September 29, 2011
Prof. Ahmed Ismail Samatar Maaha Shakhsi Qabiil ee Waa Haldoor Somaliyeed.
Marka hore waxaan doonayaa in aan cadeeyo waxa igu kalifay in aan qalinka qaato oo aan qoro nuqulkan aad akhrinayso walaal kayga akhrisanayaw. Waxaan akhriyay qoraal uu ku soo daabacay mr. FARAS ABIIB ” faras2011@hotmail.co.uk “ oo uuna ku darin magiciisa oo sedexan ilayn waa uu baqaaye.
qoraalkan waxa uu soo gaadhay dunida in ay akhriso september 28/2011. oo lagu soo daabacay shabakada harowo.com, ciwaankiisuna ahaa “Ilmo samatar maxaa ka soo horjeediyay masiirka umadooda.”
qoraalkan mr. abiib markaad akhriso waxa uu iskugu soo shubanayaay 2 arimood
1. Cay iyo aflagaado uu u gaysanaayay family guud oo uuna qof caqli lihi uuna ku kici karin in uu family dhan caayo. Taasina waxay cadaynaysaa in uu ku soo dhex koray cay iyo aflagaado
2. Isku dir uu jecel yahay in uu dhex dhigo walaalaha dega gobolada Awdal, Salal iyo Gabilay. taasina waxay cadaynaysaa in uu yahay mr. abiib xaasid jecel in ay umadu is layso
3. Tilmaam xun oo uu ku tilmaamay xalada somaliland iyo prof. Ahmed Ismail Samatar. taasina waxay cadaynaysaa in uu mr Abiib u dhalan ba Gobolada Awdal, Salal iyo Gabilay.
Prof. Ahmed Ismail Samatar uma qalmo in lagu tilmaamo “shakhsi suuqyada ka nac nacleeya” waa sida uu hadalka u dhigay mr. Abiibe.
Prof. samatar hadii aan tilmaamo waa haldoor somaliyeed daneeyana danaha somalia, maaha shaqsi qabiil waa shaqsi jecel somalinimada, waa shakhsiga lagu tilmaami karo in dhagtu marka ay maqasho codkiisa qalbigu jaclayso dhagaysigiisa, in ta afka somaliga ku hadashaana ay taqaano codkiisa.
Intaas hadii aan bildhaan aad u yar kaaga siiyo shaqsiyada prof. samatarka, dhinaca kale maaha prof. mid ka soo hor jeeda ugaaska Belaha Gadabuursi waxaan markhaati kugu filan in uuna ka soo hor jedin ee uu donayo midnimada walalaha daga gobolada awdal, salal iyo gabilay massage kii u ku so qoray facebooka ee uu ku timaamaayay shaqsiyadiisa salaana uu ugu diraayay ugaska qoraal kaas oo uu qoray 14 September at 01:22 · Privacy: Shared with: Public waxa uuna ahaa qoraal ku sida tan:
Axmed Ismaaciil Samater
SHALAY WAX MAGALAADA BOORAMA LAGU SOO DHAWEEYAY UGAAS CABDIRASHId DOODI HALKAASI OO SI HEERSARE AH LOOGU SOO DHAWEEYAY UGAASKA AMA PROFSEERKA WAAN BILAA TURXAAN AH , WAA NIN GARASHO BADAN WAA NIN DADKA WADI KARA WAA AFTAHAN LEH HIBO GAAR AH WAA UGAAS U SOO TAFO XAYTAY MIDAYTA DADKA SOMALIYEED , WAA AQOONYAHAN LEH ARAGTIDA FOG RABI HA KU GARAB GALO MRS UGAAS WAXA AAN SALAAN GAR AH U DIRAYAA UGAASKA
Hadaba. markaad akhriso qoraalka prof. samatar ma ku tilmaami karnaa in ilmo samatar oo dhan ay ka soo hor jeedana masiirka umadooda?
Mahamed Hamud A/lahi
Email: Mohed_hamud@hotmail.com
