July 31, 2011
Salaadiinta Reer Awdal Ma Dad Xilkasaa, Mise Waa Ku Maxaafsato
Salaadiinta, Culimada Diinta iyo Odayada Reer Awdal ayaa 3 Cisho kahor kula kulmay M/Weyne Siilaanyo Markii uu booqday Jaamacadda Cammuud iyagoo aad u amaanay sida Siilaanyo Dalka u maamulo ee Caddaaladda ay ku sheegeen Odayadaa Shillin Guratada ahi.
Iyadoo an ognahay in Siilaanyo uu hadadan Gacanta ku hayo qorshe Lagu dhisayo Wado uu ugu magic bixiyay GADABUURSI GAWRAC o isku xidha Hargeysa ilaa Djibouti Boramana an Mareyn ee la sii Mariyo Wadada Cad si Gadabuursiga loogala wareego Deegaankooda Xeebta Lughaya
Waxan usoo joognay 1980 kii in Odayada Reer Borama Marka Wufuuda Heer Qaran oo Xamar ka yimid soo booqdaan Gobolka Awdal ee La weydiiyo Maxaa la idiin qabtaa Reer Awdaloow ay ku jawaabi jireen:
M/Weyne Siyad naga gaadhsiiya inuu noo dalacsiiyo Badhsaabka Borama ee Waqtigaa Xukumayay Col. Subeer C/Karim Bodhle. Waa Yaab Tolow maxaa iyaga Dalacaadiisa ka galay Ma Dawladii uu Badhsaabku u shaqaynayaybaa May Danaha Deegaankooda iyo Dadkooga Reer Awdal ka hadlaan ileyn waa Odaydii Deegaankaase
Runtii Wufuudu wey la yaabi jireen Odayadaa Tayo Xumadooda welina kuwii noocaas u dhaqmayay Qaarbaa Madaxdhqameed ka ah Gobolkaas, iyadoo kaaga sii darane Salaadiinta Waqtiganina ay Noocii waxba ka duwanayn oo Weliba Habrasho ay ku darsadeen, oo ayan ahayn qaar ka badheedhay sheegista Xuquuqda Deegaankooda, Iyagoo ka baqa inay Saxaafadda la hadlaan haba yaraatee oo ad moodo in la Cunayo.
Waxaa la gaadhay Waqti Dhallinta waqtigani ayna aqbali Karin habdhaqankiinna Liita ee Soo jireenka ah ee ku salaysan Jeebkiinaa iyo Sarkaal Hebel baa I amaanayay aniga. Waxa soo dhow in Gacan la idiin qaadi doono hadaydaan Bedelin Tayo xumadan ama ayadaan iska Casilin Darajooyinka ad sheegataan Sida Suldaan, Sheekhl Balad, Oday iwm
Haddabam Waxan u soo jeedinayaa Culimada iyo Salaadinnta Reer Awdal- Allaa Risiqa bixiya isgaan laga baqaa ee Umadda Sahrafteeda ha ku Maxaafsi tegina hadii anad Dulmiyada faraha badan ee Hareeraha kaga socda ka hadlayn oo ka badheedheyn.
Waxa aad la iddinku hadal hayaa in Danaha Gobolkiina Mugdi saaranyahay oo ad ku Mashquulsantihiin Shillin ku raadis Qaddiyada liidata Ee Reer Awdal.
By Abdi Toosh
Email: saylici12@hotmail.com
