July 29, 2011

Ahmed’ow Caydu Waxba Ma Kordhiso ee Canaan Wax Ku Oola Lagu Ciidamiyaa!

Anigu horta ma ihi reerka Samaroon, laakin aad baan u aqaana. Waxaaan ka soo jeeda reeraha aad wada leedihiin Geeskan Africa ee aad ee Dirta’ aad wadaagtaan, oo ah reer Sh. Isxaaq, waxaan ku dhashey Jabuuti, kuna barbaarey.

Sidaad ogtahayba waxaa ku wada nool reerka Ciise, Samaroon iyo Issaq oo wada ah Dir. Waanna dadka ugu caqli badan nabaddana qiimeeya iyo nolosha aadmigu ku fakiro, oo ah dad sida xaqiiqda ah qaar ummaddu nabadgelyo iyo wada noolaansho u horseeda kuwooda iyo intii la noolba.

Saaxiib, waxaa ka wanaagsan cayda aad caayiso Odaayasha adoo u soo jeediya tilmaamo wax tusaaleeyo, waayo Odayaashu waa kuwa aynu ku faano oo ah buddhiga nolosheena iyo dhaqan-dhaqaale iyo hab siyaasadeedkeena ey ku dajiney Geeska’n Africa ee aad ogtey hareeraheena waxa ka dhacaayaa.

Haddaba, waxaan kugu waanin lahaa ka daa’ Odeyasha hadal aan kaa qaban oo runti aniga aad ii dhiibey, oo aan u qaadan waayey Sh Jowhar oo aan ku arkey dhowr goor Borame iyo Hargeysa’ba intii u dhaxeysey 04′-07, waana Sheekh ummadu wada majiirato,  dadkuna ay ila qaabaan dhammaantii.

Hal maalin oo ay badbaadiyeen noloosheena aya ka qiima badan hal sano ooy ay gafeeen hadal aad adigu ka sugeysey haddan idhah sannad- taasina ayna kula qabin dadku ooy adigun kugu eegtey-.

Reerkan aan u maleynayo inaad adigu ka soo jeedo, oo aan sabab uga dhigaayo mareegtaadan iyo sida  foosha xun ee aad u kala qaadqaaddo, horta waa reerka marka xaqiiqada laga hadlo inta Illahay ka soo keysa sababteeda leh Somaliland jiritaankeeda iyo hanaqaadkeeda, taasna Somali waa wada ogtey siiba qomiyadda Dirtu, nin ragi waa ogyahay nacasna’ loo sheegi maayo.
Markaas haddaad adigu qawaddey reerkan Samaroon horta waa sidaas aan ku sheegey rag badan wey ka faaloon doonaaan midhkan aan soo shaaciyey.

Saxiib, Dirta ku nool Somaliland waxay u haysaa abaal 20 sanno oo degganaansho oo ay Samaroon u soo cabbeen kaadidooda, haddi aad maqashey Issaq ba u soo cabbey SNM kadidooda, wannaad garan kartaaa baxaad aay leedahay Jabbhad iyo Dawladnimo faraqqa u dheexeeya, taasna waxaa suroo gelin karaa caqliga saliimka ah iyo xariir’nimada Illahay ku maneystey Samaroon oo Somaliland u xaytey iney ka dhiggaan meel dowlad ka hanaqaado.

Waxaa taaas iyadna ag taal Dirta hormoodka ka ha Jabuuti ee Ciise oo ayaguna keeney degganaansho iyo wada noolaansho oo ay Dirtu inteeda kale  markasta dheefteeda ay liyihiin.

Odeyga Sh. Jowhar, ee aan gayin ceeb iyo cay ayaa igu kalifey inaan qoro qoraalkan, ee saxiib ka waantoow cayda Odayaasha qiimaha ku leh bulshada ay u khaadimaan hadh iyo habeen’ba, iyagana Suldaanadu  waxay mudan yihiin sharaf aan la’ koobi karin ee ka jooji cayda reerka.

Waxaan kugula taaalin lahaa Ahmedow ragganimadu waa ninka kala garta Habeenka iy Maalintii, waxaan uga go’leeyahay, Xaal mari Odeyaasha, oo bil Ramadan ayaa ina kor saaraan , adna caf iyo musaamax iga ahow hadaan wax idhi, adna  waa bil Ramadan ayaa ku dul saareen’e cafis weydiiso Illahay, Odeyyaashana Xaal mari.

Intaad dib isigu noqoto bal eeg hareerahaaga inaad ku qanacsantey waxaad haysato iyo waxaa kaa maqan markaad isku miisaanto Geeska Africa, horumarkaaga iyo waxaad higsaneysid iyo halkaad ka soo hayaantey shaley markii lagu kala tegey waxay Somali meel wada dhigteen ee ay garan waayeen waxaad adigu maanta aad ku gaadhey tilaabo muuqata oo aad ka tahay hormood markaad tahay Dir waliba ka si ah Samaroon oo Somaliland aad buddhigeeda aad ahayd mantana aad tahay xiddigta ka  ifeysa Geeska Africa.

Markale Cafis iyo Musaamax!

Dir’ Citizen , Khadar   -  Seattle, WA

Email: kbarabian@yahoo.com

Login