August 28, 2011
Aloow Sahal Amuuraha “Libaax Seexday Bay Niman Salaaxeene”.
Xakuumada Axmed Siilaanyo hadii ay si dhaqso ah usii dayn waydo Abiib C/laahi Muuse, oo ah Qurbajoog reer Awdal ah ahna Guddoomiyaha Guddida Qabanqaabada Soo Dhaweynta Ugaaska Beelaha Samarroon ee Somaliland iyo Xubno kale oo socdaal ku yimid magaalada Hargaysa, ayaa xabsiga loo taxaabay sababo aan la aqoonsan ilaa hada iyagoo joogay Hargeiysa.
Ciidamadda Sirdoonka Somaliland oo kaashanaya kuwa CID-da, ayaa xalay saqdii dhexe kala baxay Huteelka Safari Gudoomiha Gudiga Qaban-qaabada soo dhawaynta Ugaas Cabdirashiid Ugaas Roble Ugaas Doodi.
Hadii si dhaqso ah loo sii dayn waayo xakuumada Hatgeysa, ayaa dhabarka u ridan doonta wax alla waxii xumaana ee ay yeelato dhibta ka imaan doonta hadii si bilaa shuruud ah xoriyadiisa loogu soo celin waayo 24-ka saacadood ee soo socda gudahood gudoomiha iyo xubnaha la xidhanba.
Sirdoonka Somaliland ee faashilka ah hasoo qabqabteen Al-shabaabta kasoo carary Muqdisho, ayaa maanta ka buuxa Hargeiysa iyo Burco CID-da Somaliland yaanay noo dawladaynin anaga oo kaliya hadaan nahay reer Awdal.
Weeradii cirka ee diyaaradaha bilaa duuliyaha ah ee loo yaqaan (Drone) ay ku qaadeen saldhigyadii Al-shabaab ee koonfurta Somalia dhawaan lagu qaaday kooxda Al-shabaab waxaan ognahay inay qaar badan oo ahaa jihaadi yiintii ka dagaalamayay koonfurta Somalia ee dhashay Isaaqu ay maanta Hargeiysa iyo Burco ay ka buuxaan si ay gabaad uga dhigtaan Somaliland.
Hadaba, Sirdoonka Somaliland ma waxay shaadh Libaax u xidhaan shacabka iyo qurbajooga reer Awdal ayagoo ka baqaaya Al-shaab inay faro la galaan ayagoo arkayana Hargeiysa loogu dhex hanjabay, qaar ahaa Sirdoonka Somaliland iyo CID-da, kana baqeen in ay wax ka sheegaan xubnaha Al-shabaab ee ku sugan Hargeysa, ayaa maanta faro lasoo galay qurbajooga u gogol xaadhaya soo dhaweynta Ugaas Cabdirashiid Ugaaska Beesha Samaroon ee dhawaan iman doona gobolada galbeedka Somaliland.
Dhamaan inta xakuumada Hargeysa biilka ka qaadata hadii aanay soo dhaweynin Ugaaska Samaroon Ugaas Cabdirashiid Ugaas Roble Ugaas Doodi, oo aydaan ka qaybqaadan Qaban-qaabada iyo soo dhaweyntiisaba idinkuna masoo gali doontaan dhulka Samaroon oo Hargeysa ayaad ku oodnaanaysiin ciida dhulka Samaroona lug masoo dhigi doontaan hadii aydaan sida raga usoo dhaweynin Ugaas Cabdirashiid Ugaas Roble Ugaas Doodi.
Ogaada hadii aydun maanta ka doorataan Ugaaskiina shilimaad iyo sandareero kabaqaadnimo gacan bir ayaan idin ku qaban doonaa hadaan nahay dhalin yarta Samaroon ee u dhalataya gobolada galbeedka Somaliland, Cabdiraxmaan Ismaacii Zeiylici, Ismaaciil Muumin Aar, Faarax Cilmi iyo Cali Xaamud Jibriir hadii aanay ka hawgalin oo aanay si dhaqso ah usoo daynin xunbaha Gudiga Qaban-qaabada Ugaaska ee lagu xidhay Hargeysa ayaguna waxaan u aqoonsan doonaa dad aan matali karin gobolada galbeedka Somaliland iyo beesha Samarooba.
Waanan kala noqon doonaa kalsoonida iyo taageeradii aan hore u siin jiray hadaan nahay reer Awdal waanan ka mamnuuci doonaa inay Dila sii dhex maraan soona dhex maraan hadii aanay si dhaqso ah uga hawl galin soo dhaweynta Ugaaska Samaroon iyo inay xoriyadooda usoo celiyaan dhamaan Gudiga Qaban-qaabada soo dhaweynta Ugaaska Samaroon ee ku xidhan Awdal iyo Hargeiysaba waana digniin kama dambays ah Allow Sahal Libaax Seexday Bay niman salaaxeene.
Mahammed Abdirahman Sharif - Yemen Sana’a
Email: guallab@gmail.com
