July 31, 2011
Foos Burburburkii Hooryaaleysigii Xusbiga UCID, Waxaa Bura Sida Faysal Cali Waraabe
Tebiyihii (narrator): Garsoorihii cayaartii horyaaleysiga ee dhexmartay xusbiga UCID (ka eeg cayaarta hooryaaleysiga barta Longlivesomaliland), markuu dhibcihii dadweynuhu kala siiyeen isku geegeeyey waxaa buntirsiga burosida Faysal Cali Waraabe.
Xusbiga Kulmiye faysal buu la saftay oo duceeyey, UDUB wuu beerdhigaalaynayaan in uu fadhataysto oo siday caadadu dib u riixay shirkii golihiisa dhexe isaga rajeynaaya bal ay xubnaha qaar u soo diga rogtaan xagiisa. Isku soo wada duuboo naatiijadii cayaartu ee garsoorihii ku dhawaaqay waa tan:
* Mudane Faysal Cali Waraabe waxay ku qiimeeyeen in uu gaadhay darajadii Dhallin Ileeye.
Waxay ku horyaaleysteen waad faras xuntahay. Isna wuxuu kaga jawaabey sahan danbaad garan.
* Hogaamiyaha kacdoonka aan waafaqsanayn distoorkii xusbiga iyo dimoqraadiyada, Mudane Cabdiraxman Cirrana waxay ku qiimeeyeen nin lammaan oo dude siiga yaraa.
Ku dhawaaqida natiijada kadib, weriye goobjoogayaasha Garoonka cayaartu ka dhacday ee loo yaqaan kursiga iiga kac iyo kaaga kicimaayo ayaa waraysi kooban la yeeshay Mudane Faysal ayaa sidan u dhacay:
Weriye: Mudane Faysal waxay kugu eedaynayaan dadka qaarkii in aad feedh, laag, tantoomo dheeraad ah adeegsatey oo haraatidii aad dhaaftay. Waxay kugu eedaynayaan in aad mana sheegatay, qabyaalada sheegatay oo aad Hargeysa sheegatay.
Faysal: Waxaan sheegtayba waan ahay. Hargeysa maan sheegan laakiin waa run in aan ahay wiilkeedii. Hargeysana qabiil ma dego ee qabiilooyinka oo dhan baa degan. Qolayada tartantaa xaga tolayda tayda ayaa ugu sahlan. Waayo xusbiga UCID Habro beeleed iyo suldaano hogaamiya oo dhex hurda ku arkimeysid. Waa dhallinyaro wiilal iyo gabdhaba leh oo isbedel doon ah. Dhab libaax, dhab daayeer iyo dhab dayo midna lagama yaqaan.
Weriye: Waxaa lagugu eededaynayaa in aad tahay fucfuc la rag oo sida dabayl xagaad meel loogu soo hagaaga lahayn oo meel kadhac badan?
Faysal: Horta Ilaahay ayuun baan gefin. Waxaa kale oo aan gefin nin intuu geed dooyaysta, xaglo laabtay oo aan habayaraatee wax dhaqaaqa samayn. Haddaad sidaa yeesho ceeb yeelan meysid. Laakiin haddaad dhaqdhaqaado nin habari dhashay hal ma seegi waayee, waxtar iyo waxyeelaba waad yeelan.
Taa waxaa u daliila kooxdan ka dhextoostay xusbiga, ololihii doorashada way xaglo laabnaayeen, shar iyo kheyrtoona nagumay soo kordhin. Maantay laabta yara ruxeenoo maantana min allay gubeen oo shaadhkay doonayeen in uu weligii daahir ahaa maantay nijaasi ku duushay.
Weriye: Waad mahadsan tahay.
Inj. Hamud Duale
Email: huluuq@hotmail.com
