September 26, 2011
Warbixin: Socdaalka Xubno Ka Tirsan Wasiirada Siilaanyo Iyo Taliyihii Qaybta Bilayska BooRama oo la Bedalay
Boorama (Harowo) - Xubno ka tirsan g/wasiirada ayaa indhawaaleba ku sugan magaalada Boorama. Booqashada xubnaha Golaha wasiirada ah oo kasoao jeeda G/awdal, ayaan ilaa hadda si rasmi ah loo ogeyn, balse la sheegeyo inay waanwaan ka dhex wadaan xukuumadda iyo beelaha g/buursi ee soo dhaweeyey Ugaaskooda, waakhtigaasoo dareenno iyo tuhun soo kala dhex galay.
Wasiiradan oo kala ah wasiirka hawlaha Guud ismaaciil Muumin aare iyo C/risaaq cali Cusmaan, wasiirka dibudejinta oo wakhtiyo kala duwan soo galay Boorama, ayaan midkoona saxaafadda u sheegin ujeedada dhabta ah ee ka dambaysa booqashada ay Boorama ku joogaan ilaa xalay.
Inkastoo wasiirka hawlaha Guud la sheegay inuu Boorama u yimi socdaal gaar ah , isla markaana uu Boorama kaga qaybgeleyo arooska wiil u waalid u yahay,hase yeeshee warar kale ayaa dhinaca kale sheegeya inuu qayb ka yahay waanwaan la doonayo in la iskugusoo dhaweeyo Ugaaska gedebuursi iyo beelihii sida xoogga
leh ugasoo dhaweynayey Boorama laba toddobaad kudhawaad ka hor. Soo dhaweynta Ugaaska, oo Boorama ka dhalisay xiisad dad badani xidhxidhanyihiin ilaa maanta ayaa ka dhalatay markii shakhsiyaad lagu xidhiidhinayo xukuumaddu gacan ka hadal iyo burburin hantiyeedba ula tegeen qaybo ka mid ah dadkii soo dhaweynayey Ugaaska.
Inkastoo anay masuulyiintaasi si cad u sheegin meesha wax u marayaan, waxase ila sheegeyaa inay si taxaddir leh iskaga dabqaadayaan xukuumadda sare, gaar ahaanna madaxweyne ku-xigeenka iyo ugaaska gedebuursi, lamana sheegin wax war ah oo kasoo baxay dedaalka la sheegeyo inay mesha ka saaraan shakiga arrinta Ugaaska kusoo kala dhex galay xukuumadda iyo qaybo ka mid ah dadweynaha gobolka awdal,mana jiraan warar dheeraad ah oo ku saabsan halka ay wax u marayaan.
Dhinaca kale kulan saacado badan qaatay ayaa xarunta maamaulka gobolka Awdal ku dhex maray labada wasiir, taliyihii Booliska gobolka iyo badhsaabka.
Shirkan oo albaabadu u xidhaanyeen, ayaan la ogeyn nuxurka wadahadaladooda labada wasiir ee beelaha degaanada Boorama iyo Dila kaga jira G/wasiirada, ayaa midkood yahay masuulyiintii xisbiga Kumiye halka kan kalena uu yahay masuulyiintii dawladdII Rayaale, sida baa’anna dagaalka ugala hor iman jiray xisbiga KuLMIYE.
Dhinaca kale waxa isla saaka xilkii taliyenimo ee Booliska lagu wareejiywey taliye cusub, oo lagu naanayso arraweelo kaasoo ahaan jiray taliyihii ciidanka badda ee degaanka Saylac, hase xilka taliyenimo laga qaaday wakhtigii ay xeebaha gobolka Awdalkasoo degeen Xoogag ka tirsan maleesiyada ONLF ee dagaalka kula jirta dawladda Itoobiya.
Taliyihii hore ee Booliska gobolka Awdal Maxamed Cabdi, ahaana taliyihii u horreeyey ee dawladda kulmiye xilka u magacawday markii xilka ay qabatay, ayaa ah masuulkii labaad ee xisbulxaakimka eeggu magacaabay ee xilka ciidan ee gobolka laga qaado, iyadoo dhawr bilood ka hor uun xilka taliyexigeennimada gobolka laga laga qaaday Cawil maxamed oo mar lala magacaabay taliyaha maanta xilka wareejiyey.
Wararka la xidhiidha taliyihii hore ee booliska awdal ayaa sheegeya in loo magacaabay gobolka selel, balse ilaa imika cidi ma xaqiijin.
Maxamed Cumar - Hyena
Boorama, Somaliland
