September 29, 2011

Ururka TOL Hadda Meeli Ugama Banaan Hawsha Ugaasdoon

Taageerayaasha Ugaasdoonku run ahaan wali wey jahawareersanyihiin, oo fikirkii ayaa ka baahay. Dhinac waxay ka qaadaan badhbadhaadhnay oo mareegaha ayey ku xardhaan in Cabdirashiid noqday Ugaas Samaroon mar haddii u soo taabtay Boorama oo weliba ltaageerayaashiisu ku soo dhaweeyeen.

Dhinac kale waxay ka wadaan olole ay ka wadaan beesha dhexe ooy ictiraaf ugu raadinayaan Ugaaska. Waxaad moodaa iney reer Ugaasdoon kildhi madaxa la galeen, ooy raadinayaan sidii ay uga bixilahaayeen. Inta xalka ay raadinayaana Ugaaska ay wataan, waxay ku mashquuliyeen casoomad cadriyada wadata iyada oo Samaroon badani gaajo u dhimanaayo.

Waxay baryahani oo dhan olole aflagaada ah ku hayeen Prof. Axmed Ismaaciil Samatar, kaasi oo ay ku eedeyn jireen in u ka dambeeyo qolyaha Ugaasdiidka ah. Wey ogyihiin in Prof. Axmed yahay indheer garad muddo fara badan joogay wadanada horumaray oo aan laga iibin kareynin Ugaas iyo Boqor qarnigoodii dhacay. Waxayse dacaayada rakhiiska ah uga dan lahaayeen in ay xishood ku abuuraan oo u ka aamuso arrinta ay reer Ugaasdoon wataan ee joog iyo jiifba u diiday.

Waxa dhacday in maalin dhaweyd ay shir waqti badan qaatay ay yeesheen Hogaanka Tol ee u guddoomiyaha ka yahay Prof. Axmed Ismaaciil Samater. Shirkaasi ooy agendihiisa wateen reer Ugaasdoonka ka tirsan Ururka Tol. Ajanduhuna wuxu ahaa sidii Ugaasdoon Cabdirashiid looga saari lahaa kildhigani u madaxa la galay.

Waraka horudhaca ah ee soo baxayaana waxay sheegayaan in Ururka TOL u kala saftay Ugaasdoon iyo Ugaasdiid. Dood dheer kadibna waxa soo ifbaxaya in lagu heshiiyey iney arrinta u guur galaan ooy dhexdhexaadiyaan Suldaanada reeraha hogaamiya ee hawshaasi ku kala tagay.

Waxase ka maqan Ururka TOL in reer Ugaasdoon ay iska wataan riyadadoodii ooy meel kasta ku sharaxdaan in Cabdirashiid yahay Ugaas Samaroon. Ugaasdiidkuna waxay u heystaan in Cabdirashiid u noqday Ugaas Makaahiil. Waaxa kale oo ka daahan iney arrinta Ugaasdoon dhamaatay ooy Gadabuursi ku kala bogsadeen.

Dawlada Soomaalidna waxa diiwaankeeda gashay in Cabdirashiid yahay Musharax Ugaas Samaroon, taasi oo Ugaasdoonka maroora-dilaac ku riday oo ay sas ka qaadeen.

Labada Suldaan ee Ina Samater iyo Dahawal waxay ogyihiin khiyaamadii ay ku sameeyeen Culimadii tidhi waan idin dhexdexaadinaynaa ee qalinka ku xaday. Waxa la isla ogaa iney sulux iyo dhexdhexaadin galaan ee looma dirsan iney xukun dhinac ka raran soo saaraan.

Sidaa awgeed, ma muuqato iney yeelayaan in Ururka TOL oo waranle ihi dhexdhexaadiyo ooy iyana kildhi madaxa la galaan.

Suldaan Samater oo ah halyey hadal adag, kana hortagaaya go’aanka TOL, una quus goynaaya reer Ugaasdoon wuxu qabtay shir jaraa’id uu ku cadeynaayo in mowqifka Maxamed Case yahay kii hore, waxna iska bedelin oo ah in Cabdirashiid yahay Ugaas Makaahiil.

Haddii aadan dhageysan hadalkiisa guji halkani  http://bakipress.wordpress.com/2011/09/28/sudaan-ibrahim-jaamac-samatar-oo-mar-labaad-ku-celiyey-inaanu-jirin-ugaas-samaroon-wax-isbedelayna-anu-jirin/. Waxaad moodaa Ugaasdoonka in hadalku ugu dhaadhaco shan shubka, sidaa awgeed iyuu Suldaanka hadalka ugu celcelinayaa ee maaha ujeedo kale.

