September 26, 2011
Cidna loo joojin maayo Awdal State sokeeye iyo shisheeyaba. Waana afhayeenka danta guud ee reer Adal
Salaanta guud wixii ka dambeeya su’aal aan ku bilaabee akhriste, ma jeclaani laheyd inaad sharafta iskaga qaado meel aan lagaa jecleyn? Ma sharifi laheyd kuwaan rabin iney ku sharifaan? Ma isku dhajin laheyd meel lagaa rabo inaad dibada ka joogto? Kuwii kula dhashay maka raaci laheyd shisheeye jecel inay adiga iyo kuwa kula dhasheyba baabiiyaan dhaqan ahaan, dhaqaale ahaan iyo siyaasad ahaanba yaga oo waliba adiga iyo aqoontaada adeegsanaya?Hadii laf aan cad ku oolin lagu horqaado ma daba nashleyn laheyd sidii eydii Bafloof?
Akhriste, hadii aad ku jawaabto maya oo marnaba ma yeeleen arimahaa kor ku xusan oo aad la yaabi laheyd dadka noocaas ah eeku shaqeysta helitaanka laf aan cad buuran laheyn ee waliba dadkooga uga raaca shisheeye war baanad ogeyne bal u fiirso qoraalkan.
Inankeena lagu sheegay dictoorka oo moodaya inuu murti uu ku farxo Siiraanyo odhanaayo ayaa ka dhawaajay ereyo kasoo horjeeda fikrad wanaagii reer Adal lagu yaqaanay. Wuxuu yidhi dictoorku;
“Wasiiru Dawlaha Arrimaha Dibeda ee Somaliland Dr. Maxamed-rashiid Sheekh Xasan oo xalay u waramayey Wargeyska Saxansaxo, ayaa sheegay in ay aad ula yaaban yihiin kulanka Mahiga uu la yeeshay kooxda sheegatay Awdal state, waxaanu tibaaxay in ay Xukuumaddu ka war hayso dhaqdhaqaaqa Wakiilkaasi, isla markaana ay Madaxweynaha soo gaadhay lagana fiirsanayo talaabada ku haboon ee ay Xukuumad ahaan ka qaadanayaan.”
Ka jawaabi maayo wax aan murti meelna looga raaco laheyn ee aan mudanaha dictoorkeena xasuusiyo arin isna uu ka dhawaajay wasiirka arrimaha dibada dowlad goboleedka Somaliland oo hadalka dictoorkeena ka dhigeysa ” Iska hadlow ina higire…”. Akhri;
“Wasiirka Arrimaha dibadda Somaliland Maxamed Cabdilaahi Cumar ayaa qoraal Fax ahaan uu ugu soo diray Xarunta Midawga Yurub iyo Weliba Wasaaradda arrimaha dibadda ee Sweden uu ku wergeliyey inaan Maxamed Rashiid aanu matalin Dawladda Somaliland isla markaana aanu ku hadli karin Magaca afka Somaliland.” Cadceed News Waa waxaan ku tilmaami jirey qalabaa gadiska dowlad goboleedka Somaliland. Midkee sax ah midkeese qaldan labada?
Siday aniga ila tahay waxa sax ah Maxamed Cabdilaahi Cumar (Wasiirka Arrimaha dibadda dowlad goboleedka Somaliland). Sobobtu waxay tahay Maxamad-rashiid faduul uunu shuqul ku lahayn oo uuna ku abtirsan lagana rabin ayuu ku jiraa oo si qasab ah uu u rabaa inuu wax uga sheego. Maxamad-Rashiid ha ogaado inuuna ahayn nin Isaaq ah oonay dowlad goboleedka Somaliland u baahneyn oo uuna faro galin arimaha siyaasadeed ee beesha dhexe iyo dowlad goboleedkooda wixii khuseeya.
Sida qoraalkii wasiirka Isaaq ka muuqatay waa digniin culus oo loo dhiibay Maxamad-rashiid. Waxa ka dambeeyaana waa eris hadhowna uu ku dambeeyo Borama oo marka dadkiisii uu ka horyimid xaqooda soo dhaweeyaana uu ilmeeyo sidii ina Rayaale laga sheegay markii sida weyn loogusoo dhaweeyay Borama ee uu dareemey qaladkii uu ka galay dadkiisa.
