana muquurtay falalka beeshiisu abaabulaysay, iyada oo dhinaca kalena dadka qaar leeyihiin isaga ayaaba ka dambeeyay.
Dhinaca kale badhsaabka gobolka Awdal, ayaa la sheegeyaa inuu ka daba tegey wafdiga Ugaaska ka dib markii ay badhsaabkaasi kasoo baxeen shalay hadallo wax u dhimaya heshiiskii xukuumadda iyo madax dhaqameedyadu kala saxeexdeen dhawaanta, isla markaana socdaalka Ugaaska lagaga hor qaadayey wax kastoo carqalad ku ah amnigiisa iyo socdaalkiisaba.
Badhasaabka oo sida la sheegeyo ay socdaalkiisa ku wehelinayeen xubno ka tirsan ciidamada amniga oo watay laba gaadhi oo qoryo ku xidhanyihiin, ayaan ilaa imika la ogeyn ujeedada socdaalkiisa iyo waxa maanta dhaqaajiyey.
Maxamed Cumar - Hyena
Boorama, Somaliland
