August 30, 2011

“Dhidhinka Iyo Carmadu Geed Kalay Dhinaca Saaraane” Climi Warfaa Ugaas Robleh (Climi Dheere)

Marka hore salaam guud dhamaantiin. Maqaylkan waxaan ugu wanqalay gabaygii Climi Warfaa Ugaas Robleh (Climi Dheere). Sobabta gabayga uu tiray waxay ahayd bari ay tolka yaryari hunguri xumo qaaday oo yidhaahdeen “mar haday Climi Warfaa iyo Ugaas Nuur is hayaan maad ka qaadatiin Ugaasnimada.”

Markuu Climi maqlay arrintaa ayuu waxuu tiray gabaygii caanka ahaa ee la odhan jiray DHAGA TAAG.

Gabaygaa waxa uu Climi Dhere ku sheegaya in uu yahay nin Makaahiil ah oon wixiisa loo dhawaan Karin, isagoo oo dhaadanaya ayuu ku yidhi gabayga wxaan ahay nin ka soo jeeda tafiiirtii CIRWAYN.

Cirwayn waxay ahayd Islaanmihii uu qabay MUSE DARI mid ka mid ah, waana tii dhashay YOONIS iyo MAKAYL DHEERE. 

Waxaa kale oo uu  Cimi Dheere ku sheegay gabayga in reerha yaryari yahiin jaabajaabe oo ay la mid yihiin geedaha aan isyaagi Karin kaligood geed kale oo ay dhinaca saaraan mooyaane.  Waa runtiiyoo waligood waxay Reeraha yaryari ku dul noolaayeen PARASITE-na ku ahaayeen Makaahiil Weyne.

Marna waxaa uu Cimi Dheere reeraha yaryar kala meel dhagay in ay la mid yihiin awr dhufaanan oo waligood tarmaynin ILAAHAYNA ka dhigay Laangaab.

Mar uu Cimi Dheere gabayga kaga hadlay Ugaasnimada waxa uu sheegayaa in aanan loo dhawaan Karin, oo ay tahay Ugaasnimadu mid la iskaga samro oo ayna reer Ugaas Rooble meelna u dhaafaynin.

Bal gabaygii inta aan ka hayo aan soo daayoHaddii cid haysaa jirto gabayga
intiisii kale fadlan soo dhiga mareegaha.):

DHUDA GABAY FARIIDOW MARKAAN DHAN U KAXAYNAAYO

SIDA SHEEKH CILMIGA DHEEHDAY BAAN UGU DHAQAAAQAAYE

WAXAAN AHAY NIN LAGA DHAWRSADOO LOO DHAWAAN KARINE

DHABARTIDA SHABEEL BAAN AHAY IYO DHOGOR YAROOW AARE

DHUNKAAL IYO WAABAY BAAN AHAY IYO MAS SUMUCYO DHAADHEERE

DHAWAAN LA IMA KEENIN HADAAN DHALASHADAY SHEEGTO

DHUUXII CIRWAYN BAAN AHAY IYO DHAMACDA REER ROOBLE

DHIDHINKA IYO CARMADU GEED KALAY DHINACA SAARAANE

AWRKII DHUFAANI MA KARO IN UU DHAL DAADSHAAYE

WIXII DHAAXA LA ISKA SAMARAA RAG DHIIL U CULAYAANE

HADDII BOQORKA MEESHII LA DHIGAY CIDI U DHAAFAYNIN

OO DHUDHADA  REER ROBLEH LAGA DHAQAAJINAYNIN

OON NALA DHACAY  SOW HADAL DHEELALOOW MAAHA

Ali K. liban  -  London, UK

Login