August 30, 2011
Suldaan Dhawal Iyo Taageerayaashiisa ha Loogu Dhaarto in Ugaaska Timo Jare u Gaar ah Loo Samayn Doono.
Waxay ku yidhaahdeen “mar hadii ninka Habar Carfaan meteli jiray uu ahaa ninkii timaha iyo cidiyaha ugaaska ka jarayay, ninkaasi suldaan Dhawalow imikana adiguu noqonayaa.”
Samaroon waa sadex dhadhaar macnaheedu maaha in Samaroon yahay sadex meelood oo isle’eg, laakiin macnuhu waa sadex beelood oo Samaroonka ku kulma, inkasta oo Maxaad Case iyo Makaahiil ay Ku kulmaan Makadoor inta aan Samaroonka la gaadhin, halka lafaha isbaahaystay ee Habar Carfaan la baxay aanay jirin cid si cad loo sheegi karta meesha ay kuwada kulmaan, laakiin magaca Cafaan oo markiisa hore ku yimid xaqiraad sida taariikhdu xusayso asalka magacuna ahaa “Car faan” uun ay ku bahoobeen waa dhawayd, si ay isaga caabiyaan quwada labada beelood ee Makadooriyada.
Tan iyo sidii loo gudo galay hawsha soo dhawaynta ugaaska Samaroon iyo soo noolaynta xeerkii Gadabuursi, waxa sida fiinta uga qaylyay suldaan Dhawal iyo taageerayaashiisa. Duriyada SHEEKH SAMAROON yar iyo waynba waxay isku raacsantahay in Gadabuursi/Samaroon u baahanyahay gole ama gande xeerka iyo arimaha dhaqanka ee beesha u taagan.
Waxa isagu arintan ka biyo diiday suldaanka isbaahaysiga Habar Carfaan suldaan Dhawal, oo ku cusub arimaha dhaqanka iyo koox yar oo xagjira oo ka tirsan Habar Carfaan, kuwaas oo suldaanka lacag uga dira qurbaha, shilinka ay u dirayaan darteedna rimuud kaantarool odayga ku haga. Waa niman waaweyn oo xaqiiqda iyo lama dhaafaanka og, laakiin ismoodsiinaya.
Sida aan ka helayno ilo xoog ogaal ah, kooxdan xagjirka ahi waa rag waaweyn oo Markaynka, Kanada iyo Ingiriiska ku nool iyo labo xubnood oo midi Hargeysa xil ka hayo, midna yahay oday wayn oo Borama degan, nimankani Axad kasta suldaanka waxay la galaan shir telefoon.
Diidmada suldaanku uu ugaaska diidanyahay waxa u sabab ah markii la baadhay waxa la ogaaday in kooxdani suldaanka ka dhaadhicisay in sadexdii nin ee sadexda dhadhaar kala metelayay ee midi timaha iyo cidiyaha ugaaska ka jarayay, midina u labisi jiray, midka kalena boqri jiray (cimaamada saari jiray) ay ahaan jireen sadexdii nin ee ugu sareeyay sadexdii dhadhaar ee Samaroonku ahaa!!
Markaa waxay ku yidhaahdeen “mar hadii ninka habarcafaan meteli jiray uu ahaa ninkii timaha iyo cidiyaha ugaaska ka jarayay ninkaasi suldaan Dhawalow imikana adiguu noqonayaa.”
Suldaanka iyo ragani arinta waxay ka shuureeyeen markii guryo noqoshada ugaasku qurbaha ka bilaabatay. Suldaanku wuxu ragii odayaasha ahaa u cadeeyay inuu arintaa iyada ah dhimasho ka xigo, ilaa xeerka wax laga bedelayana, uuna arimaha ugaaska taageero u muujinayn.
Arinka sidii lagagama hadhin ee waxa lagu soo daray ajandihii shirkii Xeego ee fashilmay, waana ta Dhawal ku kaliftay inuu ka xishoon waayo ninkii sababta u ahaa suldaanimadiisa ee Daahir Rayaale u geeyay, ninkaas oo ka mid ahaa qaban qaabiyaashii soo dhawaynta ugaaska ee odayada dhaqanka soo casuumay.