Taasi reer Adalow waa arintii diktoorkeena oo saldhigeedu ahaa “Iska hadlow ina Higire - kama talisid reer sheikh Isaxaaq arimahooda ee bal tan Prof-keena Ismaaciil Muumin Aare uu keeneyna u fiirso. Prof-ka Ismaaciil oo moodey inuu war usido reer Awdal ayaa isna lagasoo wariyey;
Boorama (Harowo) - Wasiirka hawlahga guud ee soomaaliland Prof. Ismnaaciil Muumin Aare ayaa sheegay in hawsha daba dheeraatay ee ku saabsan afarta kiiloomitir ee jidka Boorama-dila ay ku dhamaan doonto labada wiig ee soo socda”.
Cajiib!!! Ma anagaa waalan mise Hargeysa ayaa nalooga botorinayaa!!!! Waxa wax lala yaabo ah islamarkaa uu Prof. Ismaaciil arintaa ka hadlayay ayay gudida beesha dhexe ee u gundutay cunaqabataynta reer Awdal shir balaadhan oon loo kala hadhin ku lahaayeen huteelka Mansuur oo ku yaala magaalo madaxda dowlad goboleedka Somaliland.
Gudida oo ka kooban dad isugu jira masuuliyin dawlad goboleedka Hargeysa ka tirsan, xildhibaanno kasoo jeeda beesha dhexe, salaadiin, ganacsato, aqoonyahan iyo haween ayaa ku falanqeeyay shirkaa hore u marka laga gaadhey wadadii isku xidheysay Hargeysa iyo Jabuuti oo loogu naaneys daro wadada H/J. An jilciyo naaneysta “H/J” maaha Hargeysa/ Jabuuti ee waxay xuruuftu ka taagantahay wadada Habar/Jeclo oon aniga wax macno ah ii sameyneyn laakiin ay tahay naanays ay bixiyeen beelaha Habar Awal ee kasoo horjeeda wadada.
Akhristow bal u fiirso markuu prof-keenu ka hadlayay wado ah 4km waxay beesha dhexe ka hadlayeen. Gudoomiyaha samaynta jidka dawga Cad ee loo yaqaano wadada H/J ee isku xidha gobolka Hargeysa iyo xeebta waqooyi ayaa lagasoo wariyay; “Guddoomiyaha guddigu waxa uu sheegay in marka la dhammeeyo wejiga hore ee bannaynta iyo ballaadhinta dawga loo gudbi doono sidii jidka laami looga dhigi lahaa, si aannu dadaalkii la geliyey u baabi’in ee uu u noqdo mid dhammaystiran, isagoo xusay in nidaam lagu ilaaliyo dayactirkiisa la samayn doono. Waxa kale oo uu tilmaamay muhiimadda dawgaasi u leeyahay dalka dhinaca isu socodka labada dal ee Somaliland iyo Jabuuti iyo weliba ka faa’iidaysiga khayraadka badda”.
Ismaaciilow inaadeer han yaridaa. Inta aad war ka dhigeyso afar taa km waxay aheyd inaad reerkaa u tashaday cunaqabateynta horjoogsato ood miiska u garaacdo ood tidhaahdo wax suura gal ah maaha inaad u tashataan xeebta reer sheikh Samaroon ee afartaa km siiwada oo gaadhsiiya Jabuuti hadii kale faraha kala baxa Awdal State baa gaadhsiin ilaa Yamen oo bada ka talaabine. U mana tashan kartaan khayraadka bada ee reer sheikh Samaroon.
Beesha dhexe oon u kala hadhin cabudhinta geesiyaasha Awdal State ee u kacay danaha dadkooda ayaa wareer ka qaadey Mahigaa la kulmey Awdal State. Akhristow bal ereyadan akhri;”Hargeysa - Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Somaliland Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa si adag uga hadlay talaabada ee ergayga xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Somaliya Danjire Augustine Mahiga ku farogeliyay siyaasadda arrimaha gudaha ee Somaliland, ka dib markii uu dhawaan kulan kula yeeshay dalka Kanada kooxda la baxday Awdal State ee ka soo horjeeda midnimada iyo wada jirka shacabka Somaliland. Sidaas wuxuu ku sheegay waraysi gaar ah oo uu shalay siiyay Wargeyska Geeska Afrika”.
