September 29, 2011
Waraabow Dhuti Dhuti, oo Car Raq Ka Baaqso: Mucaaradka Dalku Ma Wuxuu Siilaanyo Ula Ekaaday Sadex Nin oo Isku Hayb ah?
Asalaamu Calaykum Waraxmatulaahi wabarakaatu, marka hore waxaan halkan ka salaamayaa saxaafada xorta ah shacabka reer soomaliland melkasta oo ay joogaan dibad iyo gudaba. Waxaan maanta rabaa in aan wax yar ka idhaahdo hadalo ku soo baxay saxaafada oo isdaba socday mucaarid iyo muxaafidba, ku waas oo ahaa dhaliilo loo soo jeediyay xukuumada maanta jirta oo ay u soo jeediyeen xisbiyada mucaaridku. oo aan ahayn wax saxaafada ku cusub in lays dhaliilo ama si turxaan la’aan ah wax lays kugu sheego mucaarid iyo muxaafidba.
Maadaama oo aynu dalka wada leenahay oo aynu u wada tudhayno shalay xukuumada maanta jirtaa mucaarid ayay ahayd maantana iyadaa talinaysa, xaga dhaliisha hadii ay noqoto cidina kama afxuamayn xukuumada maanta jirta wax kasta waa tii llahayd kabo ku soo saara ulo kusoo dareeriya iyo wax ka daranba.
Waxa mucjiso noqotay in weedhihii mucaaridka ka soo yeedhay ay xukuumada gilgishay kuna kaliftay in xukuumada taakta daran ee daalo dhacaysaa in sidii alqaacida aynu maqli jirnay saqdhaxe ayay aljazeera soo gaadhsiiyeen cajalad uu madax waynihii dhamaa ee dalka maamulaayay uu ku hadlo waxaan looga fadhiyin da’diisa haddii ay tahay ama mansabkuu maanta joogo haddii ay tahay.
siduu doonaba ha ku yimaadee waxay noqotay hadalkiisii geela ay hashiisii durdurisay aaran kiisana maxaad mooday, may hayn in madax wayne qaran inta uu afka kala qaado uu u jawaabo saddex nin oo isku hayb ah uu magacaabo una jawaabo waliba si shakhsiya iyadoo labada xisbi ee hadlay ay cid waliba ka hadashay.
Waxa ay dadka xasuusisay sheekadii SNM ee la yidhi Ahmed siilaanyo ayaa kala jeediyay oo kala jajabiyay isagoo isla xiligaana u adeegsan jiray qabyaalada maanta ka soo ifbaxday isaga oo ah masuulkii qaranka ku magacaabnaa waxay noqotay BUUR DUNDUMO CARADDII WAA U DHURTAA WUXUU KA DHEERYAHAYBA, mansabkuu hayaa uma muuqdee waxaa u muuqda wixii iskaga abuurnaa ee ku jiray in kastoo dadka u dhadhawi ay leeyihiin inta la soo qoray ayaa loo dhiibay warqadan isna wuu akhriyay.
Shakigana waxa keenay maxaa saxaafada looga qarinayaa in uu live u soo hor fadhiisto ee wixiisa suuqa madow ka dhigay.
Gun iyo gabo gabo waxaan leeyahay umada yaan layska horkeenin walaalaha ah waxa laga soo gudbayna dib ayaan loogu celin sanaca qudhmiyana allow inooga sahal.
Wabi laahi tawfiiq - wasalaamu calaykum
Abdi Bashe
Rmail: Gaas2003@hotmail.com
