September 28, 2011

Jaamicada Camuud Iyo Khubaro Dhinaca Caafimaadka ah oo Kala Saxeexday Heshiis KU Saabsan Shahaadada “Post Gratuate-ka” ee Laga Qaadan Doono Amoud University

Boorama (Harowo) - masuulyiinta jaamacadda cammuud iyo khudbaro ka socota jaamacado kukala yaalla maraykanka iyo ingiriiska ayaa maanta heshiis ku saabsan shahaadadda post graduate ee cilmiga caafimaadka maanta ku kala saxeexday xarunta kulliyadda caafimaadka ee magaalada Boorama.

Khubaradan oo cilmiga caafimaadka ka caawiya jaamacadaha soomaaliland, maantana soo gaadhay Boorama, ayaa xafladdii lagu kala saxeexanayey heshiiskani kusooa bandhigay filim ay suxufiyiin caalami ah ka duubeen aasaaskii jaamacadda Cammuud iyo kaalinta ay maanta kaga jirto waxbarashada dhallinyaradadalka iyo shaqo siintoodaba.

Munaasabaddan oo ay kasoo qaybgaleen hormoodaka kulliyadda caafimaadka siciid walhad, madaxa isbitaalka Allaale, masuulyiinta isbitaalka Al xayaad iyo madaxa kulliyadaha kale ee jaamacaddaasi ayaa khubarada dhinaca caafimaadka ee ka socotay jaamacado ku kala yaal ingiriisdka iyo marakanku u sheegeen masuulyiinta jaamacadda cammuud inay haatan aqbaleen, aqoonsadeenna in shahhadadda graduateka ama cilmiga sare ee caafimaadka siin doonaan cidda aqoonteeda caafimaad ku kasbata, isla markaana la timaadda takhasuska looga baahanyahay cilmiyada kala duwan ee caafimaadka, taasoo ay sheegeen in muddo badan iyo wakhti badan ay ku qaadatay aqbalaadeedu.

Prof. Suleemaan Axmed Guuleed iyo khabiir dhinaca caafimaadka oo ka socdauy isbitaalka Kings College ee dalka Uk,laguna magacaabo Mr. Richards iyo hormoodka kulliyadda caafimaadka siciid axmed walhad, ayaa aakhirataankii wada saxeexay heshiiskaasi oo oo la filayo inuu si dhakhso ah u hirgeli doono.

heshiikan ayaa waxa uu noqonayaa kii ugu horreeyey ee ku saabsan aqoonsiga cilmiga sare caafimaadka ee laga qaato soomaaliland iyo soomaaliyaba.

Maxamed Cumar - Hyena

Boorama, Somaliland

Login