September 27, 2011
Xildhibaan Cabdi Gaagaale oo Mar Walba U Eexda Jufa Hoosaadkiisa Reer Xagaa.
Xildhibaan Cabdi Gaagaale oo ka mid ah Xildhibaanada golaha Wakiilada somaliland ayaa baryahan dambe la soo baxey eexasho aan caadi ahayn ka dib markii jufadiisu ay qaateen xildhibaankii baarlamaanka iyo agaasimaha qorsheynta qaranka oo ay mar walbe iska riixaan beesha inteeda kale ee ay walaalaha yihiin, waxaa taas kuu cadeyneysa dhacdadii ugu dambeysey ee maalintii dhaweyd taas oo ahayd in xildhibaan Gaagaale oo adeegsanaya awooda xildhibaanimo uu xil ka qaadis uu ka dambeeyey isagu uu ku sameeyey mayerkii hore ee magaalada Lughaya oo lagu magacaabi jirey Baxsane Siciid Ayeh taas oo markuu ka qaadey ka dibna u dhiibey nin Jufadiisa ah oo waliba ah nin budhcad ah oo ay dadku aad uga cawdaan.
Mayerkii hore ee Baxsane Siciid Ayeh ayaa ahaa nin waxtarkiisu aad u badnaa taas oo la arkey dadkuna u riyaaqeen talaabooyinka horumarka leh ee uu qaadey isla markaana wakhtigan imika lagu jiro uu yahay wakhti adag oo dadka degaanka Lughaya ku nooli ay soo food saartey abaar aad u ba,ani kuwaasi oo u baahan dad daacad ugu adeega iyo gargaar bani,aadminimo hadaba arimahaas oo dhan sidii wax looga qaban lahaa waxaa gacan weyn ka geysan karayey Baxsane, nasiib xumo Baxsane xilkii ayaa laga qaadey dadkii degaanada lughayana aad bey u tabaaleysan yihiin waxaan aaminsanahay in ninkan imika loo soo magacaabey xilkan uu yahay nin aan gudan karin oo xilkasnimo badan ay ka muuqato marka dib loogu laabto taariikhdiisii hore, wax uu ka garanayo degaanka Lughayana ma jirto waana nin ay dad dano gaar ah lihi ku adeeganayaan, waxaana loogu adeegsanayaa xil wareejinta dhulka degaanka Lughaya.
Hadaba Haddii aan nahay dhalinyarada degaanka Lughaya waxaan ka digeynaa in isku dhac yimaado maadaama aanan raali laga ahayn in jufo kaliyi wax kasta ay qaataan wixii halkaas ka dhaca waxa ka masuul ah Xidhibaan Cabdi Gaagaale iyo inta la socota ee waxyaabaha la rabo in lagu kala jabiyo beesha bahabar muuse, Xukuumada waxaan u soo jeedineynaa baaq ah in arintaas ay la socdaan waxaa kale oo aan ugu baaqeynaa in ay gargaar u fidiyaan dadka masaakiinta ah ee ku tabaaleysan degaanada Lughaya ee ay ka mid yihiin gargaara, garaaca iwm.
Dhalinyarada Beesha Bahabar Muuse.
Email: Gargaara2000@hotmail.com
