September 27, 2011
Faallo: Ergo Ka Socota Taageerayaasha Ugaaska Beelaha Samaroon, oo Socdaal Qarsoodi ah Hargeysa Ku Tegay, si ay Ula Kulmaan Siilaanyo Iyo Saylici.
Ugaaska Beelaha Samaroon, oo hada mudo labo todobaad ku dhaw ku sugnaa magaalada Boorama, lana filayay marka uu nasto inuu socdaal dheer ku kala bixiyo, soona maro degaanada taariikh ahaan iyo dhaqan ahaanba qiimmaha weyn u leh bulshada Samaroon, ayaad mooda in talada arimaha la xidhiidha dhaq-dhaqaaqiisu ay Hargeysa u wareegtay, halka la rabay inay ku ekaato madax dhaqmeedka iyo waxgaradka kale ee ku xeeran Ugaaska.
Ergo ka kooban 4 xubnood oo uu hogaaminayo Ambasador Maxamed Sh. Xasan Nuuriye, ayaa sida wararku sheegayaan socdaal aan la shaacin ku tegay magaalada Hargeysa, halkaas oo sida la sheegay ay kula kulmeen Siilaayo iyo Saylici, iyada oo waxa ugu weyn ee laga wada hadalayayna ahaa in Ugaaska la Siiyo Ruqsad ama fasax uu ku tego meelaha uu xiisaynayo.
Wararka la xidhiidha socdaalka ergada Ugaaska ka socotay, ayaa sheegay inuu Siilaanyo ka codsaday in marka hore Ugaaska isaga loo keeno inta aan meelo kale la geyn, halka Saylicina laga soo wariyay inuu taageeri doono Ugaaska hadii laga fogeeyo madax dhaqameedyada beelaha Makaahiil qaarkood, gaar ahaan Beesha Jibriil Yoonis.
Magaalada Hargeysa, ayaa tan iyo aasaaskii dawlada Somaliland ahayd meel lagu kibir jabiyo, laguna bahdilo qofkasta oo ka soo jeeda beelaha darifyada oo madaxa kor u taaga, danina ay ka gasho beelaha dhexe. Waxana dad badani ka cabsi qabaan hadii Ugaaska loola cararo dhinaca Hargeysa iyo Siilaanyo in la soo celin doono isaga oo dhaqan doorsoomay, qiimihiisuna hoos u dhacay.
Hargeysa waa xarunta maanta laga soo meleego wax kasta oo lidi ku ah danaha iyo mustaqbalka beelaha Samaroon, sidaas darteedna maaha meelo lagula degdego qof loo hanweyn yahay sida Ugaaska Beelaha Samaroon oo kale.
Lama hubo inay wax iska bedeleen moqifka xukuumada Siilaanyo ee ku wajahan aqoonsiga Ugaaska Beelaha Samaroon, waxaana sida la ogyahay wasiiro ku hadlay magaca Siilaanyo Boorama dhexdeeda horey uga sheegeen in aanu jirin wax la yidhaa waa “Ugaaskii Beelaha Samaroon”, Ugaas Cabdirashiid Ugaas Doodina yahay “musharax u tartamaya jagada Ugaanimada Gadabuursi.”
Socdaalka ergada Siilaanyo u tegtay iyo guud ahaanba faro gelinta ay xukuumada Siilaanyo ku hayso arimaha Ugaaska Beelaha Samaroon, ayaa ah mid ay aad ugu kala qaybsan yihiin taageerayaasha Ugaasku. Waxaana loo kala baxay dad doonaya inay Ugaaska sariftaan iyo inta badan oo doonaysa inay sharafta iyo karaamada Ugaaska Ilaaliyaan, lana kala saaro arimaha dhaqanka iyo is-riixriixa siyaasada.
Siyaasiinta Beelaha Makaahiil oo iyagu waayay meel ay ka soo galaan xukuumada Siilaayo, ayaa sida ka muuqata doonaya inay Ugaaska ka dhigtaan wado ay u maraan Siilanyo si ay mansabyo iyo lacag uga helaan xukuumadiisa, halka badiba madax dhaqameeyada, dhalin yarada iyo waxgaradka Reer Awdalna rabaan inuu Ugaaska xor u yahay inuu tego meel kasta oo ka mid ah degaanka Gadabuusiga, sidaa darteedna aan loo baahnayn in loo barbaryo Siilaanyo iyo wax la mid ah.
Sidoo kale, ayaa labada wasiir ku-sheeg ee beelaha Makaahiil kaga jira xukuumada Siilaanyo socdaalo qarsoodi ah ku yimaadeen magaalada Boorama, halkaasi oo sida la sheegay ay salaan ugu tegeen Ugaaska Beelaha Samaroon. Warar ku dhaw dhaw socdaalka wasiirada, ayaa sheegay in loo soo diray si ay xumada uga qaadaan taageerayaasha Ugaaska si xukuumada Siilaanyo u kala ogaato waxa la marsiin karo iyo wixii aanay yeelayn taageerayaasha Ugaasku.
Dhinaca kale weli waxa socda martiqaadyadii ay beelaha Samaroon u fidinayeen Ugaaska, iyada oo maanta ay beesha Aadan Yoonis casuumad weyn oo la isku arkay u samaysay Ugaaska, waxana la filayaa inay Beesha Nuur Yoonisna sidaas oo kale samayso dhawaan.
Waxase nassib daro ah in gudida soo dhaweynta Ugaadku saxaafada gobolka Awdal u diiday inay ka qayb galaan, kana soo waramaan xafladaha murtiqaadka ah ee loo sameenayo ugaaska, sabobta ay sidaa u yeeleena lama garanayo.
Harowo.com, Boorama
