August 31, 2011

Taariikhda Beenta ah, Ayaa Loo Dhigi Doonaa?

Waxa jirtay in nin isku magacaabay Mousa Hassan isku dayey in uu ka jawaabo maqaaladii aan horey u qoray ee la magac baxday Taageerayaashii Daahir Rayaale, Waa Calool, Caloolna Waxa Ka Soo Baxa Waa La Yaqaanaa, oo Luguma Intifaacsado. Horta Mousa qof aan waxba ka ogeyn maqaalada ayuu dusha ka saaray. Taasi dhinaca diinta waa dambiye ha ka istaaq furaleysto.

Waxay tani la mid tahay anigoo idhaahda jawaabta iyo maqaalada kale ee Suldaan Dawal lagu aflagaadeynayaba waxa soo qoray Maxamed Cali Mousa oo jooga Ottawa oo waliba ugu sababeynaaya in magaca Mousa si u wada qoran yihiin oo ah sida fransiisku u qoro, adigu sababa ma hayside.

Maxamed oo sida aan maqlay looga bartay inuu maqaalada aflagaada ah ku soo qori jiray Awdalnews, taasina keentay burburkii Awdalnews ee Harowana haddii ay tani jirto ha iska jirto burburkaasi oo kale ayaa u dambeyne. Haddii xataa maqaaladaha u ninka kor ku xusani soo qorayna, aniga ima khuseyso cida soo qortay ee waxa I khuseeyaayi waa fikirka ay xambaarsatahay. Waligay Ottawa maqal mooyaane ma arag, mana ihi qofka u dusha ka saarey iyo weliba dhadhaarka uu igu tiranaayo.

Walaalkay Mousa wuxu isku dayey in u maqaaladayda ka jawaabo, hase yeeshee qodob kaliya ayuu ka soo qaatay oo ah ta caloosha. Qoraalkiisa si wanaagsan ayuu u bilaabay oo wuxu sharaxaad ka bixiyey caloosha iyo waxay qabato oo uu ka dhigay in ay amaantahay. Waxase dhaaftay nuxurkii aan uga danta lahaa caloosha oo aan iftiimiyey ee aheyd calooli fikir iyo odoros toosan ma keento ee waxbay shiidaa oo ay burburisaa.

Intii uusan u galin dood celinta qodobadii kale ee u qoraalku xambaarsanaa wuxu bilaabay in uu xanaaqo oo u cadhoodo ilaa ay ku kaliftay in u caytamo oo u oohin ku dhawaado. Caydii ileyn waa mid calooleysane, waxay noqotay mid isaga ku soo noqotay. Wuxu sheegay in saxarada Jibriil Yoonis tahay Habar Cafaan. Aan is weydiinee ayaa badi Habar Cafaan dhalay?

Jawaabtu meel fog laga raadin maayo oo Habar Cafaan waxa badi dhallay gabdho Jibriil Yoonis ku abtirsata. Markaa ma gabdhaha Jibriil Yoonis ayaan dad dhaline ee dhala saxaro? Teeda kale gabdhaha iyo wiilasha Jirbriil Yoonis xidid kaliye ayey ka soo wada jeedaane, haddii gabdhihii saxaro dhaleen sow wiilashuna saxaro dhali maayaan.

Markaa waxaan leeyahay dooda walaalow hagaajiso oo cayda iska dhaaf magac xumo ayaad ka qaadiye oo waxaad waayi cid gabdhaha kaa guursate. Gabdhaha walaaladaa waa cawrado ee ha ceebeyn oo sharaftooda dhowr magacaa waa dad eh.

Mar haddii ay cadho ka keentay in u gabdhadoodii iyo tolkiiba aflagaadeeyo, dee waan ka guuleystay markaniye ee tafaftiraha Harow.com ayuuna iga eexanine ha ii soo sheego buundada aan kaga guuleystay doharkani. Fursad kalena walaalkay Xasan waan siiniye, bal ha isku dayo in qodobadii kale ee ay xambaarsanadeyd maqaaladaydii ha ka soo faaloodo oo ha soo sheego dhalillaha ku jiray.

