October 27, 2011

War Degdeg ah: Wafdigii Uu Hogaaminaayay Ugaas Abdirashiid Oo Saaka Ka Anbabaxay Magaalada Boon

Shalay galab ayaa waxa si diiran loogu soo dhaweeyay Ugaaska guud ee beelaha gadabuursi magaalada Boon, waxana halkaasi ku soo dhaweeyay dadwayne aad u tiro badan, waxana ay lulayeen caleemo qoyan , Ugaaska iyo wafdigii uu hogaaminaayay ayaa waxa loo kexeeyay Dugsiga hoose dhexe ee  halkaasi ku yaala oo loogu tala galay in xaflada soo dhawaynta lagu qabto waxana ay madashasi ahayd mid si heer sare ah loo hagaajay, waxana halkaasi kula hadlay dadwaynhii iskugu soo baxay soo dhawaynta Ugaaska guud ee beelaah Gadabursi waxan uu uu uga maahd celiyay sida wanaagsan ee ay u soo dhaweeyeen dadwaynaha reer boon ,waxana uu ilaahay uga baryay in ilaahay abaarta ka dulqaado.

Ugaaska iyo wafdiga u hogaaminaayo ayaa waxay xalay baryeen amaba lagu sooryeeyay magaalda boon , oo iyada ah mid inta badan dadkeedu ay aad ugaga horeeyaan xaga soo dhawaynta magaalooyinka kale ,waana goobtii uu ka soo bilaamay (HA IS CAAWISO)

Abaaro 8:00 Subaxnimo ayaa waxa uu ka anbaxay Ugaaska guud ee beelaha gadabursi magaalda boon , waxana uu u sii jeedaa Magaalda Saylac ,wafdigaasi oo lagu wada in ay caawa u hoaydaan magaaladaasi saylac ,uuna uga sii gudbi doono magaalada Lughaya , waxan ay sheegayaan wararka aan kahelayna deegaankaasi lughaya in mudoyinkii ugu danbeeyayba ay dadwaynaah reer lughayaad ay sio aada u sugayeen imaatinka Ugaaska deegaankaasi ,waxana hada ka socda deegaanka lughaya u diyaar garow ah soo dhawaynta ugaaska.

Wixii wara ee intaasi ka soo kordha waxaan idinla soosocosin doona saacadah afooda inagu soo haya

Harowo Boon Desk

Login