August 28, 2011

“Suldaanka Bahabar Muuse, Waa Suldaan Abshir Mohamed Ducaale, Ibrahin Jamac Samatar Waa Nin U Kiraysan Beesha Dhexe, Mana Matalikaro Magaca Samaroon Siciid” Caaqil Muuse Carab Diiriye

Caaqil muuse Carab Diiriye iyo gudikale oo ahaa gudiga qabanqabada soo dhawaynta ugaaska samaroon ayaa waxaa manta laga siidayay xabsiga dhexe ee mamulka hargaysa ciqaashan la xidh xidhay, ayaan la garanayn ujeedada laga lahaa xadhigooda.

Caaqil Muuse Carab Diiriye, ayaa waxaa uu warbahinta Awwdal State u sheegay inuu amarka laguxidhay bixiyay ibrahin jamac samatar oo ahaa suldaankii guud ee beelaha maxad case walaalkii waa sida uu hadalka u dhigaye caaqil Muuse Carab Diiriye, ayaa isaga oo hadalkiisa sii wata yidhi “anigu waxaan ahay nin Samaroona oo Bahabar Muuse ah suldaankayguna waa suldaan Abshir Mohamed Ducaale, Ibrahin Jamac Samatar aniga suldaan iima aha walaalkii suldaan mohamed jamac samatar waxuu ahaa halyaay samaroon waxaanu ahaa suldaan Samaroon oo danta Samaroon u taagan, Ibarim se waa awr kiraale jeeb maal ah, oo aan la hayn damiir midnimo oo uu ku matali karo.

Ibraahim jamac meel lagu doortay iyo meel lagu caleemasaaray toona majirto waxuuse sheegtaa inuu dhaxal kuyimiday ibraahim isagoo dhaxal kuyimiday inuu hadana danta guud ee Samaroon kasoo horjeesto waa wax aad loolayaabo

Sikastaba ha ahaatee ibraahim jamac samatar ayaa waxaa uu so baxay xiligii uu geeriyooday eebe wayne naxariis jano hasiiyee suldaan mohamed jamac samatar  oo ahaa suldaanka guud ee beelaha maxad case ibaarim jamac samatar mahin nin aay dhibto tacadiyada loogaysto beelaha uu sheegto inuu suldaanka uyahay waxaa la ogaa tariikhdii madoobayd ee karaacday biicgaytii degaanka tariikhiga ah ee saylac isaga oo hadana ku hawlan iibgaynta dakada beelaha samaroon ee lughaya ibraahin hada waxaa u irmaan naaska ishortaaga horumarka beelaha awdal state isaga oo baryahan danbaba ku caano maalay waxaan ladagalamayaa mamul goboleedka hana qaaday ee awdal state ibraahim ayaa aha nin ku talaxtagay kicinta dabaylo cafimaad daro oo ka dhex oogsada beelaha wada dhashay ee isu danta ah isaga oo hada target kiisu yahay awdal state lakiinse sirta ulaabani tahay inuu ladagalamo midnimada aay uheelanyihiin bulshawaynta deganada awdal state oo manta u istaagay inay unkaan gobanimo sabool ah oo waxeega isku sargoysa.

Gabagabadii iyo gunaanadkii caaqil muuse carab diiriye ayaa warbahinta awdalstate.com wariyaheeda hargaysa wariye abdinuur usoo gudbiyay suaalo uu waydiinayo ibraahin jamac samatar suaalaha uu soo bandhigay caaqil muuse carab diiriye ayaa  udhignaa sidan:

1,suldaan abshir mohamed ducaale iyo ibrahin jamac samatar midkee awood badan
2,ibrahin jamac samatar yaadoortay xageese lagudoortay?
3. Ibarahim jamac samatar ma dhaxalbuu kuyimid mise maxadcase ayaa doortay ?
4,ibrahim jamac samatar wali makahadlay qadashadii degaanka xeebta ah ee tariikhiga ah ee saylac?

5.  Ibraahim jamac samatar ma maxadcase ayuu difaacaa miye weerar ayuu kuyahay?
6,ibrahim jamac samatar suldanimada uu sheegtaa mamid uu umada ugushaqeeyaa mise waa mid uu isagu ku shaqaysto?

7,ibrahim jamac samatar wali waxuu usooriday beelaha uu sheegto inuu suldaan uyahay majirtaa?

By Nasir Nuux Bade

Source: awdalstate.com borama

Login