July 29, 2011
Gabilayeey Shashmiir oo Shaydaanka Iska Naar
Nin abwaan ahaa oo raganimo u dhashay laakiin dadkiisa ka horeeyey oo la odhan jirey dhega weyne oo nabada jecelaa ayaa markuu arko nin cadhaysan ku odhan jirey shashmiir, isdeji. Kelmadii dalka way ka hirgashay oo dadweynaha gobolka ku nooli wuu u bogey oo aad ayay u fiday oo loo isticmaalay muddo dheer.
Sidii shashmiirta loo hayey ayaa la arka dhegaweyne laftiisii oo xayraansan oo sidii qof telefoonku ku hadlayaa gacanta dhegta saaray oo leh Helloo Hunnaa Allaybaday maxdatu xaaji Gaadh. Shaw war aan dadku ogeyn ayuu maqlay oo uu daba socdaa. Dadkii intay ku dhawaadeen ayay ku yidhaahdeen shashmiir Degaweynow. Wuxuu ugu jawaabey miirta ka reeb Muraa la xidhee. Mure wuxuu ahaa ganacsade gobolka ka tirsan oo ay xalay oo kale Xabashidu xidhay.
Haddaba, markaan arkay banaanbixii Gebiley ka dhacay ee Madaxweynaha kab xaaraanta lagaga hortegey wax kale oo aan idhaahdo garanmaayo ee waxaan idin leeyahay aniga oo aan miirta ka reebin shashmiir, shashmiir, shashmiir waar ha la isdejiyo. Madaxweynuhu hugii qarankuu sitaaye kab xaaraata gashada idinkaa u baahne waana bacde, oo waxaad ayidaan Galbeedoo xaalkaa ay Awdal iyo Wajaale bixiyeen.
Anigu kama soo horjeedo banaanbaxyada mid taageero iyo mid diidmo ah toona, laakiin waxaan diidanaha kuwa ku salaysan dan qofeed oo diidmo ah iyo kuwu dan qofeed ah oo guulwadayn ah. Waxaan barbar taaganahay kuwa ku salaysan dan guud, dan gobol, dan deegaan, dan beeleed iyo dan koox wax gaara aaminsan oo hirgelinteed cadaadis kala kulmay.
Laakiin mudahaaraad kab lala soo baxay waan ku nacay mooyee dan gobol, dan beeleed, iyo waxaad tabanayso midna ma sheegayo. War saxaafadeed maad soo saarin aad waxaad tabanayso ku qeexayso.
Intaanad dawlada dhexe ammaan iyo dhalliil midna u jeedin bal horta dawlada degmadaad isweydii ammaanteed iyo dhaliisheeda. Waxaa intaa ii raaca erey kale oo aan ula dan leeyahay Gebiley, Gobolada kale, qurba joogta iyo warbaahinta. Waxaa had iyo jeer Gebiley iyo Gobolada kalaba mushquul ku yihiin ammaanta iyo dhaliisha guriga madaxtooyada.
Gobolkastaa dawlad hoos oo awood buuxda leh oo sida madaxweynaha loo soo doortay loo doortay aqooni iyo daacadnimo meel ay dhigtaba ayaa ka jira. Dawladahaa hoose dadkii doortay lama xisaabtamaan oo waxay noqdeen lama taabtaan, waxaa kale oo iyaduna jirta odayaal dhaqameed beeluhu leeyihiin arrin iyo adduun midna beeluhu kulama xisaabtamaan, dhammaantoodna beelihii ma dhex joogaan ee magaalo madaxda ayay ku soo urureen si ay allog u noqdaan guriga madaxtooyada.
Waxay ummaddii ku foogan tahay M/weynaha iyo dawladdii dhexe oo keliya. Taasi ayuunbaa laga hadlaya, xildhibaanadii ay doorteen golaha wakiilada iyo golaha deegaanka dadka kama yaqaanin.
Haddaba Guriga Madaxtooyada waxba ma yaaliin, jagooyin ayaa lagu qaybiyaa taasna waa lagu kala hagaage. Adeegii dadweynow idinku qabsada oo kheyraadka iyo hormar gobolkaaga markaa daacad ugu taliso dawlada dhex iyadaaba is sixi. Laakiin nin xildoon ahi intuu farta kuugu fiiqayo guriga madaxtooyada, ee ku iloosiinayo hawshii gudahaaga meelna gaadhimeysaan.
Warbaahinta iyaga waan u garaabayaa
Warbaahinta iyaga ku canaanan maayo geed sarwaabnimada, iyaga danbaa ku khasbaysa in ay sida shinbirmalanta dawlada dhexe ka dulwareegaan. Hadday dawladaha hoose ka hadlaan waa adiga oo beeshii hoos ugu sii daadegey oo jilibo ayaad isqabsanaysaan, oo gondahaaga ayay dagaal ka dhacayaa taasi waa mid.
Teeda kale habeen qudha intay kuu tashadaan ayay dumarka iyo carruurta kugu soo jeedinayaan oo waxaanay dawladda dhexe kugu samayn karin haddaad wax ka sheegto ayay kugu samaynayaan oo meelaha qaarkood Golaha deegaanadu ka awood badan madaxweynaha. Markaa haddaad aragtaan warbaahinta oo ka warwareegeysa dawladaha hoos ha la yaabina.
Qurba joogta
qurba joogta iyagana madaxtooyada wax loo saar. Xaynkii iyo faraqii Marwada iyo garbilihii madaxweynaha ayay ka lushaan. Waxay ku baqamaalayaan beribaan ri’ gees ka ridey. Waxaa la gaadhsiiyey heer jagooyinkii min haydh tuulo ilaa Wasiir iyaga laga simo. Muwaadinkii waxaa la qoray wax ma tarayaal maalinta cod bixinta loo baahan yahay oo ay iyagu weligood iyo waaqood noqodaan calaf sugayaal aan caaqiibo lahayn.
Warkan oo intan ka sii ballaadhan ka akhriso Longlivesomaliland.
Haamud Duale
Email: huluuq@hotmail.com