Halkaa aan idiin waadixiyo, Dhawal horta waxbarasho male, dugsi hoose xataa ma dhigan, waayo aragnimo male, dad aqoon iyo dal aqoon midna maaha, oo sidii uu Boorama u yimid isagoo wayn wali dhinac ugama bixin. Markii uu sideetamaadkii kirish boyga noqday wuxu bartay xirfada dirawalnimada.
Wakhtiyadii sagaashameeyadii ee ururada diintu soo shaacbaxeen wuxu la baxay gadh wayn, oo markaad aragto aad moodaysay wadaad. Markii jaamacada camuud la bilaabay wuxu ka mid noqday dirawaliintii baburta jaamacada camuud lagu shaqaaleeyay.
Markii uu dhintay suldaankii Habar Carfaan suldaan Abiib, xukuumadii Rayaale waxay u baahatay meel ay lafaha Habar Cafaan kala xidhiidho ninkii Dhawal u geeyay Daahir Rayaale wuxu ahaa Prof. Saleebaan oo uu Dhawal u shaqayn jiray.
Markii lafaha Habar Carfaan qaarkood dagaal af iyo adinba ah kala horyimaadeenna ninkii suldaanimadiisa socodsiiyay wuxu ahaa badhasaabkii hore ee gobolka Awdal Maxuud cirro. Labadan masuulba waxay ka mid ahaayeen gudigii qaban qaabada soo dhawaynta ugaaska ee 6-dii Aug 2011 oday dhaqmeedka martiqaadka ugu sameeyay Rays hutel.
Markii uu Maxamuud Cirro Habar Carfaan qallaxayay ee uu ogolaysiinayey suldaanimada dhawal, muxuu ka yidhi Rays hutel?
Maalintii ugu horeysay ee suldaan Dhawal talo Samaroon midayntiisa ah loo soo marti qaaday ee waliba Profisorka iyo badhasaabkii hore soo marti qaadeen muxuu Dhawal ka yidhi Rays huteel? ” ilayn jaahilku ma xishoodo”.
Goobtu waa isla goobtii (Rays Huteel), raguna waa isla ragii suldaanimadiisa dhalay, laakiin duruuftu way ka duwantahay tii wakhtigaa taagnayd, Dhawalna Habar Carfaan waa la ogolaysiiyay, oo suldaanimadiisii way shaqaysay.
Hadalkii Badhasaabkii hore.
Maxamuud Cirro maalintii uu Habar Carfaan qallaxayay waxgaradkii Habar Carfaan oo hor fadhiya wuxu ku yidhi “awalba suldaanka habarcafaan anagaa (J/yonis) dooran jirnay, ee Dhawal daba gala”.
Hadalkii Dhawal.
Maalintii Dhawal midnimo Samaron loo soo marti qaadayna, isla goobtii lagu socodsiiyay iyo ragii suldaanimadiisa dhalay hortooda wuxu ka yidhi “anagu hadaan Habar Carfaan nahay, Samaroonka gees baan uga joogaynaa ilaa xeerka ugaaska wax laga bedelayo, laakiin ugaaska ma diidanin, oo waa ugaaskii Gadabuursi”
Suldaan Dhawal iyo taageerayashiisa haloogu dhaarto inuuna suldaanku ugaaska cidiyo iyo imo midna u jarayn, oo timo jare u gaar ah loo samayn doono.
“Kalmada qallax ama qallaxaad waxa laga yaabaa inay akhristayaal badan ku adkaato fahankeedu, markaa aan u bayaamiyo da’yarta magaalooyinka ku dhalatay ee barashada dhaqankooda badawnimada u haysta iyo raga aan geela dhaqan jirin ee lo’layda iyo adhiilayda ahaa.
Qalaxaada waxa la yidhaa marka hasha ilmuhu ka dhinto ilmo kale ayaa khasab lagu ogolaysiiyaa si aanay reerka uga gudhin oo caanaha looga maalo. Hasha waxa laga banidaa marinka saxada, dhawr maalmood ayay kabidnaanaysaa ugu dambaynta waxay u guuxaysaa ilmihii kale ee ayna dhalin sidaasaa lagu maalayaa ilaa inta ay dar ilaahay u gudhayso”.
M. X. Cali
Email: xasan1960@hotmail.com