Ururka TOL oo u badan dad indheer garad ah waxa haboon iney la yimaadaan fikir Hogaan dhaqan oo la jaanqaada casrigani cusub oo aysan ku daalin Ugaas amase boqor calinkiisii dhacay markii mustacmaradii Ingiriisku soo gashay dhulka Soomaalida sanadkii 1884.

 Waxana jirtay in Ingiriisku sheekada Ugaaska Samaroon xidhay 1957 sida ku cad warqadii u qoray 2nd March, 1957 ee nuxurkeeda  aad ka akhrin kartid halkan http://lughaya.com/2011/09/17/lughaya-news-oo-heshay-heshiis-1957kii-lagu-diiday-in-gadabuursi-ugaas-doorto/.

Jibriil Yoonis gudihiisa iskuma naxo oo Suldaan Cabdi Guray oo buka, dhaxalna u helay Suldaanimada ayey ka boobeen oo ay yidhaadeen waa meerto.

Hawsha Uaasdoona waxa ku baxday ilaa $100,000 waxana ka soo baxay Ugaas aamusane iyo samaroonkii oo ku kala qaybsamay, calool xumana ka dhex abuurantay ee wax kale oo anfac lihi iyana kama soo bixin.

Ururka Tol haddii ay dhabowdo iney shir ku qabtaan bisha Diisambar magaalada Boorama waxa ku baxaaya ilaa $100,000 oo lixdan kun oo ka mid ihi ku bixidoonto tigidho diyaaradeed. Waxa shirkaasi ka soo baxaayina waa daal iyo tol beel. Sidaa awgeed, waxaan hadalkeyga maanta ku soo xidhi lahaa  talooyinka soo socda:

URURKA TOL: Ururka TOL waxan kula talin lahaa iney maskaxdooda shiilaan ooy soo saaraan fikir hogaan dhaqan oo nooc casri ah oo ay ku baxdo lacag aan ka badneyn $10,000 oo keliya inta kalena ugu deeqaan dadkani ku barakacay Gargaara. Haddii kale ay ku caawiyaan ARDAA amase ASARDA ama ha ku sameeyaan mashruuc kale oo lagu manaafacaasado.

UGAASDOONKA: Ugaasdoonku waxay Samaroonka ka khasaariyeen waqti badan oo lagu mashquuli lahaa arrimo dadka iyo dalkaba wax tar u leh ee is daba qabateeya oo idinkuna isku tudha tolkana u tudha oo dhulka dhiga Ugaasdoonkani aad ku horda beesheen. Haddii aad diidaana waxa la idin haleeli wixii saqdii dhexe heleelay Ingineer Faysal Cali Waraabe oo taariikhdiina ayaa warbaahin laga faafin iyada oo weliba cayriin, laguna tiiqtiiqsaday oo y idinku ridi argagax.

SULDAANADA XAQ U DIRIRKA AH IYO TAAGEERAYAASHOODA: Ugaas Samaroon waxa sameeya Samaroon oo dhan ee beel kaliye ma sameyso. Sida Ugaasdoonku ku andacoonayana Ugaas ma sameeyo Samaroonimada oo iyada waa loo dhashaa. Xaq ayaad u leedihiin inaad diidaan oo maya cad tidhaahdaan cidani dagta ku wadata Cabdirashiid ood tidhaahdaan dhulka iska dhiga culeys iyo kharash ayuu idinku dilaye, geedkana soo fadhiista oo tallo dhaqan ku qotomta la yimaada.  Kalsoonina ku qaba in been abuur iyo qalin la idinku qaldikareyniin.

Waxa kale oon idin odhan lahaa samra oo arrinta ugu celceliya reer Ugaasdoon shan shubka ayuu hadalku ugu dhacaaye. Haddii ay aflagaadada joojin waayana waxa idiin banaan inyaadan warbaahinta saq-dhexe toosinin eed hadh cad u yeedhaan ood waxay Ugaasdoonku mudan yihiin farata ka saartaan.

MAAMULKA SOOMAALILAND:  Maamulka Soomaalilandna waxaan leeyahay kama liidataan guddoomiyihii degmada Boorama ee qoray sanadkii 1957 go’aankii u irridaha ugu xidhay wada hadalkii beelaha Samaroon ugu jireen soo nooleynta Ugaas Samaroon. Isaga oo sabab uga dhigay iney muran badan dhalisay, calool xumana ku kala beertay Samaroonka dhexdiisa ee idinkuna irridaha u laaba sheekada Ugaas Samaroon si aysan u kordhin calool xumada kala dhex gashay Samaroon dhexdiisa. Haddii ay Soomaaliland sidaa yeeli weydo ha ogaato iney ku farxayso dhibta iyo kala qaybsanaanta Samaroon. 
 
Yuusuf Warsame

Email: y_warsame@aol.com

Login