August 28, 2011

Oday dhaqameedyada H/Cafaan oo Lagu Yaqaannay Xidid Iyo Tol Wanaagsan, Ayaa Maanta Ina Samatar Jar Uga Booday.

Siyaasadda qarsoon ee ay hoggaaminayaan Ilma Samatar, ee ugu dambayntana jarka ka ridi doonta Somaliland, ayaa ah midda dabinka loogu dhigay Suldaan Dhawal oo caamma ah. Waxana hada ay H/Cafaan tabaysaa Suldaankii ruug caddaaga ahaa ee Suldaan Sh. Muuse Goodaad, oo Beelaha Gadabuursi oo dhammi ay ku yaqaanneen odaynimo, aftahannimo iyo walaalaynta ummadda Somaliland.

Mu’amaraadka aan meel gaadhsiisnayn, ee muddaba laga shaqaynayey, ee loo igmaday yarka ma xishoodaha ah ee Cali Xaamud iyo doqonka uu la taliyaha u yahay ee uu ku adeegto, waa Sayliciye ayaa fuliyey xadhigga loo geystay duqayda adeerradood ah, ee aan waxba galabsan.

Dr. Abiib ayey moodeen in aanu garab iyo gaashaan lahayn, oo ay xabsi madaw kaga nixiyeen, xalay iyo caawana u hoyday. Waxase ka dambayn doonta su’aal dibnaha la cuno. Cali iyo ragga mu’aamaraadka ka shaqeeyeyna waxa ay mudan doonaan ta xun, oo aan loo aabbo yeelin. Ragga maanta Borama ku soo qul qulayaana ma noqonayaan, ee way joogayaan. Waxana ay sugayaan ammaanka dalka, wixii qaldamayna way saxayaan.

Ugaaska iyo soo dhaweyntiisu gor gortan malaha, cid uu dhib ku yahayna ma jirto. Waxase ka didaya kuwo aan rabin midnimada Gadabuursi iyo in beelaha walaalaha ah ee reer Somaliland wax lala qabsado.

Xadhigga odayada iyo buuqa la kicinayaana maaha wax kale, ee waa sidii loo carqaladayn lahaa soo dhaweynta Ugaaska. Tafaraaruqa ummada la kala dhex dhigayaana waa mid aan muddo maalmo ka badan soconayn.

Shakhsiyaadka aan soo sheegayna waxa ay xilligan ka war warayaan sidii ay u damba basi lahaayeen, khaladaadka ay galeen. Waanay ka qoommamaynayaan.
Maantana waxa ay miciinsanayaan in ay shabakadaha ku soo qoraan magacyo been abuur ah oo ay ku awro kacsanayaan Maxad Case.————alla been weynaa.

Saylici, waxa uu mudan doonaa in uu aakhirka hortago hay’adaha sharciga, oo ummadda la tuso, waxa uu yahay iyo garashada uu rabo in uu dalka ku maamulo, tolow su’aalaha siduu uga jawaabi. Kaddibna waxa lagu samayn doonaa xil ka qaadis. Meel u ku soo noqdona ma helayo.

Odayow taariikhda ha iska xumayn, oo haddii aad sharaftaada u tudhan weydo ilmahaaga u tudho.

Faras Abiib

Email: faras2011@hotmail.co.uk

Login