July 31, 2011
Maxay Daarantahay Wadada Ay Beesha H/Awal Qorshaynayaan in Laga Dhiso Hargeysa ilaa Djibouti
Maxay Daarantahay Wadada Ay Beesha H/Awal ( Isaaq) Qorshaynayaan in laga dhiso Hargeysa ilaa Djibouti oo ayna Wadadani sii marin Borama.
Meeshan Fadhi ma yaallo ama Habarcafaan ahow amam Maxadcase ahoow ama Makaahiil wuxuumbaa kuu yaalla Deegaaan Laaan hadii anad la iman Feejignaan iyo dhiiranaan ad Dalkaaga ku difaacato.
Beelaha Gadabuursiga ayay la yaab ku noqotay markay maqleen Wafdigii Wasiirka Maaliyaddu hogaaminayay ee Djibouti u tegay in la iska kaashado Wado Laami ah oo isku Xidha Hargeysa ilaa Djibouti oo sii marta Wadada Cad.
Taasoo takoorasa oo an mareyn Borama ama Wadad kale ee Cali Xaydh. Wasiirka Maaliyaddu wuxuu shirar Joogto ah la galaa Ganacsatada iyo Aqoonyahanka Beeshooda iyadoo laga shirayo sidii dhawaan Beesha H/Awal isugu balaadhin lahayd Deegaanka Lughaya.
Xusuuso Beeshani waxay hore u qaadatay Deeganadii la wada Degenaa sida Gebiley, Caadda iyo Banka Wajaale.Yaab, Waa yaabka Yaabkii iyo Amankaag????
Haddaba, akhristoow tani wax lala yaabo maaha ee waxay ka mid tahay Qorshaha Balaadhan ee u degsan Beesha H/Awlal-ISAAQ ooah in dhulka Gadabuursigu Deegaan ahaan u leeyahay lagala wareego mudo an ka badnayn 20 ka sano ee soo socda.
Waxaa qorshahan ku jira in talaabo talaabo loo fuliyo arrintan oo marka hore la badhxo Deegaanda Gadabuursiga oo an la arag Deegaan ay Gaar u leeyihiin. Waa hadday u hirgasho Inshalla Hirgeli mayso oo Ragbaa Deegaankaas leh la doonayao in la boobee Waad xasuustaa 5 Bilood ka hor markii ay Beesha H/Awal isku dayeen inay Xoog ku qaataan Deegaanka Lughaya oo ay Suldaan Bug ah ku Caleemo saaraan wixii ka dhacay waa la ogaa.
Nimankaasi sidaas kumay qancin ee waxay wadaan Qorshayaal is barbar socda oo Gadabuursi lagaga dhigayo Beel an lahayn Deegaan Gaar ah. Tani waa Caddaan oo Waxaa ku hadaaqaya Mar walba Suldaanada H/Awal iyo Xitaa Culimaaudiinkooda oo TV yada iyo Joornaaladab la taagan.
Waar Hurdaayoow Toos oo Dalkaaga Difaaco. Gadabuursi maaha Dad fahmi waayaya sida qaloocan ee Dawladdan Siilaanyo ee U afduuban Beeshan H/Awal ay wax u waddo umana Baahna Nabadgeliyo Dhulka Gadabuursiga lagu boobayo oo waxuu u baahanyahay inuu Difaacdo Deegaankiisa.
Gebogebo: Wadadii EU du ku deeqday 80 kii waxay ahayd Djibouti ilaa Berebra ee halkeedii ha loo daayo haddii la doonayo in lagu soo xidho Hargeysa dee Borama na in la soo mariyo ayay xaq u leedahay ee ha la joojiyo Anaaniyadda shay walba Aniga. Taasi waxay innoo keenaysaa Burbur.
Waa iga Digniin waanan usoo joognay Dawlado adag oo Caddaalad Darro ku burburay waabase innagoo ah Beelo Shirkad ku ah Maamul.
By Abdi Toosh
