September 29, 2011

Waxaan Ummada Somaliland Ka Tacsiyadaynayaa Hadalkii Madaxweynahe Siilaanyo.

Waxa Madaxweynihii Qaranka ka soo yeedhay, waxay ummadii ku noqotay afkala qaad iyo u qaadan waa. Muu ahayn hadal madaxweyne waxaa Siilanyo ku hadlay, garan maayo siday ka noqotay iyo wuxuu uga jeeday.

Weererka qaawan ee uu ku qaaday Faisal Ali, Warancadde iyo ina Sulub wuxuu u muuqdaa kala faquuq iyo kala saarid uu kala saaray mucaaradkii isla mar ahaantaan uu si gooni ah u weeraray saddex nin oo isku hayb ah.

Waxaa lays weydiin karaa maxa madaxweynaha ku kalifay inuu 3daas nin uu gooni ula baxo isla mar ahaantaan eedeeyo? waxaa iska cad inuu madaxweynuhu rabo inuu ummadan isku dilo isla mar ahaantgaan uu madaxa iskugu xidho sidii uu berigii horaba uu SNM uu ukala saaray isla mar ahaantaan dhex dhigay qabyaalad iyo kooxaysi.

Waxaaan shaki ku jrin in Siilanyo aanu ahayn nin ka koray qalqaali siyaasadeed iyi fudayd keeni kara mar kale in ummadu isku dhacdo oo wixii jiray 1990kii ay dib u soo noqdaan.

Waxaan ku soo koobayaa Tacsi aan dhamaan ummada ka tacsiyeynayo deelqaafkaas Ahmed Siilaanyo iyo meel ka dhacaas uu u gaystay hormoodkii Madaxdii shalay iyo mucaaridkii maanta.

Mukhtar Ducale

Email: mduaale@gmail.com

Login