September 28, 2011
Xukuumadda Siilaanyo oo Xalin Kari La’ Colaada Ka Taagan Degaanka Caada
Boorama (Harowo) - Wararka ka imanaya degaanka Caadda, indhawaalena ay isku haystaan beeraley iyo xooladhaqato kasoo kala jeedda gobolada Awdal iyo Gebilay, ayaa sheegeyaa in murankaasi weli taaganyahay, isla markaana wakhti kasta ay dhici karto iska hor imaadyo hubaysan oo dhex mara melaasiyo beeleedyo kasooa kala jeeda labadaa gobol.
Sida ay sheegeyaan warar xogogaal oo ka imanaya dhulkaasi muddada labaatanka sano ka badan weli lagu kala bixi la’yahay, waxa halkaa laba ilaa saddex maalmood ka hor gaadhay masuulyiinta gobolada Awdal iyo Gebilay, madax dhaqameedyo kasoao kala jeeda labadaa dhinac iyo saraakiil ka tirsan dhinaca amniga, hase yeeshee kulan goobtaasi ka dhici lahaa lagagana wada hadli lahaa ayaan suurtagelin kaddib markii dhinac ka mid ah maamulada labadaa gobol uu shuruudo ku xidhay wadahdalkaasi, hase yeeshee dhinaca kale uu gaashaanka ku dhuftay isla markaana kasoo baxay wadahadalkii halkaa ka dhici lahaa .
Inkastoo anay labada maamul midkoodna si cad uga hadal xaqiiqada jawiga colaadeed ee ka taagana degaankaasi waxa sababay,hase yeeshee ilaa todobaakii hore biilowgiisii yaa la sheegeyaa in maleesiyo beeleedyo kasooa kala jeeda labada dhinac ee isku haya degaanka caaddu halkaasi kusii qulqulayeen.
Inkastoo anay weli dhacaan dagaallo ka dhex dhacay labada dhinac hase yeeshee waxa sii xoogeysanaya abaabulka dagaal ee ku waajahan degaankaasi, mana jhirto cid ilaa waakhtigan xoogga saartay dhammaynta khilaafkaasi muddada soo jiitamayey.
Shaqaaqadan caadda ayaad mooddaa inay haatan beddeshay shaqaaqooyin khasaare naf ah geystay oo sannadihii ina soo dhaafay ka dhacayey degaanka Ceelberdaale kaasoo dejintiisa ay xukuumadda axmed siilaanyo gacan ka geysatay ,hase yeeshee waxad mooddaa in xukuumaddu ka war la’dahay ama u itaal la’dahay ,amase anayba u jeedinba xiisadda colaadeed ee kasoo cusboonaatay degaanka caadda.
Maxamed Cumar Hyena
Boorama, Somaliland
