August 28, 2011
Taageerayaasha Daahir Rayaale, Waa Calool, Caloolna Waxa Ka Soo Baxa Waa La Yaqaanaa, oo Laguma Intifaacsado
Tani iyo intii Madaxnimadii Mudane Daahir Rayaale galbatayba waxa sii kordhaayey khilaafka u dhaxeeya bulshada Gadabuursiga. Khilaafkaasi waxa huriyey oo walina holcinaaya taageerayaashii Odey Daahir. Tafaftiraha mareegtada Quljeednet.com oo arrintaasi kaga faalooday maqaaladna wuxu ku tilmaamay in xeedhadii laga horqaaday Daahir ay taageerayaashiisu ay ilaa maanta ka samrilaayihiin oo ay ka qaadeen iimaan la’aan, waa sida u hadalka u dhigaye. Xeedhada laga qaadayna waa Madaxnimadii, boobkii xoolaha dadweynaha, sadbursigii mansabyada, gaar ahaan kuwa Gobolka iyo biliiliqeysiga magacyadii goobaha muhimka ah, sida Iskuulada oo loogu magacdaray odayo beesha ka soo jeeda oo iyaka oo sariirahooda jiifay mowdku u yimid.
Sagaal iyo tobankii sano ee uu jiray Maamulkii hore ee Udub iyo kii Cabdiraxmaan Tolwaa ka ahaa Madaxweyne ku Xigeenkaba, waxay taageerayaashooda oo ka soo jeeday dhadhaar keliya ay ku cadaadin jireen in Gadabuursi aamiso oo wax tallo ah aysan isweydiin. Waxay si cad ugu doodi jireen in saamiqeybsigu yahay mid ku saleysan xalaal iyo xeer. Waxay xataa gaadheen in Gadabuursiga isku daya in uu shiro kana tashada aayahoodaba ay tashwiish ku furaan oo ay yidhaahdaan Rayaale ayaa loo jeedaa oo Somaaliland ayaa la shirqoolayaa. Tusaale ahaan, shirkii ay Golaha Hogaanka Tol ay ku qabsadeen Minnosota ee cariga Mareykanka waa la ogaa fadqalalihii ay ka sameeyeen, hase yeeshee ay awoodi waayeen in shirkaasi joojiyaan.
Dadkii bulshoweynta Gadabuursi cabudhinta ku hayey ayaa maalintii Rayaale xukunkii lagala wareegay afka qaylo kala waaxay oo yidhi Isaaq ayaa in qabsaday ee Gadabuursow meesha ka kacaay! Waxay ku hadaaqeen saami qeysiga ay dawladani sameysay maahaa mid cidaalad ku dhisan iyo Isaaq ayaa naga badsaday inkasta oo sida wax loo qaybiyey la raacay tii walaalkood Rayaale sameeyey.
Tani iyo intii Soomaalilaand dhisneydba wuu jiray sadbursiga siyaasadeed iyo dhaqaale ee beesha dhexe haysatay, hase yeeshee taageerayaashii Rayaale waxay arkeen uun markii xeedhada laga hoos qaaday. Maamulkii Rayaale ayaa ahaa kii duudsiiyey Gadabuursiga xuquuqdiisii, sharciyeeyeyna dulmiga maadaama uu ogolaaday arrimahani:
1. In baarlamaanka lagu qaybtamo xeerkii lixdankii ee aan lagu qaytamin hab gobol amase tiro dad. Taasi oo dhaxalsiisay in gadabuursi ka helo baarlamaanka 13 kursi oo kaliye oo ka yar boqolkiiba kow iyo toban.
2. In dhulkii Gadabuursdiga u kala qaybiyo labo gobol oo kii ay u badnaayeen tolkii Maxadcase u hibeeyo Ciise isaga oo ku ciseynaaya dawladnimadooda Jabuuti ee u madaxda ka yahay Ismaaciil Cumar Geele. Ismaaciil Cumar Geele wuxu ahaa kii Daahir Rayaale oo ahaa Xoghayaha kowaad ee Safaaradii Soomaalida ee Jabuuti xasanaadkii ka qaaday kana soo masaafuriyey Jabuuti.
3. Dhacdadii 7/11 ee lagu dilay hadhka cad afarta haldoor ee Samaroon ee u Daahir yidhi mag qaata amase ka samra oo afkiina iska heysta oo juuq ha odhanina oo xataa tacsi iyo tiiraanyo ayaan la idinka arkin si anan foodka beelaha dhexe u waayin.
4. Todobadii sano ee u xukunka haystay oo iska daa dariiqe uusan sandaqad ka dhisin xataa tuuladii Qulijeed ee u ku soo barbaaray.
Jilibadii badnaa ee ku dulmanaa Dawladii Rayaale iyo saldanadii uu xilka ka hayey Cabdiraxmaan Tolwaa laguma arki jirin wax fadqalalo ah amase xaasidnimo ah. Way samri jireen oo walaalahood sacabka ayeyba u garaacijireen. Tusaale ahaan Reer Faarax Nuur oo ay weliba ka soo jeeday Huda Barkhad, hormood dhinaca siyaasadana u ahaa Reer Nuur dhamaantiis waqtigii ay jirtay Soomaaliya oo ay ka mid ahaayeen Xaaji Ibraahim Nuur, Bashiir Faarax Kaahiye iyo Maxamed Cabdilaahi Cawaale, waxay muujinjireen sabir iyo haneyn. Reer Faarax Nuur iyaka oo ilaa maanta aan wax sad ah ku qabin dawladanini iyo kuwii horeyba ayey hadana ka shaqeeyaan danta guud ee Samaroon.
