September 29, 2011

In Siilanyo Qabyaalad Ka Baaqsado oo u Odaytimeeyo Horaa Loo Waayay

Asalaaaaamu Calaykum: Horaa loo yidhi nin weyni wuxuu bartay ma daayo, waxaa sidaa ka dhigan Madaxweyne Siilanyo oo wali isu haysta inuu yahay guddoomiyihii mucaaadka.

Waxaan xasuustii 1982kii markii uu ka goostay dawladii Siyaad barre isagoo laga  waraysanyo BBCda oo leeyahay “waxaa Siyaad wadaa waa ayaan darro” isla eryagaas ayuu ku celicelinayey mudadii dhawayd ee uu ahaa mucaaridka, illaa uu ka noqday madaxweyne.

Maxaa durba ka qaylisiiyey isagoo wax ka yar 2 sano madaxweyne ahaa, sawkii hadh iyo habeen Daahir Rayaale caayey ee aflagaadeynayey, goormuu ilaabay, ilawshiiyo dhawaa ma umul baaaaaaa!!!!!!!!!.

Waxaa hadaba isweydiin leh, hadalkii aynu maqalnay ee la yidhi madaxweynaha ayaa saqdhexe saxaafadii isugu yeedhay ee ku weerarey mucaaradkii, isla mar ahaantaana uu ilaabay inuu yahay madaxweynahii muxaafid iyo mucaarid.

Sida ku cad taariikhda Ahmed Siilanyo wuxuu caado u lahaa ilaa SNM tii inuu ummada kala qaxeeyo isla mar ahaantaana sameeyo kooxaysi iyo qabyaalad aan geedna loogu soo gaban, waa ninka afbuuxa ku weeraray Warancadde, Sulub iyo ina Waraabe ee yidhi waxaas iyo waxaas weeye.

Waa arin aan loo dul qaadan karin, waxaanay ummada dib ugu celinaysaa 90aadkii iyo dadku mar kale kala tagaan oo is nacaan, waxaan markaa madaxweyanah u sheegi lahaa in aanu waxaas oo kale dib danbaysa ugu noqon, imikana raali galin buuxda ka bixiyaa sida ugu dhakhsaha badan.

Abdi Gantaal

Email:  gantaal2010@gmail.com

Login