July 29, 2011

Ilaahayow na Dil oo Hana Doorin: Salaadiinta, Musheekhda, Aqoon Yahanka Iyo Odayaasha Reer Awdal oo Amaan Iyo Duco Aanu Mutaysan Kula Dul Kufay Axmed Siilaanyo.

Socdaalka madaweyne Siilaanyo ku yimid magaalada Boorama, oo si sir ah loo qorshaynaayay mudo dheer, isla markaana ay iska kaashadeen maamulka Jaamicada Camuud, madaxtooyada Somaliland iyo taageerayaasha Cabdiraxmaan Saylici ee gobolka Awdal, ayaa wuxuu daaha ka qaaday liitinimada iyo doqoniimada reer Awdal ee beelaha kale ee la jaarka ahi ku xantaan.

Waxa cadaatay in reer Awdal sheekh, shriif, professor, oday iyo suldaan intuba doorsoomeen, lana jaan qaadi karin beelaha facooda ah ee dal iyo deegaanba ay wadaagaan. Umadi markay baaba’ayso waxa laga soo galaa xaga waxgaradka, kuwaas ayaa marka hore khasifma, oo dhalan rogma, ka dibna dhalin yarta iyo dumarka ayaa ku xiga, markaasay cadowgooda u jabaan, dadeedna way tirtirmaan, oo umado kale ayaa halkoodii yimaada oo sidii geed ka biqla.

Waa wax qofkii damiir lihi ka naxo, isla markaana lama ilaawaan ah Professoro, Salaadiin, odayaal iyo sheekhul baladkii magaalada oo sidii gabadh yar oo dhoocil ah, oo wiil ay jeclayd aragtay xiiso bur-bur iskla garan waayay Markii ay arkeen Siilaanyo oo tukubaya. Raga qaarkii ayaa muxibada iyo kalgacalka wajigooda ka muuqatay waxad moodaa inay la kulmeen Nabigeenii Suubanaa (SWC).

Qaabka iyo sida ay u dhaqmayaan raga sharaftii iyo magaca beelaha Samroon huwani waa dambi weyn oo laga galayo ruux kasta oo ku abtirsada beelaha Samaroon. Waxaanay markhaati buuxa, oo aan la dafiri karin u tahay sobobaha aan looga xaan qaadan, xaqoodana loo siin Reer Awdal.

Guud ahaanba waxay Habar Samaroon ku qatantahay, saamigii ay lahaayeena ka helin dawladaha ka dhisan Jabuuti, Somaliland, Kililka Shanaad iyo dawlada ku meel gaadhka ah ee Somalida. Hadaba, maxaa keenay inay afartaa maamulba isku si ula dhaqmaan Gadabuursiga. Jawaabtu waxa weeye, waxay dhamaantood arkeen in aanay dadkani waxba istaahilin, lana sinayn dadyowga kale ee madaqada la degan.

Waa yaabe xagee lagu arkay dad cadowga sibraha goynaya u duceeya, Ilaahayna uga barya Cimri dherer iyo inuu adkeeyo. Siilaanyo oo lawada ogyahay inuu yahay dhagar qabe dhiig yacab ah, isla markaana lawada arkaayo dhismaha iyo habdhaqanka xukuumadiisa, ayaa maanta magaalada Boorama looga ducaynayaa, waa dhiilo wakhtigu inagu simay “Ilaahow Na Dil oo hana Doorin.

Waar wajigiin gubaye hadiiba ay shalay samadu furnayd markaad Siilaanyo u ducaynayseen, Ilaahayna ducadiina aqbalo, bal maxaa dan ama faa’iido ah ee idiin soo kordhaysa?

Siilaanyo waa 80-tan jir, wuu dhaafay wakhtigii uu arimaha dhinac walba ka eegi lahaa ama khaladaadkiisa sixi lahaa. Sidaa uu hada u dhaqmayo ayuun buu inta cimrigiisa ka hadhayna ahaanayaa. Sheeko iyo shaahid midna lagu arag taariikhda aduunka sideetan jir isbdelay, oo dadkii uu horay u necbaan jiray dib u jeclaada.

Markaa Reer Awdalow ducadan iyo amaantan aad goob kasta oo la iskugu yimaado la dabo joogtaan Siilaanyo iyo xukuumadiisa ha moodina inay wax idiin soo kordhinayso. Bal ha la ogaado inay mar mar samadu furan tahay, oo ducooyinkoo dhan la aqbalo, haday xun yihiin iyo haday fiican yihiinba. Qofka aad isaga oon mutaysan amaantaana, waxba sharaf iyo abaal midna kuuma haynayo. Waxa u sii cadaanaysa uun doqoniimadaada, wuxuuna sii xoojin doonaa wax kasta oo uu kugu bahdili karo. Siilaanyona maaha nin taasi hoos mari karto sidiina.

Siilaanyo iyo xukuumadiisuba dhib mooyaane wax dheef ah umay soo kordhin reer Awdal. Sidaa darteedna ma jirto sobob macquul ah oo isaga iyo xukuumadiisa loo amaano amaba loogu duceeyo.

Maaha waxa ka baxsan adaabta iyo dhaqanka wanaagsan qof aanad jeclayn ama jidkaaguba diidayo in la soo dhaweeyo, taasi waa wax aduunka oo dhan laga yaqaano, laakiinse waxan meesha qaban, kana baxasan sharafta iyo dadnimadaba cadowgaaga oo amaan xad dhaafa ah lagu manaysto, Ilaahayna looga baryo Cimri dherer, khayr iyo barwaaqo.

Dadka qaarbaa ku andicoon kara tani waa shaqadii reer Saylac oo waa munaafaqad lagu yaqaano reer Awdal, way fiicnaan lahayd hadii uu waxa kani munaafaqad iyo been ahaan lahaa, lakiinse marka la eego raga hadlaaya wajigooda iyo qaabka ay u socdaan ama u yaalaan, waxa markiima mudh soo odhanaysa inay ka dab tahay, oo aanay is-yeel yeelayn, taasina waa doqoniimo uun, si kaloo loo dhigo ma laha.

Harowo.com, Boorama

Login