July 28, 2011

Odhaahda Akhristaha: Cay, Dhaliil Iyo Waano Ku Socota Tifaftiraha Harowo

Ma garanaayo in gari ku gasho amase kaa baxdo. Hase yeeshee, waxaan gartay inaan bal wax yar kuu iftiimiyo oo tallo waayeel ku siiyo. Waxaa marag ma doonta ah inaad mareegtaada u adeegsato aflagaadeyn ashkhaas iyo cay qayaxan ood tolka  ah.
 
Haddii aan tusaale yar ku siiyo. Waxaad aflagaadeyn jirtay Maxamed Alabari markii uu gudoomiyaha ka ahaa ACCNA. Waxaad cay iyo aflagaado shakhsi ah oo laf jab ah oo uusan ilaabin karin ku qaaday Ibraahim Cabsiiye oo ah Guddoomiyaha ARDAA.

Waxaad caayi jirtay Maxadcase  hadana waxaad u tafa xeydatay inaad dab ka dhex shido Jibriil Yoonis iyo Habar Cafaan oo walaalo ah kalana maarmikarin. Ma garanaayo cidda adiga ku dhashay, laakiin waxa hubaa ah inaad dhiig soke ku leedahay Habar Cafaan.
 
Waxaa jira mareegtooyin kale oo cayda kula miista. Hase yeeshee waxay qaar badani kaaga duwan yihiin waxay qirsan yihiin in ay wax aflagaadeeyaan waxna caayaan. Waxaa taa gaaga maraga ogeysiisyadii ay soo qori jireen Mysomaliland , Bakipress iyo  Saylicipress ee ay ka cudurdaaranayeen aflagaadooyinkii ay geysteen.

Abid lama arag adaga oo qirta inaad dadka amase tolka ku xadgudubto. Waxaabad iska dhigtaa digtoor saxafi ah oo faallo xalaal ah bixinaya. Cajiib! BAL HA LA ARKO ADAA AFLAGAADO QIRTA ee maanta ka bilow oo ka cudurdaaro qaladaadkii aad tolka ka gashay.
 
Waxaan kuu sheegayaa inaad tahay qof qaldan oo u baahan talada tolkii. Sidaa darteed, bal dib iskugu noqo oo aflagaadada qaawan ee shakhsiga ah iyo fidnada aad tolka ka dhex wado ka daa oo qor amase daabac wax xalaal ah ooysan ku jiro cay amase aflagaado.

Inta aad ka sheegaynayso jilib hebel sidaa iyo sidaa iyuu ahaan jiray, ka sheekee wuxuu hadda yahay. Reer Xamarku waxay yidhaahdaan awowgaybaa daara lahaan jiray waxa ka fiican maanta ayaan dameer leeyahay.
 
Teeda kale adigu ma taqaanaa Samaroon halka uu ku abtirsado. Ma ogtahay in aad ku soo gunaanadi jirtay SHIMBIR CEEL KU JIRTAAYI JIRIRIQ!
 
Waxaa ila haboon inaad talada aad qaadatid ood iska deysid kana waantoodid aflagaadada iyo cayda tolka.
 
Eebe ha kugu anfaco waanadani. Salaama,

Yusuf Warsame

Email: y_warsame@aol.com

Login