September 28, 2011

Ilma Samatar Maxaa Ka Soo Horjeediyey Masiirka Ummaddooda.

Waxan aragnay Ahmed Ismacil Samatar iyo Abdi Ismail Samatar oo ilaahay ku diray Somaliland, oo sabab ay u collaysteen masiirka ummaddooda weli la garan la’yahay. Xataa kuwa ay u hadlaan ee Somaliyeed, ayaad arkaysaa  in ay af-lagaado iyo dacaalad ku hayaan. Xataa labada casho ee ay wax hagaagaan ayey sidii dacawga ka daba qaylyaan.

Waxa isna Borama ka soo daalacay, nin isku sheega Suldaanka Maxad Case, oo waalli in yar u jira waxana laga kari la’ yahay Ugaaska Gadabuursi, ee dhawaan lagu soo dhaweeyey Borama. Ninkan Suldaanka isku sheega oo immiga bilaabay, in uu guri hoostii waraysiyo ku siiyo shabakado la nooc ah fikirkiisa.

Laakiin sida la sheegay waxa uu ka seexan la’yahay, sida fikirkiisii xaasidnimada ku salaysnaa uu been u noqday, ee dadkii uu qaldayey ay uga fara bexeen. Waxana shacabku la yaabban yahay sida uu sumcaddiisii musqusha ugu tuuray ee uu isku ceebeeyey. Tolkiisii iyo saaxiibbadiisii ugu dhawaana waxa ay ku wareereen, sababta uu weli uga hadhi  la’ yahay fikirkiisa nuxuusnimada ah ee reero nacaybka ah.

Xataa waxa immiga Ina Jaamac Samatar ka fogaaday Suldaan Dhawal, oo markii uu dib u xisaabtamay gartay in uu faraha ka qaado Ugaaska iyo arrimihiisa.

Waxana ay xan hoose sheegaysaa in aanu markii hore meeshaba soo dhigan in ay arrintu sidan u dhacayso amma tolkii ku colloobayo. Waxana la sheegay in ay wax badani iska beddeleen fikirkiisii hore, oo uu ugu horreynba joojiyey dacaayad iyo mooshin uu kaga hadlo jiritaanka Ugaaska iyo wax la mid ah. Xan xan yar ayaa laga soo sheegaa.

Sida la og yahay qabiiladu waa wax jira, dhaqanka qabiilla waa mid wakhti dheer soo jiray, nin yidhi habeen ayaan ku tirtirayaana ma jiro. Dadkuna marka ay sidan Ibrahim Jamac Samatar oo kale u dhaqmaan, waxa ka dhex dillaaci jiray dagaal ay ku kala xoog bataan, sidaasi daraaddeed waxa ay dad badani u malaynayaan in Ibrahim Jaamac Samatar uu doonayo in tolkii dagaal galo, oo xoog lagu kala baxo.

Ibrahim Jaamac Samatar waxa uu sheegtaa Suldaan, waxa uu u hadlaa dadka gobolka, cid dirsatay iyo meel lagu caleema saarayna lama yaqaan. Cid xaasid ku noqotay oo tidhi, nooma hadli kartid amma Suldaan ma tihidna ma jirto. Isaguse waxa uu caddaystay in uu maanta yidhaa aniga ayaa taliya, dadka kale waa xoolo. Garaadka kaliya ee wax sheegi karaana aniga ayuu igu jiraa. Dawladdana aniga ayaa turjumaan u ah oo qofkii iga hor yimaadda ee jufadayda ah waan xidhayaa.

Haddaba waxan filayaa in la soo gaadhay xilligii ay Ilma Samatar xaqiiiqda soo taaban lahaayeen, waxanan filaynaa beri dhow in Prof. Ahmed Ismail Samatar uu cafis weydiisto Somaliland, oo uu dalkiisa iska yimaaddo, ka nac nacleeyo suuqyada. Kaddibna gabadh loo dhiso, si uu uga baxo xaas la’aanta. Muddo dabadeedna loo caleema saaro Suldaanka Samarroon. Oo uu ag fadhiisto Ugaaska.

Waar walaalayaal bal ila eega arrintan oo Suldaan doonka Ibrahim Jaamac Samatar waxa aad u sheegtaan in uu dalku ballaadhan yahay oo uu meelaha kale u soofo, qayladan uu sidii dacawga uu dadka daba qayl yayana ha joojiyo hana iska nabad geliyo ugaaskan  yar ee aabbihii, awawgii illaa kiisii 18aad uu Ugaaska ahaa !!!!!!waa alla iyo nabigiisa yaqaanna.

Faras Abiib 

Email: faras2011@hotmail.co.uk

Login