Haddii aan wax yar iftiimiyo, waxaan ahay nin aan ka qeyb gelijirin fadhi ku dirirka iyo qoraalada lagu qoro mareegaha. Waxaase maalmahani jawaabaha igu kalifay markii aan arkay taariikhda beenta cad ah ee la abuuraayo lana mid ah tii SNMta oo kale ee la rabo in caruuraha loo dhigo. Nabigeenii suubanaa (SCWS) ayaa yidhi ummadeydo way lku dhici kartaa  dambi  mase jirto wax been ku kalifikaraa. Sidaa awgeed, qof kasta waxa saaran in beenta la iska ilaaliyo oo aan la sheegin kii sheegana lagu cadeeyo in uu BEENAALE oo sumad la mariyo.

Beenta hada socota ee ku saabsan ugaasku waxay daba socotaa tii beenta qaawan aheyd ee adeerkii Sheekh Cabdiraxmaan Qaadi qoray ee aheyd mala awaalka iyo is dhiska. Beentii u qoray iska dhaaf Maxadcase iyo habar Cafaane waxay fool xumadeedii ka yaabisay dad damiir leh oo ka tirsan Makaahiil oo hormood uu u  ahaa Allaha u naxariistee Aw Nuur Muxumed. Xaajiga waxay ku kaliftay in u huro maalkiisa oo u iibsado wixii odeygani faanaayey buugaag qoray oo u dhamaan gubay duhur cad magaalada Borama dhexdeeda.

War Makaahiil haddii cid u boqranaayo miyuu dadka sharaftaasi oo kale leh boqorado. Ogow odeygu wuxu tafiir la wadaaga Ina Cali Bucul oo ah kii saldanadii Makaahiil dhaxlaye. Sidii SNMta aad maanta ka cabaneysaan oo kale ayaad odeygii Sheekh Cabdiraxmaan Qaadi ee qalin ku dhiiglaha ahaa aad tidhaahdeen waa Mujaahid oo aad Iskuul ka mid ah hantida qaranka ugu magac darteen.

Haddiise aad tolkayow dulmi rabtaan lama waayaayo wax idin dulma ee taasi cindiga ku haya oo waxa la arki idinka oo taariikhdii Koodbuur kor ka haya oo moodaya inaad cilmi barateen.

Haddii aan wax yar ka idhaahdo maqaaladii uu Mousa ku aflagaadeeyey Habar Cafaan iyo Suldaan Dhawal, waa ta hore magaca cafaan waa magac af carabi ka soo jeeda oo la yaqaano jiritaankiisa ee dib ugu noqo taariikhda. Soomaalidu waxay tidhaahdaa magac cidna miskiin kama aha oo waa xaqiiqo cidna magaca xun ineysan qaadaneynin.

Ta labaad ee ku saabsan timo jarista waxaad sheegtay waa mala awaale aan war ku siiye maanta tima jarayaasha magaalada Boorama timaha ka jara Habar Cafaan intooda badani waxay la dhiig baxaan Makeyl Dheere Makaahiile ee ku darso macluumaadkaaga.

Ugu dambeyntii, labada Suldaan hadalka wey mal daheene annigaa gosha kuu galiniye ma rabno Ugaaskani oromada ah ee xabashida abaanka ka raadsanaaya. Doodu waa sida shaxda oo kale eh sidii tii hore cidla ha dagine hadalka dhuuxoo garo oo faham meesha dheer ee aan ooda dhigay af janjeedha laheyde.  

La soco qoraaladayda soo socda oo yeelandoona xiisa badan, maadaama aan ku soo qaadidoono guddiga Qabanqaabada ee bugta ah iyo kaalinta uu ku jiro Suldaan Saleebaan. Waxase tolkayow inaga reeban cay iyo aflagaado, laakiin xifaaleyn iyo kaftan hufane waa inoo banaan yahay.

Salaan Badan,

Yuusuf Warsame

Email: y_warsame@aol.com

Login