September 29, 2011

Madaxweyne Siilaanyo Shirkiisa Jaraaid Miyuu Ku Selelay!!?

Waxaa dhamaan ummada Somaliland la yaabtay shirkii jaraaid ee Madaxweynuhu qabtay, kaas oo ay ka muuqatay degdeg iyo dulqaadasho la’aan. Wuxuu u muuqday madaxweynuhu nin aan ka fiirsan hadalkiisa isla mar ahaantaana si indho la u weeraray Gudoomiyaha UCID iyo Hogaamiyayaasha UDUB Siiba SULUB iyo WARANCADDE.

Waxaa run ahaantii wax laga xishoodo ah in maanta Siilanyo uu kala garan waayo inuu wali yahay Gudoomiyhii KULMIYE iyo inuu yahay Madaxweynaha qaranka JSL, maaha meesha wax qabata aflagaadada iyo eeda raqiiska ah ee Siilaanyo u jeediyey hogaamiyayaasha UCID iyo UDUB, maxaa madaxweynaha dib ugu celiyey UFO iyo wax beri hore laga soo gudbay, maxaa keenay in maanta madaxweyne dhami ku hadlo hadalkii dib jirta iyo uf baa lagu yidhi.

Saamaxaada uu leeyahay madaxweynuhu waxaan saamaxay ina Sulub iyo Waran cadde, waxaa lays weydiin karaa yay dhaceen, yay xoolo ka boobeen, miyaanay ahayn nimanka u sidaa ula hadlayaa madaxdii shalay iyo nimankii shalay ku wareejiyey xukunka iyo talada uu maanta hayo. Run ahaantii waa niman ka mudan sidaas uu ula hadlay madaxweynuhu manay ahayn hadal ka qabta.

Waxaan madaxweynaha u soo jeedin lahaa inuu xaal ka bixiyo deelqaafkaas iyo meel kadhacaaas aan geedna loogu soo gaban.

Waxaan madaxweynaha xasuusin lahaa inuu ka boogo badan yahay cid kasta maanta, isla mar ahaantaana la ogyahay taariikhdiisa iyo ficiladiisa uu ku kacay tan iyo maalintii loo dhiibay SNM, ayna cadahay haddii cidi wax boobtay oo ummada la dhacay in ninkii 1980 aadkii SNM iyo xoolihii ummadu ay ku maqan tahay uu maanta yahay madaxweynaha Somaliland.

Markay taasi iska caddahay muxuu madaxweynuhu u soo faadhfaadhayaa oo u xajiimaynayaa niman wanaag mooyaane aan ummaadaas somaliland wax kale u gaysan.

Maxamed Guled

Email: salaxley24@yahoo.co.uk.

Login