June 30, 2011

Urur Siyaadeedka Ardaa, oo Ugu Dambayntii Cadaystay Wajigoodii Runta ah..!!!

saburag-smallardaa Dad badan oo reer Awdal ah, ayaa khalad u arkayay markii dhawaanta ay qaar ka mid ah shababakadaha wararku farta ku fiiqeen urur siyaasadeedka Ardaa iyo siyaasadaha  qarsoon ee ka dambeeya, kuwaas oo ku andicoonayay in la iska daayo hadii ay maanta wax wanaagsan wadaan, sida dhismaha Dekada Lughaya. Way fiican tahay, waana loo baahan yahay inuu Samaroon maanta dekad dhisto, laakiinse waxay Somaalidu tidhaa “Ninkaad Kabo Ka Tolanayso, Kabihiisaa Horta la Eegaa” .

Urur Siyaasadeedka Ardaa, ayaa mudadii yareed ee uu jiray, isku dir iyo nacayb uu dhex wado beelaha Samaroon mooyaane, aan qaban haba yaaraate wax muuqda oo la taabsan karo oo lugu aamino.

Hadana sida ka muuqata xafladan Boorama lugu qabtay, wuxuuba gacanta u galay shakhiyaad caan ah oo ku sifoobay qabyaalad iyo xumaan la dhex dhigo beelaha walaalaha ah

Mahmaah kale oo caan ah ayaa tidhaa “A Picture is Worth Thousand Words, oo Marka Af-Soomaali Loo Rogo ah: Halka Sawir Wuxuu ka Qiimo Badan Yahay Kun Kelimadood”.

Hadaba, iyada oo aanan faallo dheer gelin, waxa kuu cadaynaya wajiga runta ah ee Ardaa siyaasiinta iyo canaasiirta maanta la soo dhoobay xaflada lagu tilmaamay wanqasha xafiiska Ardaa ee Boorama, kuwaas oo uu hogaaminayay Suldaan Sanbuurag, Xaaji Miisan, Fahmi iyo cayayaanka kale ee dacarta qooshta. suntana wax ma garatada waraabiyaha.

saburag1

Login