August 31, 2011

Ugaas Gadabuursi Ma Jiro, Waa Taariikh Ma Lihin Aan Ku Faano…!!!

Waxa marag ma doon ah in ay Beel waynta Gadabuursi lahaan jirtay Boqortooyo ugaasyo ah oo soo taxnaa ilaa qarnigii 16 aad. Beel waynta Gadabuursi, ayaa wakhtiyadaa lahayd kala dambayn iyo tix galin dhexdooda ah, iyadoo aanay jirin wax iska hor imaad ah iyo kala qaybsanaan ah. Waxa ay had iyo jeer ku dadaali jireen midnimada guud ee Beesha, si midaysana cadawga iskaga difaaci jiray.

Hadaba iyadoo taasi jirtay ayaa hadda waxa oo baxaya khilaaf aad u balaadhan oo ay Suldaanada beelaha qaar ka mid ah ay ku aasayaan taariikhda dheer ee Beesha Gadabuursi?

Miyaanay ahayn ninka beesha ka mid ah ee inkiray boqortooyadii Adal iyo xadaaradii dheerayd ee Beeshu lahayd, in uu aasayo taariikhdiisa, jiilka cusubna barayo in aanay taariikhba lahayn oo ay ahayd wax aan jirin? Umad walba waxay leedahay taariikh ay ku faanto oo ay tix galiso isla markaana ay caruurtooda barto. 

Dadka qaar ayaa ku andacoonaya Ugaasku Waa Beel gooni ah ee maaha mid Qawmiyada Gadabuursi isku raacsan tahay. Taa macneheedu ma waxa weeyi Awoowyaasheenii noolaa wakhtigaas ee ogolaa Boqortooyada ayaa khalad ku taageeri jiray?

Mise Ugaasnimada cusub ee hada lala soo baxay ayay siyaasad kale ku ladhan tahay oo aan ahayn tii wakhtigaas? Anigu yaabaye……? Maxaa iska badalay taageeradii ay Beesha Maxamed Case iyo Habar cafaan u haysay Ugaaska hadda in la yidhaa waan kala noqonay? 

Tusaale ahaan, Mudane Cali Xaamud Jibriil intii uu noqon wasiir ku xigeenka waxa uu ahaa ninka aadka ugu ololeeya Ugaaska soona qabanqaabiya Xaflad walba oo lagu maamuusayo ugaaska, maxaa keenay inuu hada noqdo nimanka ka ololeeya? Ma Wasiir ku xigeenimada ayaa badashay oo damiirkii iyo fikirkiisii badashay?

Yaabay aniguye.. bal ilaahay amarkii…..  ila daawo bal xafladan ka dhacday galbeedka London 2010kii sida uu u soo qaban qaabiyay Mudane Cali Xaamud Jibriil http://www.youtube.com/watch?v=9zy7xGBSSek&feature=player_embedded
Dadka aadka uga muuqda badankoogu waxay ka soo jeedaan Beesha Habar cafaan iyo Maxamed Case oo hadda la leeyahay way ka ololaynayaan? Ma madaxdaa diidan mise shacabka beesha?

Yaabay aniguye.. bal ilaahay amarkii..Suldaanada ka soo horjeeda Ugaasku ma waxa ay saluugsan yihiin Ugaaska laftarkiisa oo ay leeyihiin uma qalmo, oo wuu yar yahay xaga da’da?

Ma qabiilka uu ka soo jeedo ayay xurguf naga dhaxaysaa baa?

*  Ma Xeerarkii wakhtigaa lagu dhaqmi jiray ayaan waafaqsanayn xadaarada 2011 ka?

Mise Xilku waa wareegto oo doorasho ha la galo sidii xisbiyada oo dhadhaaradu sidaa ha ku kala baxaan miyaa xaalku bal ilaahay amarkii?

Waxaan ku soo gabagabaynayaa maqaalkan wada su’aalaha ah ee aan anigu jawaab u waayay bal ilaahay amarkii.. (UNITED WE STAND, DIVIDED WE FALL)..

ISKU DUUBNI IYO MIDNIMO WAYNU KU JIRAYNAA, KALA QAYBSANAANTANA WAYNU KU BAABA’AYNAA… ee MIDNIMADA IYO DANTA GUUD EE BEESHA HA LAGA TALIYO…..

Aadan Xasan Caateeye

Email: adam_ateyye@hotmail.com

Login