August 29, 2011
Toban Arrimood oo Aanu Saylici Ku Sii Joogayn Xafiiska Madaxweyne Ku Xigeenka.
Doorashadii musharrxa madaxweyne xigeenka Xisbiga Kulmiye, ee lagu doortay Saylici waxa ay ahayd qaladkii ugu weynaa ee ay golaha dhexe ee xisbigaasi samayeeyey. Markii ay dooranayeenna uma ay eegin wax category aqooneed, maamul, waaya aragnimo Iwm.
Waxana ay ku qanceen uun, in uu ka yimid gobolka Awdal, isla markaana aanu la beel ahayn madaxweynihii xilligaa joogay ee Rayaale, sidaasi daraaddeedna, ay dhici karto in uu cod ka keeno gobolkiisa.
Khaladka intaa le’eg ee ay doorashadii Saylici keentayna, waxa gadaal laga arkay in ninka dalka Madaxweye Ku xigeenka looga dhigay aanu mansabkaa u qalmin, ee uu si khalad ah ku yimid. Laakiin xilligan oo ay dawladda Somaliland marayso marxalad loo baahan yahay kaadar culus, ma habboon tahay in Saylici uu banneeyo kurisga, si qofka munaasabka ku ihi uu u yimaaddo?
Jawaabtu waa haa, waxana muuqata toban arrimood oo aanu Abdiraxman Saylici kursiga M/ku xigeenka ugu sii fadhiyi karin, kuwaasi oo ah:
1. Saylici maaha nin aqoon sare leh, amma aqoontii kursigan looga baahnaa leh. Mana iibin karo qaddiyaddan Somaliland.
2. Saylici waa nin u dhashay jilayc iyo karti darro. Oo aan lahayn haybad hoggaaiye amma karti hoggaamiye midnaba.
3. Saylici waa nin la qaldi karo, oo aan taageero la’aan go’aan gaadhi karin, taasi oo ay sabab u tahay isaga oo aan kalsooni iyo intelligence midna lahayn.
4. Saylici waxa isaga qaldan qabyaaladda iyo siyaasadda, mana kala yaqaan sida loola kala macaamilo, oday dhaqameedyada, Shaqaalaha, Aqoon yahanka iyo siyaasiyiinta.
5. Saylici ma kasban karo ninka ka soo horjeeda, waxase uu samayn karaa mucaarid badan oo ka soo horjeeda. Degaanka uu ka soo jeedo oo awdal ahna awood kuma laha.
6. Saylici laguma hallayn karo hoggaanka dalka, waana shakhsi ballanta aad ugu xun, waxana ay dhagihiisu maqlaan kolba qofka ku dambeeya.
7. Saylici waa nin musuqmaasuqa ku ceesha, waxanu had iyojeer raadiyaa dariiqii uu lacag ku heli lahaa.
8. Saylici ma yaqaanno sharciga dalka u degsan iyo dawladnimada, waxana lagu ogaan karaa isaga oo guddi xaqiiqo raadin ah la hor keeno. Sidaasi daraaddeed, ayaan looga arag shaqo muuqata oo uu dalka u qabtay.
9. Saylici waxa uu ka dhashay beesha ugu tirada yar ee Gadabuursi, waxana uu ugu neceb yahay beelaha ugu tirada badan gobollada uu ka soo jeedo.
10. Saylici waa siyaasi go’doonsan, oo ku nool meel Jasiirad ah. Xafiiska Madaxweyne ku xigeenkuna in uu Jasiirad noqdo waxa ay sharaf dhac ku tahay Somaliland.
Tobankaa qodobba waxa ay kuu muujinayaan in aanu Abdirahman Saylici ku habboonayn inuu ku sii fadhiyo kurisiga, haddii uu sii fadhiyana ay dib u dhac u keenayso Somaliland.
Faras Abiib
Email: faras2011@hotmail.co.uk
