August 29, 2011
Ciid Mubaarak AK Iyo Hambalyo
Munaasabadda barakaysan ee ciidulfidriga awgeed waxan halkan ka salaamayaa guud ahaan muslimiinta damaashaadaya, waxanan leeyahay “kullu caam wa antum bikhair”. Waxan si gaar u salaamayaa, una hambalyeynayaa munaasabadda ciidda awgeed Ugaaska Gadabuursiga iyo majliskiisa hadda ku suggan Ismaamulka Soomalida(Kilika Shanaad) ee Dalka Ethiopia - Ugaas Cabdulrashiid Ugaas Rooble Ugaas Dooddi. Waxan Ugaaska Ilaahay uga baryayaa caafimaadqab iyo rayrayn inuu kula ciido bulsho weynta Soomaaliyeed, Somaliland; gaar ahaan bulshada deegaanka uu Ugaaska u yahay.
Waxa kale oo salaan iyo hambalyo taas la mid ah halkan uga gudbinayaa shacbiga, dawladda Ismaamulka Soomaalida Ethiopia iyo guud ahaan dawladda Ethiopia ee sida taariikhiga ah u soo dhaweysay Ugaas Cabdirashiid Ugaas Rooble Ugaas Dooddi.
Waxan kale oon halkan salaan, hambalyo iyo bogaadinba uga gudbinayaa salaadiinta, Cuqaasha iyo dhammaan bulshada Soomliland ee u diyaar garawday soo dhaweynt Ugaas Cabdirashiid Ugaas Rooble Ugaas Dooddi.
Ugu dambeyn waxa aan la ilaawi karin Guddiga Qabanqaabada ee Bulshada reer Awdal u saareen soo dhaweynta iyo habmaamuuska Ugaas Cabdirashiid Ugaas Rooble Ugaas Dooddi; sidaa awgeed waxan iyagana u dirayaa salaan iyo hambalyo aanan soo koobi karin; waxanan aad ugu bogaadinayaa sida habsamida leh ee ay u daadihinayaan hawsha baaxadda leh ee loo igmay.
C I I D W A N A A G S A N ! H A M B A L Y O ! W A B I T A W F I I Q I N S H A A L L A H !!!!!!!!!!!!.
Mohamed Abdullahi Haji Obsiyeh
Riyadh - Saudi Arabia.