Habar Cafaan intii wax ka weyday dawladii hore ee Soomaalilaand iyaka oo aamusan ayey u talaabeen Soomaaliweyn. Maxadcase intii dulmiga tirsatayna waxay galeen abaabul iyo ka shaqeyn midnamadooda sidii ay iyaka oo madax banaan ay xilka uga sareeya ka helilaayeen Soomaalilaand. Taasi oo ay u suuragashay in Maamulka cusub ee Madaxweyne Axmed Maxamuud Siilaayo ka helaan Madaxweyne ku Xigeen.
Gadabuursigu marka uu guduhiisa is xifaaleynaayo wuxu yidhaahdaa taageerayaasha Rayaale waa calool. Taas oo la garanaayo calool waxa ka soo baxaayi ineysan aheyn wax lagu intifaacsado ee ay tahay saxaro. Si kale hadaan u dhigo waxay calool macnaheedu tahay arrimaha aad ugama baaraan dagaan oo waxa badan tallo xumadooda oo had iyo jeer ku saleysan qardajeex iyo raadin quud aysan qoryo u guran. Dhowrka arrimood ee baryahani dhaweyd dhacay amase ka soconaayaba maanta ee hoos ku xusanina waxay marag ka yihiin caloolnimada taageerayashii Rayaale.
Arrimuhuna waxay kala yihiin:
1. Dhawaan waxa dhacday in odayaal ka soo Jeeda beesha Rayaale oo deggan Kilinka Shanaad ay u hayaameen dhinaca Adis Ababa iyaka oo ka cabanaaya saamiqeybsigii gobolada ee Killinka Shanaad. Waxayna raadinayeen in Dambal looga dhigo gobol. Odayadu orod ayey ku baxeen oo xataa wax sahay ah ma aysan qaadan. Waxay dhambaalo ku faafiyeen qaaradaha aduunka, meelkasta oo Samaroon joogo oo ay kaga codsanayeen taageero dhaqaale. Qurbo jooga reer Awdalna isaga oo aan u kala hadhin ayuu odayaashaasi gargargaar dhaqaale u fidiyey. Markii ay muddo joogeen ee xadhka soo xidheena way soo noqodeen. Kadib waxa dhacay qayb Samaroonka ka mid ah oo marka horeba tirsanaayey godob iyo dulmi oo aan talada lagu tagay Adis Ababna aan lala socodsiinin ayaa iyakuna xanaaqay oo is abaabulay tagayna Adis Ababa oo soo tirtiray, cagtani soo mariyey wixii kuwii hore soo dhiseen.
2. Waxa dhacday in horaantii sanadkani magaalada Edmonton ee Kanada lagaga dhawaaqay AWDALSTATE. Dadkaas ku dhawaaqay waxay ahaayeen dad kale duwan oo ah Samaroon isku dhafan. Taageerayaashii Rayaale waxay u arkeen in meeshaasi faa’iido ku jirikaro oo iyaka oo aan weli dhuuxinba ujeedada ka dambeysa arrintani ayey dhamaan madax madax isku tuureen oo qaarad kasta oo ay joogaanba xil iska qaateen oo iskaga shaqagyeen si ay dadka u jahawareeriyaan iskuna dayaan in ay majara habaabiyeen ujeedadii loo unkay AWDALSTATE oo aheyd dan guud.
3. Isla kuwii madax madaxa iskugu tuuray AWDALSTATE ayaa hadana arkay in fursad kale oo wax lagu jahawareeriyaayi banaan tahay. Fursadaasi oo ah in la soo nooleeye Ugaaskii Gadabuursiga. Waxay Ottawa ka sameeyeen Guddi Qabanqaabo oo arrintani hirgeliya, kuwaasi oo Cabdirashiid casuumadado ugu sameeyey Kanada iyo Ingriiskaba. Cabdirashiid oo ah nin tol jecel miskiina ah ayey kexeeyeen oo ay geeyeen Safaarada Xabashida kuna yidhaahdeen af xabashi kula hadal oo ka tacsiyee Oromadii ka soo dagtay Lughaya una ballanqaad inaad nabadgelyada kala shaqeyneyso xabashida adiga oo Ugaas ah. Cabdirashiidna sidii ayuu yeelay oo fiiso dal ku gal ah loogu siiyey Itoobiya. Cabdirashiidna waxa soo raacay dad fara badan oo la yaqaano in ay si cad ugu ololeeyaan Awdalstate. Hawlahani waxay galeen iyaka oo aynan la tashanin Gadabuuriga oo dhan . Taasina waxay dhalisay iska horimaad iyo isku dhac beelaha Gadabuursi oo aad ugu kala afkaar duwanaa arrinta Ugaaska Samaroon.
Qorsha xumada iyo qardajeexa taageerayaashani kuma koobna sadeexdani qodob ee kuwani waa tasaale kaliya. Murtida qodobadanina waxa weeye arrin calooleysan oo ay maskaxi ka maqan tahay.
Gabagabadii, waxaan dhamaan walalaahay Gadabuursi , dhadhaar kasta ha ka soo jeedaane u sheegayaa in calool iyo maskaxi isku baahan tahay ee ay haboon tahay in la middeeye labadaba, laguna kaalmeeyo muruq iyo maalba si loo adkeeyo midnaimada Samaroon laguna dhiso cudud Gadabuursi oo lagu intifaacsado, dadkeenana dayaca lagaga badbaadiyo. Tollow ha la ogaado taladii aan ruugin waa lagu rafaadaaye.
Salaan Badan,
Yuusuf Warsame
Email: y_warsame@aol.com
