August 29, 2011

Jawaabtaadu Waxay Noqonaysaa J/Yoonis Waa Ubucdii ama Calooshii Samaroon

Waxan akhriyay qoraal uu ku saxeexanyahay magac been ah oo loo soo gaabiyay Y. Warsame laakiin ah oday wayn oo la wada garanayo oo degan Otawa. Odeygaasi wuxu soo qoray xanyoo (caytan aan macno samaynayn oo afkay banaan ah).

Ninkan odayga ah waxa ka muuqata cuqdad raagtay iyo ciil ku gaboobay oo cirro kasoo saaray. Ma jecli inaan la tirsado laakiin waxan odhan lahaa ma xuma in J/Yonis noqdo calool oo calooshu waa meesha suuragalisa nolosha san ku neeflaha oo dhan laakiin ogolow in Jyonis saxaradiisu tahay Habarcafaan.

Calooshu cay ma gaydo, caloosha bani aadamka ama san ku neeflahaba ilaahay wuxu ku ilaaliyay walxaha ugu muhiimsan ee nolosha suuro galiya la’aantoodna aanu qofku tamarin karin. Waxa ku yaal wadnihii ama qalbigii, Beerkii, Kalyihii, Sambabadii, Ganacii iyo qeybaha taranka.

Ubucda ama Calooshu Waa meesha lagu kala hufo ee lagu kala haadiyo wax walba kadibna wixii wasakh ah ee aan jidhka faa’iido u lahayn banaanka soo dhigta.

Qashinkaasi marka uu jidhka soo dhaafo wuu uraa. Awal habarcafaan qayb jidhkayaga ka miday ahayd, ubucdayaday ku jirtay halkaasaan ku haynay oon ku quudinaynay laakiin markii ay qashin noqotay banaankaan soo dhignay wakaa durba qadhmuunkeedii sanka laga haysto.

J/Yonisna waa siduu usoo tufay oo dib u haysasho dambe male, samaroonbay u taalaa siduu u xamilo urtaa iyo siduu meel ugu xabaalo.

Mouse Hassan

Email: xasan1960@hotmail.com

Login