September 29, 2011
Guuri uu Lahaa Daheeye Xasan Buuni oo Boorama Ku Shufbeelay
Boorama (Harowo) - Magaalada Boorama ayaa xalay waxa ku shufbeelay guri, isla markaana la waayey wax lagu bakhtiiyo. Gurigan oo uu leeyahay Daheeye Xasan Buuni, oo ay walaalo ahaayeen marxuum Cabdi Xasan Buuni, ayaa dabku ka kacay cabbaare 2.30 subaxnimo, wakhtigaasoo badi dadweynaha magaaladu ku jireen hurdada,sidaa darteedna uu gurigaasi gubanayey aakhirataankiina dabkaasi iska bakhtiyey iyadoo anay cidina bakhtiinin.
Wararka la xidhiidha gubashada gurigaasi, ayaa dadka deriska la ah odaygaasi sheegeen in dabkaasi loo itaal waayey markii uu qabsaday guriga, qaylo dhaantuna yarayd, mana jirto cid wax ku noqotay, marka laga reebo khasaare mood ah.
Ilaa imika lama oga sababta keentay gurigaasi inuu gubto, hase yeeshee dadka deriska la ah dhismahaasi oo ka koobnaa dhagax iyo jaajuur, ayaa sheegay in maalmihii ugu dambaysayba odayga gurigaasi lihi dad jaarka u sheegay inuu gurigiisa gubi doono, balse hadalkaasi odayga cidi kama rumaysan.
Gurigan oo ay ku noolaayeen odayga daheeye iyo haweenaydiisa oo keliya, ayaa la sheegay in markii dabku kacay iskaga cacareen guriga ,lamana oga jihada ay u kicitimeen. Ciidamada ammaanka ayaa la sheegeyaa inay ku hawllanyihiin baadhista sababta keentay gurigaasi inuu gubto.
Maxamed Cumar - Hyena
Boorama, Somaliland
