September 26, 2011

Faallo: Xukuumadu Deeqda ay Gaadhsiisay Koonfurta Somaliya + Dareenada Ku Xeeran Iyo Khataraha Siyaasadeed ee Ku Soo Foole Somaliland.

Tan iyo markii ay madax banaanideeda la soo noqotay jamhuuriyada Somaliland 1991kii oo hada laga joogo 20 sanno waxa guud ahaa shacabka reer somalilanad iyo xukuumadihii iskaga danbeeyey talada dalka ka gonaa ,gooni isku taaga Somaliland oo ahaa mid ay ka midaysnayeen  waxaanay himiladoodu ahayd aqoonsiga Somaliland sidii loo heli lahaa iyaga oo siyaasiyiinta xukuumadihii hore ay dadaal badan galiyeen sidii mawqifkooda uga midho dhalin lahaayeen kaas oo ku salaysnaa  gooni isku taaga Somaliland ayadaa oo uu halku dhiga siyaasiguna uu ahaa “waa mid muqadasgooni isku taaga somaliland”  kuwaas oo geed dheer iyo  geed gaabanba u fuulay sidii ictiraaf mar uun uu u helilahaa Qaranka Jamhuuriyada Somaliland.

Waxana ka gonayd inaanay mar labaad ka mid noqon dalkii horay loo odhan jiray Somaliwayn, balse xakamaynta siyaasada Somaliland ee arintaas la xidhiidha ayaa dad badan oo muwaadiniin ah ay ku galafsan jiren xadhig iyo cadaadisyo kale oo kaga iman jiray xukumadihii kala horeeyey tusaale ahaan cida lagu tuhunsan yahay inay ay ku xidhan tahay koonfurta somaliya iyo kuwa kale ee u socdaalaba.

Balse markii ay  xukuumada cusub  ay talada la dalka la wareegtay  waxay la kawsatay isbadelo  cusub oo ka soo horjeeda kuwii xukuumadihii hore, taas oo ugu horayntiiba ay soo ifbaxday munaasibadii uu madaxwayne Siilaanyo uu xilka kagala wareegayey Madaxwayne Rayaale dareenka Somaliwayn ka dib markii la sheegay in ay munaasibadaas goob jog ka ahaayeen  xildhibaano ka tirsan Dawlada TFG ee somaliya waxa kale oo madaxda xukuumadu ay ka qayb gashay kulamo dalka dibadiisa kuwaas oo si ka fool ka fool ah ay isku horfadhiisteen dawlada TFGda iyo Maamul goboleedyada kale ee ka jira Koonfuta Somaliya, kuwaas oo qaarkood ay qarsoodi ahayeen, waxa kale oo iyadna xusid mudan kulan uu madaxwaynaha laftiisu ka qab qaatey kaas oo ka dhacay Imaaraadka Carabta (UAE).

Hadaba dareemada noocan ah ayaa aragtida dadwaynuhu mar walba ay ka soo horjeeday tan xukuumada waxaanay inta badan ku doodayeen ma jirto sabab ku kalifta Somaliland xodxodashada dawlada koonfuta somaliya iyo in ictiraaf loo maro Dawlada TFG somaliya taas oo ay taageersanayeen hadafkii xukuumadihii hore ay u raadinayeen Qadiyada madaxbanaanida Somaliland, balse waxa af kala qaad ku noqotay shacabka reer Somaliland qaraarka xukuumadu qaadatay ee ah in gargaar la gaadhsiiyo dadka ku tabaaloobay abaaraha Geeska Africa oo ay ka mid tahay Koonfurta Somalia waxana dadka qaarkood ku cabireen rayigooga ku wajahan gargaarkaas waxana ay shaki ka muujiyeen in ay ku hoos jirto xeel kale oo siyaasadeed halka qaarkood ay ku mashquuleen cida loo dhiibi doono ee ka daadagi doonta Muqdisho iyo aragtida siyaasiyiinta koonfurta ee ka soo horjeeda gooni isku taaga Somaliland iyo sida ay iskula jaan qaadi doonaan  hawlaha gargaarka iyo qadiyada Somaliland.

Ugu danbayntiina natiijada wararka ka imanaya muqdisho ayaa waxa ay tibaaxayaan in deeqdii ay dawlada TFG du ay gudoontay taas oo ka maragkacaysa tuhunadii shacabka reer Somaliland horayba u qabeen inkasta oo deeqdaasi tahay mid biliaadannimo balse qaabka loo maamulay ama loogu wareejiyey Dawlada TFG ay durba dareena sas ka muujiyeen dadwaynaha reer Somaliland waxana qaarkood ay ka muujiyeen arintaas waxaanay ku tilmaameen  inay tahay mid siyaasadaysan oo cadaynaysa isku soo dhawaansho labada xukuumadood iyo aaminsanaantii fadaraaliiisam ee madaxwayne siilaanyo horay uga sheegay warbaahinta caalamka mar uu ku sugnaa wadanka Maraykanka.

Si kastaba ha ahaatee xukuumadu ma ay waayin qaab kale oo ay ugu gudbiso dadka ku waxyeeloobay abaaraha koonfurta Somalia iyada oo u marin karaysa Ururada Bulshada rayidka ah iyo hay’adaha kale ee ku hawlan deeq gaadhsiinta dadka tabaalaysan. Dhanka kale iyada oo ay jirto dadwayne ku tabaalaysan dalkan Somaliland gudihiisa una baahan deeqdan in la gaadhsiiyo iyada oo ay barbar socoto khataro siyaasadeed oo kaga imanaya xukuumada xisbiyada mucaaradka ah iyo maamul goboleedyada SSC iyo Awdal State oo dhawaan lagu marti qaadi doono shirka dib u heshiisiinta somaliya ee ka dhici doona Garoowe kuwaas oo iyaguna ku eedaynaya in madaxwayne siilaanyo laftiisu u socdo Soomaliwayn  si ay dadwaynaha u kasbadaan taas oo ay wakhtigan xaadirka ah aanay u hayn jawaab qancisa maamuladan iyo dadka taageersanba mar hadii ay xukuumadiiba ay ka daadagtay Muqdisho.

Wariye Omer Albashiir -  Borama

Login