Waar bal nasladan eega!!! Kan masilaaya beesha dhexe miyuuna ogeyn inay shirka joogeen dad masilaayay dowlad goboleedka Somaliland oo ay danta beesha dhexe u joogeen. Arrin maaha Cirrow in aad dantaada meel walba u joogto ta reer Awdalna aad tidhaahdo anigaa masilaya ee ha joogin. Wax la waayay Cirrow ninkii waalan baa ududa. Taasi waa tii uu afhayeenka guud ee Awdal State hadalkiisa ku bilaabay ee uu u sheegay Mahiga isaga oo leh; “Mudane Mahiga, waxa dhamaadey wakhtigii loo turjumayay reer Adal ee wax wal oo la doonaba laga sheegayay, maanta aniga iyo xubnaha kale ee maamulka Awdal State waxaan halkan u joognaa inaan wakiil u noqono dadkayaga islamarkaana hubino ineyna cidkale masalin dadka iyo dalka reer Adal. Ayuu ku bilaabay hadalkiisa afhayeenku”.
Ku darsoo waxana waliba hadalk afhayeenka ka mid ahaa hadii aad ku bukooneyso iyo hadii aad godka ku galeysaba; “Mudane, xaga reer Awdal wey ka dhamaatey riyadii maamul goboleedka loo yaqaano Somaliland uu ku andacoonayay iney Somaliland masisho Awdal. Mudanow arintaasi waa ciyi waa ka baryay maantana goobtan aan joogno xubnaha Awdal State ayaa masilaya dadkooda reer Adal, Maamul goboleedka Somaliland wuxuu masili karaa dadkooda oo qudha ee mudanow ogow.”
Iskusoo wada xoori, maanta waa ilaah mahadii oo rag baa u kacay Adal una diyaar ah iney maalkooda, maskaxdooda iyo xitaa dhiigoodaba u huraan dadkooda iyo dalkooda. Geesiyaasha Awdal State baa u diyaara inaan laga turjumin Awdal oo meel wal oo dantooda lagaga hadlayaba kursiga dhex jiitan oo cid walba uga horeeyaan intaana si been ah looga turjumin reer Adal dantooda.
Si walba arintu ha ahaato waxaan u sheegayaa raga ka shaqeysta dowlad goboleedka Somaliland iney ku ekaadaanuun shaqadooda oo ay ka yareystaan waxyeelada ay af ahaan ugu geysanayaan dadkooda iyo horseedkooda geesiyaasha Awdal State oo ka waantoobaan fariinta beesha dhexe usoo dhiibeyso ee ay ku lifaaqan yihiin ereyada xunqaacada ku abuureysa dadkooda reer sheikh Samaroon.
Gabagabo waxay tahay;
Cirrow xasuuso kali taliskii dowladii hore aad ku eedeyseen iyo jidbadii SMN-ta. Geel laba jir soo wada mar. SNM soo martey markana waa markii Awdal State ee adkeyso. Maskaxdana gali oo marnaba yayna kaa qaldamin iney Somaliland tahay adiga iyo dadkaaga, Awdal State-na waa Gadabuursiland.
Maxamad-rashiid, Ismaaciil iyo inta kale ee reer Awdal ee ka shaqeysata dowlad goboleedka Somaliland ha ogaadaan iney maanta mareyso heer sare Awdal state (alxamdu lilaah) oo awood u leedahay iney mashaharkiina bixin karto.
Sidaad ogtihiin waxa bixiya mushaharkiina lacagta dumarka masaakiinta ah ee geedaha ku hoos iibiya caanaha, waxase diyaar u ah oon ka hubiyay geesiyaasha qurba jooga ee Awdal State iney iney diyaar u yihiin iney mushaharkooda uga qoondeeyaan tiro go’an bishiiba oo la idiin siiyo mushahar idinkuna ka shaqeysaan danta guud ee Gadabuursi. Bal arrintaa ka fiirsada kol hadii damiirkiinu ku xidhanyahay mushahar. Waliba anaa idiin weydiin qorba jooga Reer awdal State iney ka badiyaan ta aad ka qaadataan dowlad goboleedka Siiraanyo.
Suleiman C. Dugsiiye
Email: sdouksi@gmail.com
